Baxniintii 9:4
Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.
Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.
6Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.
7Markaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan.
2Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,
3bal ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas.
4¶ Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,
5oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan.
6Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba.
7Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
19Haddaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan.
20Markaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay;
21kii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.
12Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga.
13Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar.
23Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo.
22Inaad ogaatid inaan anigu dhulka dhexdiisa ku ahay Rabbiga, maalintaas waan ka duwi doonaa dalka Goshen oo dadkaygu deggan yahay, inaan duqsiyo badanu halkaas jirin innaba.
23Oo dadkayga iyo dadkaagana waan kala sooci doonaa; calaamadaasuna berri bay ahaan doontaa.
29¶ Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan.
2Curadyada oo dhan quduus iiga dhig; wax alla wixii maxal fura oo ku dhex jira reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, anigaa iska leh.
17Waayo, dad iyo duunyaba curadyada reer binu Israa'iil oo dhan anigaa iska leh. Waxaan iyaga quduus ka dhigtay maalintii aan wada laayay curadyadii dalka Masar oo dhan.
22Sidaas daraaddeed adhigayga waan badbaadin doonaa, oo mar dambena wax la dhaco siima uu ahaan doono, oo waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo.
17Oo saasay wada noqon doonaan dadkii wejigooda ku qummaatiyaa inay Masar galaan oo ay halkaas degaan. Waxay ku dhiman doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo midkoodna kama hadhi doono, kamana baxsan doono masiibada aan korkooda ku soo dejin doono.
4intii Masriyiintu ay aasayeen curadyadoodii uu Rabbigu ku dhex laayay oo dhan. Oo ilaahyadoodiina Rabbigu xukummo buu ku soo dejiyey.
8Oo isagu si uusan ugu nijaasoobin waa inuusan innaba cunin wax iska bakhtiyey amase dugaagu bakhtiistay, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
11Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.
4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.
25Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay oo aan idhi, Waa nijaas.
9Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.
4oo ah dalkii Rabbigu wax kaga dhuftay reer binu Israa'iil hortooda waa dal xoolo u wanaagsan, oo annagoo addoommadaada ahuna xoolo baannu leennahay.
2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,
11Innaba binu-aadmi cagtiis ma dhex mari doonto, oo xayawaan cagtiisna ma dhex mari doonto, oo intii afartan sannadood ah ciduna dhexdiisa ma degi doonto.
8Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, waxaan dushaada ku soo dayn doonaa seef, oo dad iyo duunyaba waan kaa dhex baabbi'in doonaa.
8Isagaa laayay curadyadii Masar, Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
17Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.
4Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.
26Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas.
47si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.
12Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.
19¶ Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga.
30Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal.
15oo markii Fircoon dooni waayay inuu na sii daayo, waxaa dhacday inuu Rabbigu wada laayay curadyadii Masar oo dhan oo ahaa curadyadii dadka iyo curadyadii duunyadaba; oo sidaas daraaddeed baan Rabbiga allabari ugu bixiyaa wax alla wixii maxal fura oo dhan, ee ah inta lab, laakiinse dadkayga curadyadiisa oo dhan wax baan ku madax furtaa.
3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,
15Oo saasay noqon doontaa belaayada faraska, iyo tan baqalka, iyo tan awrka, iyo tan dameerka, oo xayawaanka xerooyinkaas jooga oo dhanba waxaa ku dhici doonta belaayadan.
20¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu iyaga ku leeyahay, Aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idaha buurbuuran iyo idaha caatada ah kala xukumi doona.
18Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.