Baxniintii 8:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Inaad ogaatid inaan anigu dhulka dhexdiisa ku ahay Rabbiga, maalintaas waan ka duwi doonaa dalka Goshen oo dadkaygu deggan yahay, inaan duqsiyo badanu halkaas jirin innaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 9:4 : 4 Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.
  • Bax 9:6 : 6 Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.
  • Bax 10:23 : 23 oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen.
  • Mal 3:18 : 18 Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
  • Bax 7:17 : 17 Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.
  • Bax 8:10 : 10 Markaasuu ku yidhi, Berri. Isaguna wuxuu yidhi, Sidaad u tidhi ha noqoto, bal inaad ogaatid inaanu jirin mid la mid ah Rabbiga ah Ilaahayaga.
  • Sab 110:2 : 2 Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga, Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
  • Yex 30:19 : 19 Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Bax 11:6-7 : 6 Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba. 7 Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
  • Bax 12:13 : 13 Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar.
  • Bax 9:26 : 26 Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen.
  • Bax 9:29 : 29 Kolkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay.
  • Sab 74:12 : 12 Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore, Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 8:20-21
    2 aayado
    86%

    20¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac oo Fircoon hortiisa istaag, waayo, markaasuu biyaha tegayaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

    21Haddii kalese haddaadan dadkayga sii daynin inay tagaan, bal ogow, waxaan idiin soo diri doonaa duqsiyo faro badan, adiga, iyo addoommadaada, iyo dadkaaga, iyo guryahaaga dhexdooda; oo guryaha Masriyiinta oo dhanna waxaa ka buuxsami doona duqsiyo faro badan, iyo weliba dhulka ay joogaanba.

  • Bax 8:23-24
    2 aayado
    84%

    23Oo dadkayga iyo dadkaagana waan kala sooci doonaa; calaamadaasuna berri bay ahaan doontaa.

    24Rabbiguna sidii buu yeelay, oo duqsiyo badan oo baas ayaa yimid gurigii Fircoon, iyo guryihii addoommadiisa, oo dalkii Masar oo dhanna duqsiyadii badnaa aawadood ayuu u kharribmay.

  • 31Rabbiguna sidii Muuse yidhi ayuu yeelay; duqsiyadii badnaana wuu ka kexeeyey Fircoon, iyo addoommadiisii, iyo dadkiisiiba. Mid qudh ahna kama hadhin.

  • 29Muusena wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waan kaa baxayaa oo waxaan Rabbiga ka baryi doonaa inay duqsiyada badanu berri ka tagaan Fircoon iyo addoommadiisa, iyo dadkiisa, laakiinse Fircoon yuusan mar dambe khiyaano nagula macaamiloon, isagoo aan daynin dadka inay tagaan si ay allabari ugu bixiyaan Rabbiga.

  • Bax 9:13-15
    3 aayado
    76%

    13¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

    14Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.

    15Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,

  • 4Laakiinse haddii aad diiddo inaad dadkayga sii dayso, bal ogow, berrito dalkaaga ayax baan ku soo dayn doonaa,

  • 19Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Bax 7:4-5
    2 aayado
    74%

    4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

    5Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

  • 18¶ Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur.

  • 15Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 20Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.

  • Bax 12:12-13
    2 aayado
    72%

    12Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga.

    13Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar.

  • Bax 9:4-5
    2 aayado
    72%

    4Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.

    5Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.

  • Bax 8:8-11
    4 aayado
    72%

    8Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga noo barya inuu rahyada naga qaado aniga iyo dadkaygaba; oo markaasaan dadka sii dayn doonaa inay tagaan oo ay Rabbiga allabari u bixiyaan.

    9Kolkaasaa Muuse wuxuu Fircoon ku yidhi, Adaa amarka leh; goormaan idiin baryaa adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga, iyo in rahyada laga baabbi'iyo adiga iyo guryahaagaba, oo ay ku hadhaan webiga keliya?

    10Markaasuu ku yidhi, Berri. Isaguna wuxuu yidhi, Sidaad u tidhi ha noqoto, bal inaad ogaatid inaanu jirin mid la mid ah Rabbiga ah Ilaahayaga.

    11Oo rahyadu waa ka tegi doonaan adiga iyo guryahaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba, oo waxay ku hadhi doonaan webiga oo keliya.

  • 18Oo Masriyiintu markaasay garan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, kolkii aan sharaf ka helo Fircoon, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

  • Bax 10:12-14
    3 aayado
    72%

    12¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada ayaxa ugu fidi dalka Masar korkiisa, inuu kor yimaado dalka Masar, oo uu cuno geed yar oo kasta, oo ah in alla intii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsatay.

    13Markaasuu Muuse ushiisii dalkii Masar ku kor fidiyey, oo Rabbigu maalintaas oo dhan iyo habeenkii oo dhan, wuxuu dhulkii ku soo daayay dabayl bari ka timid, oo markii waagii beryay ayaa dabayshii bari ayaxii keentay.

    14Kolkaasaa ayaxii dalkii Masar oo idil dul fuulay, oo wuxuu ku soo degay dalkii Masar oo dhan; wuxuuna ahaa ayax baas; hortiisna lama arag ayax saas oo kale ah, dabadiisna ma jiri doono kaas oo kale.

  • Bax 8:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

    2Oo haddii aad diiddo inaad sii daysid, bal hadda ogow, waddankaaga oo dhan waxaan ku soo dayn doonaa rahyo.

  • Bax 9:17-18
    2 aayado
    72%

    17Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?

    18Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan.

  • 26Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 6Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah.

  • 26Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen.

  • Bax 8:16-17
    2 aayado
    71%

    16¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada fidi oo ciidda dhulka ku dhufo si uu dalka Masar oo dhammu injir miidhan u noqdo.

    17Markaasay sidii yeeleen. Kolkaasaa Haaruun ushiisii gacanta ku fidiyey, oo wuxuu ku dhuftay ciidda dhulka, kolkaasaa injiru gashay dadkii iyo duunyadiiba; ciiddii dhulka oo dhammuna waxay noqotay injir miidhan oo qulqulaysa dalkii Masar oo dhan.

  • 8Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 7Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.

  • 9Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.

  • 17Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.

  • 4¶ Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,

  • 46Oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahood ah oo iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey inaan iyaga dhex joogo. Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaahood.

  • 23Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo.

  • 6waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,

  • 22¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis.

  • 31Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.

  • 21Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan.

  • 7oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta.