Yexesqeel 16:61

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaasaad jidadkaagii soo xusuusan doontaa, oo waad isku ceeboobi doontaa markaad qaabbishid walaalahaa, ta kaa weyn iyo ta kaa yarba, oo inay gabdho kuu noqdaan baan kuu siin doonaa, laakiinse axdigaaga kugu siin maayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Gal 4:26-31 : 26 Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen. 27 Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda. 28 Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale. 29 Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale. 30 Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah. 31 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.
  • Cib 8:13 : 13 Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.
  • Room 15:16 : 16 inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa.
  • Ef 3:6 : 6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
  • Ish 66:7-9 : 7 Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay. 8 Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay. 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa? 10 ¶ Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya, 11 si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan. 12 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, nabad sida webi oo kale ayaan ugu soo fidin doonaa, oo sharafta quruumahana sida durdur soo buuxdhaafay oo kale ayaan ugu soo dayn doonaa, oo markaasaad nuugi doontaan, oo sintaa laydinku xambaari doonaa, dhabtaana laydinku dul cayaarsiin doonaa.
  • Yer 31:18-20 : 18 Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay. 19 Hubaal markaan soo noqday ayaan toobadkeenay, oo markii lay waaniyeyna bowdadaan dharbaaxay, oo waan ceeboobay, oo xataa waan sharafjabay, waayo, waxaan weli sitay ceebtii yaraantayda. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa.
  • Room 11:11 : 11 ¶ Haddaba waxaan leeyahay, Miyey turunturoodeen inay dhacaan? Maya, ma suurtowdo! Laakiin dhicitinkoodii aawadiis ayaa badbaadinu ugu timid quruumaha kale inay ka hinaasaan.
  • Yer 50:4-5 : 4 Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan. 5 Iyagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.
  • Yex 20:43 : 43 Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.
  • Yex 36:31-32 : 31 Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan. 32 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.
  • Hos 1:9-9 : 9 Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa Lo-Cammii, waayo, idinku dadkayga ma ahidin, oo aniguna Ilaahiin idiin ahaan maayo. 10 ¶ Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool. 11 Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.
  • Yoox 15:16 : 16 Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weyddiisataan uu idin siiyo.
  • Yex 6:9 : 9 Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
  • Yex 16:53-55 : 53 Waxaan dib u soo celin doonaa maxaabiistoodii, kuwaas oo ah maxaabiistii Sodom iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistii Samaariya iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistaada iyaga dhex jooga, 54 si aad u ceebowdid, oo aad ugu facsharantid wixii aad samaysay oo dhan, waayo, waxaad iyaga u tahay qalbi qabowjis. 55 Markaasaa walaalahaa Sodom iyo gabdhaheedu ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo Samaariya iyo gabdhaheeduna ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo adiga iyo gabdhahaaguna aad sidiinnii hore ku soo noqon doontaan.
  • Yex 16:63 : 63 si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Ayuub 42:5-6 : 5 Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay, Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa, 6 Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
  • Sab 119:59 : 59 Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
  • Hees 8:8-9 : 8 Annagu waxaannu leennahay walaal yar, Oo aan innaba naaso lahayn. Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa Maalintii iyada guur loo soo doonto? 9 Hadday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah, Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah.
  • Ish 2:2-5 : 2 ¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan. 3 Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem. 4 Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan. 5 ¶ Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
  • Ish 11:9-9 : 9 Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan. 10 ¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.
  • Ish 49:18-23 : 18 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale. 19 Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan. 20 Carruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee. 21 Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen? 22 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan. 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Ish 54:1-2 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda. 2 Meesha teendhadaada ballaadhi, oo rugahaaga daahyadoodana ha la kala bixiyo. Waxba ha la hadhin, xadhkahaaga sii dheeree, oo dhidbahaagana sii xoogee.
  • Ish 60:4 : 4 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa.
  • Room 15:8-9 : 8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
  • Yer 31:31-40 : 31 ¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah, 32 oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay. 33 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono. 35 Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay: 36 Haddii qaynuunnadaasu ay hortayda ka tagaan, farcanka reer binu Israa'iilna way ka joogsan doonaan inay weligoodba hortayda quruun ku ahaadaan. 37 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddii samada sare la qiyaasi karo, amase aasaaska dhulka hoose la soo baadhi karo, markaas aniguna farcanka reer binu Israa'iil oo dhan waan u wada xoori doonaa wixii ay sameeyeen oo dhan aawadood, ayaa Rabbigu leeyahay. 38 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka. 39 Oo xadhigga qiyaastuna wuxuu hore ugu sii gudbi doonaa tan iyo buurta Gaareeb oo ka sii horraysa, oo xagga Gocaahna wuu u jeedsan doonaa. 40 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
  • Ef 2:12-14 : 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn. 13 Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa. 14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 16:51-60
    10 aayado
    84%

    51Oo xataa dembigaaga badhkiis Samaariya ma ay samayn, laakiinse waxyaalahaaga karaahiyada ah waad ka sii badisay kuweeda, oo walaalahaana waxaad xaq kaga dhigtay waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo aad samaysay oo dhan.

