Yexesqeel 21:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku xumaantiinnii waxaad ka dhigteen in la soo xusuusto, oo saasaa xadgudubyadiinnii loo soo bandhigay, oo sidaasaa dembiyadiinnu falimihiinna oo dhan uga muuqdaan, maxaa yeelay, waa laydin soo xusuustay, oo sidaas daraaddeed gacantaa laydinku qaban doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 3:9 : 9 Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.
  • Ish 22:17-18 : 17 Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa. 18 Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga.
  • Yer 2:34 : 34 Oo weliba darfaha dharkaagana waxaa laga helaa dhiiggii masaakiinta aan xaqa qabin, sababtuna ma aha inaad heshay iyagoo guriga dhacaya, laakiinse waa waxyaalahaas oo dhan daraaddood.
  • Yer 3:2 : 2 Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.
  • Yer 5:27-28 : 27 Sida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen. 28 Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
  • Yer 6:15 : 15 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigii aan iyaga soo ciqaabo ayay hoos u dhici doonaan.
  • Yer 8:12 : 12 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.
  • Yer 9:2-7 : 2 Bal maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah. 3 Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay. 4 Midkiin kastaaba deriskiisa ha iska jiro oo walaalna ha isku hallaynina, waayo, walaal kastaaba waa khaa'in, oo deris kastaaba xan buu la wareegaa. 5 Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan. 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Rugtaadu waxay ku dhex jirtaa khiyaano, oo khiyaano aawadeed ayay u diidaan inay i aqoonsadaan. 7 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?
  • Yer 15:2 : 2 Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.
  • Yex 16:16-22 : 16 Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan. 17 Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday. 18 Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay. 19 Oo cuntadaydii aan ku siiyey, oo ahayd daqiiqda, iyo saliidda iyo malabka, oo aan kugu quudiyeyna iyagaad hor dhigtay oo aad caraf udgoon uga dhigtay, oo sidaasay ahayd, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 20 Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd 21 inaad carruurtayda gowracdid, oo aad iyaga u bixisid in dab loo dhex marsiiyo sanamyadaada aawadood? 22 Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.
  • Yex 22:3-9 : 3 Oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad tahay magaalo dhexdeeda dhiig ku daadisa si uu wakhtigeedu u yimaado, oo sanamyo iyada u daran samaysa inay isku nijaasayso. 4 Waxaad ku eedowday dhiiggii aad daadisay, oo waxaad ku nijaasowday sanamyadaadii aad samaysatay, oo wakhtigaagiina waad ka yeeshay inuu soo dhowaado, oo weliba cimrigaagiina wuu buuxsamay, oo sidaas daraaddeed cay baan quruumaha kaaga dhigay, oo majaajilo baan waddammada oo dhan kaaga dhigay. 5 Taada magaceedu ba'ay ee rabshadu ka buuxdaay, kuwa kuu dhow iyo kuwa kaa foguba way kugu majaajiloon doonaan. 6 Bal eeg, amiirrada reer binu Israa'iil ee ku dhex jooga midkood kastaaba wuxuu sidii xooggiisu ahaa ku talajiray inuu dhiig daadiyo. 7 Dhexdaaday aabbe iyo hooyo ku fududaysteen, oo dhexdaaday shisheeyaha ku dulmeen, oo dhexdaaday agoonta iyo carmalka ku dhibeen. 8 Waxyaalahaygii quduuska ahaa waad quudhsatay, oo sabtiyadaydiina nijaas baad ka dhigtay. 9 Waxaa dhexdaada jooga niman xanta qaada si ay dhiig u daadiyaan, oo dhexdaada ayay buuraha wax ku cunaan, oo dhexdaada ayay shar ku sameeyaan. 10 Dhexdaada ayay cawradii aabbahood ku soo bannaan dhigaan, oo dhexdaada ayay tan xaylka qabta ku ceebeeyaan. 