Yexesqeel 25:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 14:29-31 : 29 ¶ Reer Falastiin oo dhammow, ha ku farxin in ushii lagugu garaacay jabtay, maxaa yeelay, abeesada xididkeeda waxaa ka soo bixi doona jilbis, oo farcankiisuna wuxuu noqon doonaa masduulaa dab leh. 30 Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa. 31 Iriddow, barooro. Magaaladaay, ooy! Reer Falastiin oo dhammow, kulligaa cabsi la dhalaal, waayo, waxaa woqooyi ka iman doona qiiq, oo midna saaxiibbadiis kama hadhi doono.
  • Yex 25:6 : 6 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya,
  • Yex 25:12 : 12 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay,
  • Yer 25:20 : 20 iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,
  • 2 Taar 28:18 : 18 Oo weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen.
  • Sab 83:7 : 7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
  • Ish 9:12 : 12 wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
  • Yer 47:1-7 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor. 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xagga woqooyi biyaa ka soo kici doona, oo waxay noqon doonaan webi aad u daadanaya, oo waxay qarqin doonaan dalka iyo waxa ku dhex jira oo dhan, iyo magaalada iyo waxa dhex degganba, oo markaas ayaa raggu qaylin doonaa, oo dadka dalka deggan oo dhammuna way wada ooyi doonaan. 3 Gurdanka qoobabka fardihiisa xoogga badan iyo yaacidda gaadhifardoodyadiisa, iyo xiinka giraangirihiisa aawadood ayaa aabbayaashu ayan dib u dhugan doonin carruurtooda, waayo, gacmahoodu cabsi bay la taag gabeen, 4 waana maalinta u imanaysa inay reer Falastiin wada baabbi'iso, iyo inay kaalmeeye kasta oo hadhay Turos iyo Siidoon ka baabbi'iso, waayo, Rabbigu wuxuu baabbi'in doonaa reer Falastiin iyo kuwa hadhay ee gasiiradda Kaftoor oo dhan. 5 Baroorashaa Gaasa heshay, Ashqeloonna waa lala baabbi'iyey kuwii dooxadooda ku hadhay; ilaa goormaad isgoogooynaysaa? 6 Rabbiga seeftiisay, ilaa goormaad xasilloonaan la'aanaysaa? Galkaaga gal, naso, oo xasilloonow. 7 Sidee baad u xasilli kartaa, iyadoo uu Rabbigu ku amray? Ashqeloon iyo badda xeebteedaba ayuu iyada ku amray.
  • Xaak 14:1-9 : 1 ¶ Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin. 2 Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee. 3 Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay. 4 Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil. 5 ¶ Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar. 6 Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona. 7 Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd. 8 Oo wakhti yar dabadeed ayuu u soo noqday inuu kaxaysto iyadii, markaasuu ku leexday inuu arko bakhtigii libaaxa; oo bal eeg, bakhtigii libaaxa waxaa ku jiray shinni badan iyo malab. 9 Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa. 10 Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen. 11 Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan. 12 Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Bal aan idin halxidho. Toddobada maalmood oo diyaafadda ah haddaad ii sheegi kartaan oo aad furi kartaan, waxaan idin siinayaa soddon maro, iyo soddon isku joog oo dhar ah; 13 laakiinse haddaad ii sheegi weydaan, idinku waa inaad i siisaan soddon maro iyo soddon isku joog oo dhar ah. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Bal sheeg halxidhkaaga, aannu maqalnee. 14 Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen. 15 Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha? 16 Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?
  • 1 Sam 4:1-6 : 1 ¶ Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan. 2 ¶ Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin. 3 Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna. 4 Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah. 5 Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray. 6 Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.
