Yexesqeel 16:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dhalashadaadii iyo maalintii aad dhalatay xudduntaadii lama gooyn, oo biyana laguguma maydhin si aad nadiif u noqotid. Innaba laguma cusbayn, oo innaba waxba laguguma duudduubin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 2:3 : 3 si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.
  • Luuk 2:7 : 7 waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
  • Luuk 2:12 : 12 Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.
  • Fal 7:6-7 : 6 Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono. 7 Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan.
  • Yex 20:13 : 13 Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo.
  • Bil 15:13 : 13 Markaasuu wuxuu ku yidhi Aabraam, Ogow in hubaal farcankaagu ay dad qalaad ku ahaan doonaan dal aan kooda ahayn, oo ay u adeegi doonaan, oo afar boqol oo sannadood waa la dhibi doonaa;
  • Bax 1:11-14 : 11 Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses. 12 Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen. 13 Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan, 14 oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.
  • Bax 2:23-24 : 23 ¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed. 24 Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.
  • Bax 5:16-21 : 16 Addoommadaada caws lama siiyo, oo waxay nagu yidhaahdaan, Leben sameeya. Oo bal eeg, addoommadaadii waa la garaacaa, laakiinse gardarrada waxaa iska leh dadkaaga. 17 Laakiinse wuxuu ku yidhi iyagii, Caajisiin baad tihiin, caajisiin baad tihiin, oo sidaas daraaddeed baad u leedihiin, Aannu tagno oo aan Rabbiga allabari u bixinno. 18 Haddaba taga oo shaqeeya, waayo, caws laydin siin maayo, oo weliba waa inaad keentaan tiradii lebenkii oo kale. 19 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba samayn jirteen. 20 Oo markay Fircoon ka soo bexeen waxay ka hor yimaadeen Muuse iyo Haaruun oo jidka taagtaagan, 21 oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu ha idin fiiriyo oo ha idin xukumo, waayo, waxaad naga dhigteen wax u ura Fircoon iyo addoommadiisii si ay noo nacaan oo ay intay seefo noo qaataan noo laayaan.
  • Sharc 5:6 : 6 ¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.
  • Sharc 15:15 : 15 Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.
  • Yash 24:2 : 2 Oo Yashuuca wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Awowayaashiin waxay waa hore degganaan jireen Webigii shishadiisa, oo waxaa ka mid ahaa Terax oo ahaa aabbihii Ibraahim iyo Naaxoor; waxayna u adeegi jireen ilaahyo kale.
  • Nex 9:7-9 : 7 Adigaa ah Rabbiga Ilaaha ah oo Aabraam doortay, oo isaga ka soo bixiyey Uur tii reer Kaldayiin, oo u bixiyey magaca Ibraahim la yidhaahdo, 8 oo dabadeedna ogaaday in qalbigiisu hortaada aamin ku yahay, oo isagii axdi kula dhigtay inaad isaga siinaysid dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Girgaash, xataa inaad dalkaas siinaysid farcankiisa; oo erayadaadiina waad oofisay, maxaa yeelay, xaq baad tahay. 9 Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen;
  • Bar 2:20 : 20 Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?
  • Bar 2:22 : 22 Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.
  • Yex 20:8 : 8 Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 16:5-10
    6 aayado
    85%

    5Iluna kuuma ay nixin inay waxyaalahaas kuu samayso, ama inay kuu roonaato, laakiinse maalintii aad dhalatay ayaa berrinka bannaan lagugu xooray, waayo, qofnimadaadu waxay ahayd wax la quudhsado.

    6Oo markaan ku soo ag maray oo aan arkay adigoo dhiiggaagii ku nijaasoobay ayaan kugu idhi, Adigoo dhiiggaagii ku dhex jira, noolow. Adigoo dhiiggaagii ku dhex jira ayaan waxaan kugu idhi, Noolow!

    7Oo waxaan kaa dhigay inaad sida biqilka duurka oo kale u badatid, waanad korodhay oo sii weynaatay, oo waxaad noqotay wax qurux badan, waanad naaso keentay, oo timahaagiina way bexeen, in kastoo aad qaawanayd oo aanad dednayn.