11 Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis. 12 Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Yex 22:24-31 : 24 Wiilka Aadamow, waxaad Yeruusaalem ku tidhaahdaa, Waxaad tahay dal aan la nadiifin oo aan maalinta dhirifka roob lagu soo kor dayn. 25 Shirqool bay nebiyadeedu dhexdeeda ku sameeyeen, sidii libaax ciyaya oo xoog wax ku qabsada. Nafo dad ayay baabbi'iyeen, oo waxay iska qaataan khasnad iyo waxyaalo qaali ah, oo waxay u yeeleen carmallo badan oo dhexdeeda jooga. 26 Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay. 27 Amiirradeeda dhex joogaa waa sida yeey xoog wax ku qabsata oo kale inay dhiig daadiyaan, iyo inay nafo dad halligaan, si ay faa'iido daacadla'aan ugu helaan aawadeed. 28 Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen. 29 Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen. 30 Oo anigu waxaan dhexdooda ka doondoonay nin heeraarka kor u dhisa oo hortayda ku soo istaaga meesha dunsan dalka aawadiis, si aanan u baabbi'in, laakiinse midna ma aan helin. 31 Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Yex 23:5-9 : 5 Aaholaah waxay dhillaysatay iyadoo taydii ah, oo waxay caashaqday kuwii iyada jeclaa ee reer Ashuur oo deriska la ahaa, 6 kuwaas oo dhar buluug ah xidhnaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal, oo kulligood dhallinyaro suurad wacan ahaa, oo ahaa fardooley fardo fuushan. 7 Oo iyadu kulligood bay ka dhillaysatay, kuwaasoo kulligood ahaa raggii Ashuur ee ugu wacanaa, oo ku alla kii ay caashaqday iyo sanamyadoodii oo dhanba way isugu nijaasaysay. 8 Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen. 9 Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday. 10 Kuwaasu cawradeedii bay soo bandhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey. 11 Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed. 12 Waxay caashaqday kuwii reer Ashuur ee deriska la ahaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal si qurux badan u xidhan, oo ahaa fardooley fardo fuushan, oo kulligood wada ahaa dhallinyaro suurad wacan. 13 Oo anigu waxaan arkay inay nijaasowday, oo ay labadoodiiba isku jid qaadeen. 14 Dhillanimadeediina way sii kordhisay, waayo, waxay aragtay niman derbiga ku taswiiran, oo ahaa taswiirihii reer Kaldayiin oo asal guduudan lagu taswiiray, 15 oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay. 16 Oo isla markii ay aragtay ayay caashaqday, oo farriinqaadayaal dalkii Kalday bay ugu dirtay. 17 Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day. 18 Sidaasay dhillanimadeedii u soo bandhigtay oo cawradeedii daahay ka qaadday, markaasaa nafsaddaydii iyada uga go'day sidii ay nafsaddaydu walaasheed uga go'day oo kale. 19 Laakiinse waxay sii badisay dhillanimadeedii iyadoo wakhtigii yaraanteeda soo xusuusanaysa markay dalkii Masar ku dhillowday. 20 Waxay caashaqday dhillayadeeda uu jiidhkoodu yahay sida jiidhka dameerrada, oo ay shahwaddooduna tahay sida shahwadda fardaha oo kale. 21 Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.
  • Yex 24:7 : 7 Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.
  • Hos 4:2 : 2 Innaba wax kale laguma arko dhaarasho been ah, iyo axdijebin, iyo dilid, iyo xadid, iyo sino mooyaane. Way soo fara baxsadaan, oo dhiiggelid baa dhiiggelid ku xigsata.
  • Aam 9:1-3 : 1 ¶ Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono. 2 Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna. 3 Oo xataa hadday ku dhuntaan Buur Karmel dhaladeeda anigaa halkaas ka baadhi doona oo ka soo bixin doona, oo xataa hadday badda gunteeda iga dhuntaan, halkaasna waan ka amri doonaa mas, oo isna wuu qaniini doonaa.
  • Miik 3:10-12 : 10 Siyoon dhiig bay ku dhisaan, Yeruusaalemna xumaan bay ku dhisaan. 11 Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto. 12 Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23Oo kuwa dhaarta ku dhaartay waxay hortooda ku noqon doontaa sida faal aan waxtar lahayn oo kale, laakiinse isagu xumaantuu soo xusuusan doonaa, si iyaga lagu qabto aawadeed.

