Yexesqeel 10:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo keruubkii wuxuu gacantiisii u fidiyey dabkii keruubiimta dhexdooda yiil, oo intuu wuxoogaa ka soo qaaday ayuu gacantii kii dharka wanaagsanaa qabay ku riday, oo isaguna intuu soo qaaday ayuu baxay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 1:13 : 13 Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.
  • Yex 10:6 : 6 Oo markuu amray ninkii dharka wanaagsanaa qabay oo uu ku yidhi, Giraangiraha dhexdooda iyo keruubiimta dhexdooda dab ka soo qaad, markaasuu dhex galay oo wuxuu istaagay giraangir dhinaceed.
  • Yex 41:23-26 : 23 Oo macbudka iyo meesha quduuska ahu waxay lahaayeen laba albaab. 24 Oo labada albaab midkiiba wuxuu lahaa laba qaybood, kuwaasoo ah laba qaybood oo isku laalaaban. Albaab wuxuu lahaa laba qaybood, oo albaabka kalena wuxuu lahaa laba qaybood. 25 Oo waxaa albaabbada macbudka lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo u ekaa kuwii derbiyada lagu sharraxay, oo balbalada dibadda horteedana waxaa ku yiil looxaan qaro weyn. 26 Oo balbalada dhinacyadeeda waxaa ku yiil daaqado cidhiidhsan iyo geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba ku yaal oo daarta qolladeheeduna saasoo kalay ahaayeen, iyo looxaantii qarada weynayd.
  • Mat 13:41-42 : 41 Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala. 42 Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
  • Mat 13:49-50 : 49 Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah, 50 oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
  • Mat 24:34-35 : 34 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 10:1-6
    6 aayado
    86%

    1¶ Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.

    2Markaasuu la hadlay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad kala dhex martaa giraangiraha iyo xataa keruubka hoostiisa, oo markaas labadaada gacmood ka soo buuxi dhuxulo dab ah oo aad keruubiimta dhexdooda ka soo cantoobiso, oo waxaad ku dul daadisaa magaalada. Oo isna wuu dhex maray anigoo indhaha ku haya.

    3Haddaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur.

    4Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.

    5Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.

    6Oo markuu amray ninkii dharka wanaagsanaa qabay oo uu ku yidhi, Giraangiraha dhexdooda iyo keruubiimta dhexdooda dab ka soo qaad, markaasuu dhex galay oo wuxuu istaagay giraangir dhinaceed.

  • Yex 10:8-9
    2 aayado
    82%

    8Oo keruubiimtii waxaa ka muuqday wax nin gacantiis u eg oo baalashooda hoosta uga yaal.

    9Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.

  • Yex 9:2-3
    2 aayado
    77%

    2Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.

    3Kolkaasaa ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil kor bay uga kacday keruubkii ay kor saarnayd, oo waxay tagtay guriga marinkiisii, oo wuxuu u yeedhay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo dhiniciisa ku sitay geeskii khadka kan wax qora.

  • 6Markaasaa seraafiimtii midkood xaggayga u soo duulay isagoo gacanta ku sida dhuxul nool, oo uu birqaab kaga soo qaaday meeshii allabariga,

  • Yex 10:15-21
    7 aayado
    74%

    15Keruubiimtii kor bay isu qaadeen. Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay.

    16Keruubiimtu markay socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo markii keruubiimtu ay baalashooda kor u qaadeen inay dhulka kor isaga qaadaan aawadeed, isla giraangirahaasu dhinacoodii kama ay leexan.

    17Oo markay istaageen, kuwaasuna way istaageen, oo markay kor isu qaadeenna, kuwaasuna kor bay isu qaadeen, waayo, xayawaanka naftoodu iyagay ku jirtay.

    18Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.

    19Oo keruubiimtiina baalashooday kor u qaadeen oo anigoo indhaha ku haya ayay dhulka kor isaga qaadeen, oo markay bexeen giraangirihiina way dhinac socdeen, oo waxay ag istaageen albaabkii iridda bari ee guriga Rabbiga, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ammaantiisiina iyagay ka korraysay.

    20Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan ku arkay Ilaaha reer binu Israa'iil hoostiisa iyagoo Webi Kebaar agtiisa jooga, oo waxaan iqiin inay keruubiim yihiin.

    21Midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg.

  • 22Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.

  • 73%

    24Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun.

    25Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab.

    26Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa.

    27Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa.

  • 4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 7Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

  • 2Markaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa.

  • 10Oo wadaadkuna waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.

  • 12Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa.

  • 71%

    10Oo guriga ugu wada quduusan gudihiisana wuxuu ku sameeyey laba keruub oo wax xardhan ah, oo iyagana dahab baa lagu dahaadhay.

    11Keruubiimta baalashooda dhererkooduna wuxuu ahaa labaatan dhudhun; mid baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa, oo kan kalena wuxuu ahaa shan dhudhun sidaasoo kale oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.

    12Oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa kale; oo baalka kalena sidaasoo kale wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.

    13Oo keruubiimtaas baalashoodu way kala baxsanaayeen intii labaatan dhudhun ah; oo cagahooday ku taagnaayeen, wejiyadooduna waxay u jeedeen guriga gudihiisa.

  • Bax 37:7-9
    3 aayado
    71%

    7Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay.

    8Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad.

    9Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

  • 27Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya.

  • 13Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.

  • Yex 1:4-5
    2 aayado
    70%

    4¶ Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa.

    5Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.

  • 7Wuxuuna yidhi, War haddaba soo qaado. Sidaas daraaddeed gacantii buu fidiyey oo soo qaatay.

  • 7Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa.

  • 8Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba.

  • 37La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus.

  • 8Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

  • 4¶ Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu amray in dab lagu diriro, oo dabku wuxuu laastay moolkii weynaa, oo wuxuu cuni lahaa dhulka.

  • 16Baayacmushtarigaaga badan aawadiis waxaa dhexdaada laga buuxiyey dulmi, waanad dembaabtay, oo sidaas daraaddeed ayaan adiga sida wax nijaas ah oo kale buurta Ilaah kaaga xooray. Keruubkii wax dabooli jirayow, waan ku halligay oo dhagxanta dabka ah dhexdooda waan kaa baabbi'iyey.

  • 14Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah.

  • 20Oo keruubiimtu waa inay baalashooda meel sare ka soo kala bixiyaan, iyagoo baalashooda ku qarinaya daboolka, oo wejiyadoodu isku soo jeedaan, oo keruubiimta wejiyadooduna waa inay ku soo jeedaan daboolka.

  • 24Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.

  • 21Markaasaa malaggii Rabbigu wuxuu soo taagay ushii gacantiisa ku jirtay dabadeedii, oo wuxuu ku taabtay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn, markaasaa dab ka soo baxay dhagaxii, oo wuxuu laastay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn; oo markaasaa malaggii Rabbigu ka libdhay araggiisii.