Falimaha Rasuullada 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 17:18 : 18 Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.
  • 1 Tes 4:13-14 : 13 ¶ Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn. 14 Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga.
  • Nex 2:10 : 10 Oo Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon markay maqleen inuu yimid nin doonaya wanaagga reer binu Israa'iil ayay aad iyo aad u murugoodeen.
  • Yoox 11:47-48 : 47 ¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye. 48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.
  • Fal 3:15 : 15 oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.
  • Fal 5:17 : 17 ¶ Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,
  • Fal 10:40-43 : 40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey, 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
  • Fal 13:45 : 45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.
  • Fal 17:31-32 : 31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay. 32 ¶ Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.
  • Fal 19:23 : 23 ¶ Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka.
  • Fal 24:14-15 : 14 Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada. 15 Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.
  • Fal 24:21 : 21 haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.
  • Fal 26:8 : 8 Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?
  • Fal 26:23 : 23 taasoo ah in Masiixu xanuunsan doono, iyo sida isagoo ah kii kowaad oo kuwii dhintay ka soo sara kacay uu iftiin ugu naadin doono dadka iyo quruumahaba.
  • Room 8:11 : 11 Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.
  • 1 Kor 15:12-20 : 12 ¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto? 13 Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin. 14 Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare. 15 Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin. 16 Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin. 17 Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan. 18 Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen. 19 Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan. 20 ¶ Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.
  • 1 Kor 15:23 : 23 laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaatinkiisa.
  • 2 Kor 4:13-14 : 13 Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa. 14 Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,

  • 3Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.

  • 17¶ Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,

  • Fal 5:21-22
    2 aayado
    73%

    21Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.

    22Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • Fal 5:24-28
    5 aayado
    72%

    24Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.

    25Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane.

    26Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.

    27¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,

    28oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan.

  • 8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.

  • Fal 4:14-18
    5 aayado
    72%

    14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

    15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

    16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

    17Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.

    18Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.

  • 5¶ Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;

  • Fal 17:18-19
    2 aayado
    71%

    18Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.

    19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?

  • Fal 16:20-22
    3 aayado
    70%

    20oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,

    21oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.

    22Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.

  • 30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

  • 42Maalin walba macbudka dhexdiisa iyo guryahaba kama ay joojin inay dadka baraan oo ku wacdiyaan wax ku saabsan Ciise Masiix.

  • Fal 23:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay.

    8Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.

  • 23¶ Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.

  • 32¶ Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.

  • Fal 4:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

    8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

  • 1¶ Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada

  • 3isagoo caddaynaya oo muujinaya inay waajib ahayd in Masiixu silco oo ka soo sara kaco kuwii dhintay, wuxuuna yidhi, Ciisahan aan idinku wacdiyey waa Masiixa.

  • 33¶ Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan.

  • 33Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.

  • 21haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

  • 23¶ Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen,

  • 18¶ Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen,

  • 21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

  • 5Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?

  • 2Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.

  • 37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

  • 15oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.

  • 27¶ Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.

  • 6Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.

  • 10Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?

  • 5Laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.

  • 8Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan.

  • 23Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.

  • 19Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,