  • 25Oo amiirka reer binu Israa'iil oo nijaasta iyo sharka ah, oo wakhtigiisu hadda yimid marka la ciqaabayow,

  • Yex 22:12-14
    3 aayado
    76%

    12Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    13Haddaba bal eeg, anigu gacmahaygaan isugu dhuftaa faa'iidadaadii aad daacadla'aanta ku heshay, iyo dhiiggii lagugu dhex daadiyey.

    14Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.

  • Yex 20:43-44
    2 aayado
    76%

    43Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.

    44Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.

  • 22Oo haddaad qalbigaaga iska tidhaahdid, Bal maxaa waxyaalahanu iigu dheceen? Xumaantaada badatay aawadeed ayaa darfaha dharkaaga loo xayday oo cedhbahaagiina loo qaawiyey.

  • 4Waxaad ku eedowday dhiiggii aad daadisay, oo waxaad ku nijaasowday sanamyadaadii aad samaysatay, oo wakhtigaagiina waad ka yeeshay inuu soo dhowaado, oo weliba cimrigaagiina wuu buuxsamay, oo sidaas daraaddeed cay baan quruumaha kaaga dhigay, oo majaajilo baan waddammada oo dhan kaaga dhigay.

  • Yex 36:31-32
    2 aayado
    74%

    31Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.

    32Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.

  • 35¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.

  • 49Oo sharkiinnii waa laydinka abaalmarin doonaa, oo dembiyadii sanamyadiinna ayaad xambaaran doontaan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • 24Sidaasuu Yexesqeel calaamad idiinku ahaan doonaa, oo wax alla wixii uu sameeyey ayaad idinkuna samayn doontaan. Oo markay waxaasu dhacaan ayaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • Yex 24:13-14
    2 aayado
    73%

    13Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.

    14Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 22Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aad soodhe isku maydhid, oo aad saabuun iska badisid, weli xumaantaadii sida calaamad oo kale bay ii muuqataa.

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.

  • Yex 25:6-7
    2 aayado
    72%

    6Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya,

    7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.

  • Yex 16:36-37
    2 aayado
    72%

    36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

    37Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.

  • 23(Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigaa iska hoogay, oo hoogay.) Oo xumaantaadii oo dhan dabadeed

  • 30Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon.

  • 26Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed.

  • 58Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.

  • Yex 23:28-30
    3 aayado
    72%

    28Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day.

    29Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.

    30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • 22Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay. Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo. Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa, Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.

  • Yex 7:3-4
    2 aayado
    72%

    3Dhammaadkii haddeer buu kugu soo degay, oo cadhadaydaan kugu ridi doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan.

    4Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaalmarin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 23Oo markaad jidkooda iyo falimahoodaba aragtaan way idiin qalbi qabowjin doonaan, oo Sayidka Rabbiga ahuna wuxuu leeyahay, Idinku waxaad ogaan doontaan inaanan sababla'aan ugu samayn wixii aan dhexdeeda ku sameeyey oo dhan.

  • 14Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 18Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.

  • 63si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 8¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 21Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

  • 20Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.

  • 19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku soo ururin doonaa Yeruusaalem gudaheeda, maxaa yeelay, kulligiin wasakh baad noqoteen.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed dhaawac aad u xun baan idinku dhuftay, oo dembigiinna aawadiis cidla baan idinka dhigay.

  • 23Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in reer binu Israa'iil ay maxaabiis u noqdeen xumaantooda aawadeed, iyo in xadgudubkii ay igu sameeyeen aawadiis aan wejigayga uga qariyey, oo aan iyaga gacantii cadaawayaashooda ugu riday, oo ay kulligood seef ugu le'deen.

  • 3Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen.

  • 2Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

  • 12Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay iyaga ugu hor adeegeen sanamyadooda, oo waxay reer binu Israa'iil u noqdeen xumaan ay ku turunturoodaan, sidaas daraaddeed ayaan gacantayda ugu qaaday, oo waxay sidan doonaan xumaantoodii.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 24Baabuloonay, dabin baan kuu dhigay, oo adna waa lagu qabtay adigoo aan iska ogayn. Waa lagu helay oo lagu qabtay, maxaa yeelay, Rabbigaad la dirirtay.

  • 16Oo mar dambena siima ay ahaan doonto kalsoonidii reer binu Israa'iil taasoo xumaantoodii soo xusuusisa markay xaggooda fiiriyaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • 13sidaas daraaddeed xumaantanu waxay idiin noqon doontaa sida derbi dheer oo kala dillaacay oo diyaar u ah inuu dhaco, kaasoo haddiiba si dhaqso ah u soo dumaya.