    8Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    9Oo markaasaan biyo kugu maydhay, oo dhiiggaagiina waan kaa wada dhaqay, oo saliid baan kugu subkay.

    10Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.

  • 3oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu Yeruusaalem ku leeyahay, Jinsiyadaada iyo dhalashadaaduba waa dalka reer Kancaan. Aabbahaa wuxuu ahaa reer Amor, oo hooyadaana waxay ahayd reer Xeed.

  • Yex 16:20-23
    4 aayado
    75%

    20Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd

    21inaad carruurtayda gowracdid, oo aad iyaga u bixisid in dab loo dhex marsiiyo sanamyadaada aawadood?

    22Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.

    23(Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigaa iska hoogay, oo hoogay.) Oo xumaantaadii oo dhan dabadeed

  • 8Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.

  • 36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

  • Sab 22:9-10
    2 aayado
    70%

    9Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.

    10Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay, Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.

  • 22Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aad soodhe isku maydhid, oo aad saabuun iska badisid, weli xumaantaadii sida calaamad oo kale bay ii muuqataa.

  • 5Intaanan uurkii hooyadaa kugu abuurin ayaan ku iqiin, oo intaadan uurka ka soo bixin ayaan quduus kaa dhigay, oo waxaan kuu doortay inaad nebi u noqotid quruumaha.

  • 13Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.

  • 16Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?

  • 3Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,

  • 26Oo adiga iyo hooyadaadii ku dhashayba waxaan ku dhex xoori doonaa dal aydaan ku dhalan, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.

  • 3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

  • 4Waxaad ku eedowday dhiiggii aad daadisay, oo waxaad ku nijaasowday sanamyadaadii aad samaysatay, oo wakhtigaagiina waad ka yeeshay inuu soo dhowaado, oo weliba cimrigaagiina wuu buuxsamay, oo sidaas daraaddeed cay baan quruumaha kaaga dhigay, oo majaajilo baan waddammada oo dhan kaaga dhigay.

  • Yex 16:13-15
    3 aayado
    68%

    13Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.

    14Oo quruxdaada aawadeed ayaa warkaagii quruumaha ku dhex faafay, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay ku dhammaystirantay haybaddaydii aan ku dul saaray.

    15¶ Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.

  • 45Waxaad tahay gabadhii hooyadaa oo ninkeeda iyo carruurteedaba nacda, oo weliba waxaad tahay walaashii walaalahaa oo nimankoodii iyo carruurtoodiiba nacay. Hooyadaa waxay ahayd reer Xeed, oo aabbahaana wuxuu ahaa reer Amor.

  • 14¶ Ha inkaarnaato maalintii aan dhashay, oo maalintii hooyaday i dhashayna yaanay barakoobin.

  • 11Waayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen.

  • 19Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay.

  • 5Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 9Haddaba bal maxaad u musannaabaysaa? Sow boqor kuma dhex joogo? Mase taliyahaagii baa halligmay? Oo ma sidaas daraaddeed baa xanuun ku qabtay sidii naag foolanaysa?

  • 12kolley hooyadiin si xun bay u ceeboobi doontaa, oo tii idin dhashayna way welweli doontaa, oo bal ogaada, iyadu waxay ahaan doontaa midda quruumaha ugu wada dambaysa, iyo cidla, iyo dhul engegan, iyo lamadegaan.

  • 3¶ Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla.

  • Yex 16:57-58
    2 aayado
    67%

    57intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.

    58Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.

  • 17maxaa yeelay, isagu iguma dhex dilin uurkii hooyaday, si ay hooyaday igu ahaato qabrigaygii, oo uu uurkeeduna u weynaado weligiisba.

  • 22Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.

  • 21Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.

  • 18Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta.

  • 47Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.

  • 43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.

  • 1¶ Gasiiradahow, bal i maqla, dadkiinna fogow, bal i dhegaysta, Rabbigu wuxuu iiga yeedhay maxalka, oo uurkii hooyaday ayuu iga soo magacaabay.

  • 16Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa, Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen, Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey Intaan midkoodna jirin ka hor.

  • 30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

  • 30Galkeedii ha ku noqoto. Anigu waxaan kugu xukumi doonaa meeshii lagugu abuuray iyo dalkii aad ku dhalatay.

  • 14¶ Oo Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.

  • 13Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.

  • 12¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.