    52Bal adigu ceebow, waayo, walaalahaa waad xukuntay, maxaa yeelay, waxaad samaysay wax karaahiyadoodii ka sii daran, oo iyagu way kaa xaq badan yihiin. Haddaba facsharan, oo ceebow, waayo, waxaad xaq ka dhigtay walaalahaa.

    53Waxaan dib u soo celin doonaa maxaabiistoodii, kuwaas oo ah maxaabiistii Sodom iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistii Samaariya iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistaada iyaga dhex jooga,

    54si aad u ceebowdid, oo aad ugu facsharantid wixii aad samaysay oo dhan, waayo, waxaad iyaga u tahay qalbi qabowjis.

    55Markaasaa walaalahaa Sodom iyo gabdhaheedu ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo Samaariya iyo gabdhaheeduna ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo adiga iyo gabdhahaaguna aad sidiinnii hore ku soo noqon doontaan.

    56Waayo, walaashaa Sodom afkaagu kama hadlin waagii aad kibirsanayd,

    57intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.

    58Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.

    59Waayo, wuxuu Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, Waxaan kugu samayn doonaa sidaad samaysay oo kale, waayo, adigu dhaartii waad quudhsatay markaad axdigii jebisay.

    60Habase ahaatee axdigaygii aan yaraantaadii kula dhigtay waan soo xusuusan doonaa, oo weliba waxaan kula samaysan doonaa axdi weligiis ah.

  • Yex 16:62-63
    2 aayado
    82%

    62Aniguna axdigaygaan kula adkaysan doonaa, oo adiguna waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay,

    63si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.

  • 22Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.

  • Yex 16:45-48
    4 aayado
    75%

    45Waxaad tahay gabadhii hooyadaa oo ninkeeda iyo carruurteedaba nacda, oo weliba waxaad tahay walaashii walaalahaa oo nimankoodii iyo carruurtoodiiba nacay. Hooyadaa waxay ahayd reer Xeed, oo aabbahaana wuxuu ahaa reer Amor.

    46Oo walaashaada kaa weynuna waa Samaariya, ta iyada iyo gabdhaheeduba bidixdaada deggan yihiin, oo walaashaada kaa yaruna waa Sodom ta iyada iyo gabdhaheeduba midigtaada deggan yihiin.

    47Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.

    48Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Waxa adiga iyo gabdhahaagu aad samayseen oo kale walaashaa Sodom iyo gabdhaheeduba ma ay samayn.

  • Yex 23:30-31
    2 aayado
    75%

    30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

    31Waxaad qaadday jidkii walaashaa, oo sidaas daraaddeed koobkeedii gacantaan kuu gelin doonaa.

  • Yex 36:31-32
    2 aayado
    74%

    31Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.

    32Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.

  • 4Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.

  • Yex 16:36-38
    3 aayado
    73%

    36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

    37Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.

    38Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka.

  • Yex 16:7-8
    2 aayado
    72%

    7Oo waxaan kaa dhigay inaad sida biqilka duurka oo kale u badatid, waanad korodhay oo sii weynaatay, oo waxaad noqotay wax qurux badan, waanad naaso keentay, oo timahaagiina way bexeen, in kastoo aad qaawanayd oo aanad dednayn.

    8Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 11Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.

  • 43Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.

  • 35¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.

  • 26Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed.

  • 9Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 40Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.

  • 2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.

  • 41Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.

  • 21Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.

  • 27Sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo cuntadaadii caadiga ahaydna waan kaa dhimay, oo waxaan gacanta kuu geliyey kuwa ku neceb doonistooda, kuwaasoo ah gabdhaha reer Falastiin oo jidkaaga sharka ah ka ceeboobay.

  • 17Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.

  • 1¶ Waxaad wiilasha walaalihiinna ah ku tidhaahdaan, Cammii, gabdhaha walaalihiinna ahna waxaad ku tidhaahdaan, Ruxaamaah.

  • 30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

  • 3Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.

  • 16oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

  • 14Oo idinku waxaad tidhaahdaan, Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu ahaa markhaati u dhexeeya midkiin kasta iyo naagtii dhallinyaranimadiisa oo uu khiyaano kula macaamilooday in kastoo ay tahay weheshiisii iyo naagtii uu axdiga la dhigtay.

  • 27Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan.

  • 20Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd

  • 42ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.

  • 15¶ Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • 16Oo waad isku nijaasoobi doontaa iyadoo ay quruumahu indhaha ku hayaan, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.