Ishacyaah 22:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 5:9 : 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.
  • Yex 24:13 : 13 Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.
  • 1 Sam 3:14 : 14 Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.
  • 1 Sam 9:15 : 15 ¶ Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi,
  • Tir 15:25-31 : 25 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan waa in wadaadku u kafaaro gudaa, oo markaas iyaga waa la cafiyayaa, maxaa yeelay, waxay ahayd qalad kama' loo sameeyey, oo iyana waxay qaladkoodii u keeneen qurbaankoodii kaas oo ahaa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga, iyo qurbaankii dembigooda Rabbiga hortiisa loogu bixiyey. 26 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan iyo shisheeyaha iyaga dhex degganba waa la cafiyi doonaa, waayo, qaladkaas dadka oo dhammu kama' bay u sameeyeen. 27 Oo haddii qof keliya kama' u dembaabo, isagu waa inuu qurbaanka dembiga u bixiyaa ceesaan gu jir ah. 28 Oo qofkii qaldamay waa in wadaadku u kafaaro gudaa naftiisa markuu qofkaas kama' ugu dembaabo Rabbiga hortiisa, si uu isaga u kafaaro gudo, oo markaas isaga waa la cafiyi doonaa. 29 Waa inaad isku sharci keliya u yeeshaan kii kama' u qaldama ha ahaadee waddanigii reer binu Israa'iil ku dhex dhashay ama shisheeyihii iyaga dhex degganba. 30 Laakiinse qofkii gacan kibir leh gaf ku sameeyaa hadduu waddani yahay iyo hadduu shisheeye yahayba kaasu wuxuu caayay Rabbiga, oo qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa. 31 Qofkaas dhammaantiis waa in laga gooyaa, oo dembigiisuna waa inuu korkiisa saarnaadaa, maxaa yeelay, isagu Rabbiga ereygiisuu quudhsaday, oo amarkiisiina wuu jebiyey.
  • Aam 3:7 : 7 Sida xaqiiqada ah Sayidka Rabbiga ahu waxba ma samayn doono, inuu qarsoodiga u muujiyo addoommadiisa nebiyada ah mooyaane.
  • Yoox 8:21-24 : 21 ¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan. 22 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan. 23 Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan. 24 Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.
  • Cib 10:26-27 : 26 ¶ Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho. 27 Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah.
  • Muj 22:11-12 : 11 Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo. 12 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay.
  • Ish 13:11 : 11 Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.
  • Ish 26:21 : 21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
  • Ish 30:13 : 13 sidaas daraaddeed xumaantanu waxay idiin noqon doontaa sida derbi dheer oo kala dillaacay oo diyaar u ah inuu dhaco, kaasoo haddiiba si dhaqso ah u soo dumaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15¶ Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 13Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye.

  • Yex 24:13-15
    3 aayado
    74%

    13Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.

    14Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • 22Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aad soodhe isku maydhid, oo aad saabuun iska badisid, weli xumaantaadii sida calaamad oo kale bay ii muuqataa.

  • 14Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.

  • Yex 21:24-25
    2 aayado
    72%

    24¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku xumaantiinnii waxaad ka dhigteen in la soo xusuusto, oo saasaa xadgudubyadiinnii loo soo bandhigay, oo sidaasaa dembiyadiinnu falimihiinna oo dhan uga muuqdaan, maxaa yeelay, waa laydin soo xusuustay, oo sidaas daraaddeed gacantaa laydinku qaban doonaa.

    25Oo amiirka reer binu Israa'iil oo nijaasta iyo sharka ah, oo wakhtigiisu hadda yimid marka la ciqaabayow,

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.

  • Nax 1:14-15
    2 aayado
    71%

    14¶ Oo Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.

    15Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.

  • Yer 25:27-29
    3 aayado
    71%

    27Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu idinku leeyahay, Cabba oo sakhraama, oo mantaga, oo dhaca, oo innaba mar dambe ha soo sara kicina, seefta aan dhexdiinna u soo diri doono daraaddeed.

    28Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan!

    29Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.

  • 9Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 16Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.

  • 5Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 22:12-14
    3 aayado
    71%

    12Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    13Haddaba bal eeg, anigu gacmahaygaan isugu dhuftaa faa'iidadaadii aad daacadla'aanta ku heshay, iyo dhiiggii lagugu dhex daadiyey.

    14Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.

  • 21Haddaba maanta xaalkan waan idiin sheegay, laakiinse idinku ma aydaan addeecin codkii Rabbiga Ilaahiinna ah iyo wixii uu iigu soo kiin dhiibay toona.

  • 12oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.

  • 10Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.

  • 12Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, kuwii ayan ku garta ahayn inay koobka cabbaan, xaqiiqa ahaan bay u cabbi doonaan. Haddaba adigu miyaad tahay mid aan la ciqaabi doonin? Adigu ciqaabidla'aan innaba ma sii joogi doontid, laakiinse sida xaqiiqada ah waad cabbi doontaa.

  • 13Sayidka Rabbiga ah oo ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Maqla oo ku markhaati fura reerka Yacquub.

  • 8Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,

  • 23¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • 22Haddaba sidaas daraaddeed ha noqonina kuwa wax quudhsada yaan waxa laydinku xidhay idinku sii adkaynine, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammada waxaan ka maqlay xukunkii baabbi'inta ee uu dhulka oo dhan la damacsan yahay.

  • 17Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 13sidaas daraaddeed xumaantanu waxay idiin noqon doontaa sida derbi dheer oo kala dillaacay oo diyaar u ah inuu dhaco, kaasoo haddiiba si dhaqso ah u soo dumaya.

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 10Sara joogsada oo taga, waayo, tanu ma aha nasashadiinna, maxaa yeelay, waxaa jirta wasakh wax ku baabbi'inaysa baabba' xoog badan.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 10Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey.

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.

  • 16Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa.

  • 3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.

  • 25Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.

  • 11Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 4Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,