Baxniintii 40:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 26:35 : 35 Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig.
  • Bax 40:24 : 24 Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.
  • Yoox 6:53-57 : 53 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna. 54 Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. 55 Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo. 56 Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga. 57 Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u nolaan doonaa daraadday.
  • Ef 3:8 : 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 26:33-35
    3 aayado
    87%

    33Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

    34Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan.

    35Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig.

  • Bax 40:23-26
    4 aayado
    84%

    23Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    24Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

    25Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    26Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

  • Bax 40:17-21
    5 aayado
    81%

    17¶ Oo sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey.

    18Oo Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay.

    19Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    20Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;

    21markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Bax 40:2-6
    5 aayado
    79%

    2Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.

    3Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

    4Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

    5Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.

    6Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.

  • 36iyo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,

  • Bax 40:28-30
    3 aayado
    77%

    28Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

    29Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    30Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho.

  • Yex 40:39-41
    3 aayado
    77%

    39Oo balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka.

    40Oo dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale.

    41Iridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay.

  • Bax 31:7-8
    2 aayado
    75%

    7kuwaasoo ah taambuugga shirka, iyo sanduuqa maragga, iyo daboolka dul saaran, iyo alaabta Taambuugga oo dhan,

    8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

  • Bax 35:12-13
    2 aayado
    75%

    12iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah,

    13iyo miiska, iyo ulihiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo kibista tusniinta,

  • 6Oo waxaad hor dhigtaa ilxidhka u dhow sanduuqa maragga oo hor yaal daboolka ka sarreeya maragga, halkaas oo ah meesha aan kugula kulmi doono.

  • 2Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd.

  • 27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

  • Bax 37:14-15
    2 aayado
    73%

    14Oo siddooyinku waxay ku dhowaayeen qarka, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.

    15Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.

  • 8Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

  • 30Oo miiska dushiisana waa inaad kibistii tusniinta saartaa, hana taallo hortayda had iyo goorba.

  • Bax 40:33-34
    2 aayado
    73%

    33Markaasuu qotomiyey dayrkii barxadda taambuuggii iyo meeshii allabariga ku wareegsanaa, oo barxadda iriddeediina wuxuu sudhay daahii. Sidaasuu Muuse shuqulkii u dhammeeyey.

    34¶ Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.

  • 10¶ Miiskana qori qudhac ah ayuu ka sameeyey, oo dhererkiisu wuxuu ahaa laba dhudhun, ballaadhkiisuna dhudhun, sarajooggiisuna dhudhun iyo badh,

  • 27Oo meel qarka ku dhow waa inay siddooyinku ku yaalliin, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.

  • 30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

  • 1¶ Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii dibadda dhankeeda woqooyi, oo wuxuu i geliyey qolladdii meesha goonida ah ka soo hor jeedday oo dhismaha xagga woqooyi ka soo hor jeedday.

  • 33Oo waxay Muuse u keeneen taambuuggii, oo ahaa teendhadii iyo alaabteedii oo dhan, qabsatooyinkeedii iyo looxyadeedii iyo ulaheedii gudbanaa, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii,

  • 6Oo waa inaad laba saf u dhigtaa oo safkiiba waxaad ka dhigtaa lix xabbadood, oo waxaad saartaa miiska saafiga ah oo Rabbiga hortiisa yaal.

  • 20Oo taambuugga dhankiisa labaad oo woqooyi xiga waa inaad u yeeshaa labaatan loox,

  • 25Oo taambuugga dhankiisa labaadna oo woqooyi xiga, wuxuu u sameeyey labaatan loox,

  • 19¶ Markaasuu i dhex mariyey iriddii kadinka dhiniciisa ku tiil, oo wuxuu i geeyey qolladihii quduuska ahaa oo wadaaddada oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo bal eeg, meel baa ku tiil dhankooda dambe ee galbeed.

  • 21Oo daboolkana waa inaad sanduuqa dushiisa saartaa; oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono.

  • 13Oo markaasuu igu yidhi, Qolladaha woqooyi iyo qolladaha koonfureed oo meesha goonida ah ka soo hor jeeda waa qolladaha quduuska ah oo wadaaddada Rabbiga u soo dhowaadaa ay waxyaalaha quduuska ah ku cunaan, oo waxay halkaas dhigi doonaan waxyaalaha aad u quduuska ah, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, waayo, meeshaasu waa quduus.

  • 38iyo meeshii allabariga oo dahabka ahayd, iyo saliiddii lagu subkan lahaa, iyo fooxii udgoonaa, iyo daahii iridda teendhada,

  • 19Oo gurigii dhexe badhtankiisa wuxuu ka diyaariyey meel quduus ah inuu dhigo sanduuqii axdiga Rabbiga.