  • 1 Sam 13:1-9 : 1 ¶ Saa'uul markuu reer binu Israa'iil boqorka u noqday wuxuu jiray soddon sannadood, oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba sannadood. 2 Markaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago. 3 Oo Yoonaataan wuxuu ku dhuftay xeradii ciidankii reer Falastiin oo Gebac joogay, oo reer Falastiinna taas way maqleen. Oo Saa'uulna dalkii oo dhan buu buun ugu dhuftay oo yidhi, Cibraaniyadu ha maqleen. 4 Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal. 5 ¶ Oo reer Falastiinna waxay isu soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan, oo waxayna ahaayeen soddon kun oo gaadhifardood, iyo lix kun oo fardooley ah, iyo dad ah sida cammuudda taal badda xeebteeda. Oo intay soo dhowaadeen ayay degeen Mikmaash, oo bari ka xigta Beytaawen. 6 Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag. 7 Oo haddaba Cibraaniyadii qaarkood waxay ka gudbeen Webi Urdun oo tageen ilaa dalkii reer Gaad iyo Gilecaad; laakiinse Saa'uul weli wuxuu iska joogay Gilgaal, oo dadkii oo dhammuna isagay daba galeen iyagoo gariiraya. 8 ¶ Oo toddoba maalmood buu sugayay, sidii wakhtigii Samuu'eel u qabtay uu ahaa, laakiinse Samuu'eel ma iman Gilgaal, oo dadkiina way ka kala firdheen Saa'uul. 9 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Halkan iigu keena qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinadaba. Markaasuu bixiyey qurbaankii la gubayay. 10 Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo. 11 Markaasaa Samuu'eel wuxuu ku yidhi, War maxaad samaysay? Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, waxaan arkay in dadkii iga kala firdhay, iyo inaad adiguna ku iman weyday maalmihii aan ku ballannay, iyo in reer Falastiinna dhammaantood isku soo urursadeen Mikmaash agteeda; 12 sidaas daraaddeed waxaan is-idhi, Haatan reer Falastiin waxay igu soo weerari doonaan Gilgaal, anigoo aan Rabbiga raallinimo ka baryin. Taas aawadeed ayaan isugu qasbay oo waan bixiyey allabariga la gubo. 13 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Nacasnimo baad samaysay oo amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray ma aad xajin. Haatan Rabbigu boqortooyadaaduu ku adkayn lahaa reer binu Israa'iil weligeedba. 14 Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
  • 1 Sam 17:1-9 : 1 ¶ Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah. 2 Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin. 3 Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo. 4 Oo waxaa xeradii reer Falastiin ka soo baxay nin tiirri ah oo magiciisa la yidhaahdo Goli'ad, oo reer Gad ah oo dhererkiisuna wuxuu ahaa lix dhudhun iyo taako. 5 Oo waxaa madaxiisa u saarnaa koofiyad naxaas ah, dhar bir ahna wuu huwanaa, oo dharka miisaankiisuna wuxuu ahaa shan kun oo sheqel oo naxaas ah. 6 Oo lugahana waxaa ugu xidhnaa naxaas, garbaha dhexdoodana naxaas kale. 7 Oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa, oo miisaanka afka warankiisuna wuxuu ahaa lix boqol oo sheqel oo bir ah; oo waxaana hor socday gaashaansidihiisii. 8 Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco. 9 Oo hadduu awoodo inuu ila diriro oo i dilo, markaas waxaan idiin noqonaynaa addoommadiinnii; laakiinse haddaan ka adkaado oo dilo isaga, markaas waxaad noo noqonaysaan addoommo oo waad noo adeegaysaan. 10 Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira. 11 Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen. 12 ¶ Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay. 13 Oo Yesay saddexdiisii wiil oo waaweynayd waxay Saa'uul u raaceen xagga dagaalka; oo saddexdiisii wiil oo dagaalka tagtay magacyadoodii waxay ahaayeen Elii'aab kii curadka ahaa, iyo Abiinaadaab oo ku xigay, iyo kan saddexaad oo Shammaah ahaa. 14 Oo Daa'uudna wuxuu ahaa kii ugu yaraa; saddexdii ugu waaweynaydna waxay raaceen Saa'uul. 15 Daa'uudna hadba Saa'uul wuu ka tegi jiray, wuuna ku soo noqon jiray, inuu idaha aabbihiis Beytlaxam ku daajiyo aawadeed. 16 Oo kii reer Falastiinna wuu soo dhowaan jiray subax iyo fiidba, oo wuxuu ismuujiyey afartan maalmood. 17 ¶ Markaasaa Yesay wuxuu wiilkiisii Daa'uud ku yidhi, Waxaad walaalahaa u qaaddaa eefaah hadhuudhkan duban ah, iyo tobankan xabbadood ee kibista ah, oo haddiiba xeradii u qaad oo walaalahaa u gee, 18 oo tobankan xabbadood ee burcadka ahna waxaad u geeysaa kun-u-taliyahooda, oo soo eeg sida walaalahaa xaalkoodu yahay, warkooda oo xaqiiqa ahna ii keen. 19 Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya. 20 Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen. 21 Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay. 22 Oo Daa'uud wuxuu alaabtiisii kaga tegey kii alaabta dhawrayay gacantiisii, wuuna ku orday ciidankii, oo intuu walaalihiis u tegey ayuu salaamay. 23 Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay. 24 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu markii ay ninkii arkeen ayay ka carareen, aad bayna uga cabsadeen. 25 Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil. 26 Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa? 27 Oo dadkiina waxay ugu jawaabeen, oo ku yidhaahdeen, Sidan baa lagu samayn doonaa ninkii dila. 28 Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato. 29 Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Bal maxaan haatan sameeyey? Sow hadal uun ma aha? 30 Markaasuu isagii uga jeestay mid kale, oo sidii oo kaluu kula hadlay; oo dadkiina sidii hore oo kalay ugu jawaabeen. 31 Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray. 32 Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin. 33 Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii. 34 Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato, 35 waan ka daba ordi jiray, oo intaan wax ku dhufto ayaan afkiisa ka soo bixin jiray; oo hadduu igu soo boodana intaan gadhka ku dhego ayaan dili jiray. 36 Anoo addoonkaaga ah libaaxii iyo orsadiiba waan dilay; oo midkan reer Falastiin oo buuryoqabka ahuna iyagoo kaluu noqon doonaa, waayo, wuxuu careeyey ciidammadii Ilaaha nool. 37 Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree. 38 Markaasaa Saa'uul Daa'uud u xidhay dharkiisii, oo madaxiisana u saaray koofiyad naxaas ah, oo wuxuu kaloo huwiyey dhar bir ah. 39 Oo Daa'uudna seeftii buu ku kor xidhay dharkiisii, oo wuxuu isku dayay inuu socdo, waayo, ma uu tijaabin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kuwan kuma socon karo; waayo, ma aanan tijaabin. Markaasaa Daa'uud iska dhigay. 40 Wuxuuse gacanta ku qaatay ushiisii, oo biyo mareenkuu ka sii doortay shan dhagax oo siman, oo wuxuu ku ritay kolaygii adhijirka ee uu haystay, kaasoo ahaa qandigiisii, oo wadhafkiisiina gacantuu ugu jiray; markaasuu u soo dhowaaday ninkii reer Falastiin. 41 Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday. 42 Oo markii kii reer Falastiin wax fiiriyey, wuxuu arkay Daa'uud, wuuna quudhsaday; waayo, wuxuu ahaa wiil yar uun, oo cas, oo soojeed qurxoon. 43 Markaasaa kii reer Falastiin wuxuu Daa'uud ku yidhi, War anigu ma eey baan ahay waadiga ulo ii soo qaataye? Oo kii reer Falastiin Daa'uud buu ku habaaray magacyadii ilaahyadiisii. 44 Kii reer Falastiinna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ii kaalay oo hilibkaagaan siin doonaa haadka hawada iyo dugaagga duurka. 45 Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay. 46 Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil; 47 iyo si uu shirkan oo dhammu u ogaado inaan Rabbigu wax ku badbaadin seef iyo waran; waayo, dagaalka Rabbigaa leh, oo gacantayaduu idinku soo ridi doonaa. 48 Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin. 49 Markaasaa Daa'uud gacanta geliyey kolaygiisii, oo dhagax kala soo baxay, oo intuu wadhfiyey ayuu kii reer Falastiin wejiga kaga dhuftay, oo dhagaxiina wejigiisuu dalaq yidhi, markaasuu dhulka afgembi ugu dhacay. 50 Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin. 51 Markaasaa Daa'uud orday oo ag istaagay kii reer Falastiin, oo wuxuu ka qaatay seeftiisii, oo galkii ka soo bixiyey, oo intuu ku bireeyey ayuu madaxiina kaga gooyay. Oo kuwii reer Falastiinna markay arkeen in tiirrigoodii dhintay ayay carareen. 52 Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon. 53 Oo reer binu Israa'iilna way ka noqdeen reer Falastiinkii ay eryanayeen, oo xeradoodiina way dhaceen. 54 Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay. 55 ¶ Oo Saa'uulna markuu arkay Daa'uud oo u baxaya kii reer Falastiin ayuu Abneer oo ahaa sirkaalkii ciidanka ku yidhi, Abneer, yarkanu waa ina ayo? Oo Abneerna wuxuu ku yidhi, Boqorow, noloshaadaan ku dhaartaye, kuuma sheegi karo. 56 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Soo haybso yarka ina ayihiisa. 57 Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin. 58 Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Inanyahow, ina ayaad tahay? Oo Daa'uudna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay wiilkii addoonkaaga Yesay ee reer Beytlaxam.
  • 1 Sam 21:1-9 : 1 ¶ Oo markaas dabadeedna Daa'uud wuxuu Nob ugu yimid wadaadkii Axiimeleg ahaa, oo Axiimelegna Daa'uud buu ka hor yimid isagoo gariiraya, oo wuxuu isagii ku yidhi, War maxaa keligaa kaa dhigay oo ninna kuula socon waayay? 2 Oo Daa'uudna wuxuu wadaadkii Axiimeleg ku yidhi, Boqorkii baa i amray oo muraad ii soo diray, wuxuuna igu yidhi, Ninna yuusan waxba ka ogaan muraadka aan kuu diray, iyo waxa aan kugu amray toona, oo raggii dhallinyarada ahaana meel baan kula ballamay. 3 Haddaba bal maxaa gacantaada ku jira? Bal i sii shan xabbadood oo kibis ah amase wax alla waxa yaal. 4 Markaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban. 5 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ugu jawaabay, Sida runta ah intii saddex maalmood ah naago waa nalaga dhawray, oo markii aan soo baxay ragga dhallinyarada ah weelalkoodu quduus bay ahaayeen, laakiinse in kastoo uu sodcaalku mid caadi ah yahay, bal maanta intee bay weelalkoodu quduus sii yihiin? 6 Sidaas daraaddeed wadaadkii wuxuu Daa'uud siiyey kibis quduus ah, waayo, halkaas kibis ma oollin, kibistii tusniinta mooyaane, taas oo Rabbiga hortiisa laga soo qaaday si kibis kulul loo dhigo maalinta tii hore laga soo qaado. 7 Oo maalintaas waxaa halkaas joogay nin ka mid ah Saa'uul addoommadiisii, oo kaasna Rabbiga hortiisaa lagu hayay, magiciisuna wuxuu ahaa Do'eeg kii reer Edom, oo wuxuuna ahaa kii madaxda u ahaa xoolojirrada Saa'uul. 8 Markaasaa Daa'uud wuxuu Axiimeleg ku yidhi, Waxba miyaanad haynin waran amase seef? Waayo, sooma aan qaadan seeftaydii iyo hubkaygii toona, maxaa yeelay, waxaa i soo deddejiyey muraadkii boqorku ii soo diray. 9 Oo wadaadkiina wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaa halkan eefodka dabadiisa taal iyadoo maro ku duudduuban seeftii Goli'adkii reer Falastiin, oo aad dooxii Eelaah ku dishay, oo haddaad doonaysid inaad taas qaadatid, iska qaado, maxaa yeelay, taas mooyaane mid kale halkan ma taal. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Taasoo kaleba ma jirto; ee bal i soo sii. 10 ¶ Markaasaa Daa'uud kacay, oo maalintaas wuxuu u cararay cabsi uu Saa'uul ka qabay aawadeed, oo wuxuu u tegey Aakiish oo boqorkii Gad ahaa. 11 Kolkaasaa addoommadii Aakiish waxay isagii ku yidhaahdeen, War sow kanu ma aha Daa'uud boqorkii dalka? Oo sow midkoodba midka kale gabay uguma celin iyagoo cayaaraya oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun? 12 ¶ Oo Daa'uudna erayadaas qalbiguu ku haystay, oo aad buuna uga cabsanayay Aakiish oo ahaa boqorkii Gad. 13 Oo markaasuu dabicaddiisii hortooda ku beddelay, oo wuxuu iska dhigay mid waalan markuu gacmahooda soo galay, oo wuxuu xagxagtay albaabbadii iridda, oo gadhkana dhareer buu iskaga daadiyey. 14 Markaasaa Aakiish wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War waad aragtaan inuu ninku waalan yahay, haddaba bal maxaad iigu keenteen? 15 War ma waxaan u baahanahay niman waalan, oo ma taas aawadeed baad ninkan u keenteen inuu hortayda isku waalo? War ma ninkan oo kalaa gurigayga soo gala?
  • 2 Sam 8:1-9 : 1 ¶ Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay, oo jebiyey, oo Daa'uudna wuxuu gacantii reer Falastiin ka qaaday magaalada la yidhaahdo Meteg Ammaah. 2 Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen. 3 Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa. 4 Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun iyo toddoba boqol oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah; oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse iyagii boqol gaadhifaras buu uga reebay. 5 Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser, Daa'uud wuxuu reer Suuriya ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin. 6 Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba. 7 Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem. 8 Oo magaalooyinkii Hadadceser oo ahaa Betax, iyo Beerootay Boqor Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad iyo aad u badan. 9 Oo Tocii oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay ciidankii Hadadceser oo dhan, 10 ayaa Tocii wiilkiisii Yooraam u soo diray inuu soo salaamo Boqor Daa'uud oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadadceser; waayo, Hadadceser wuxuu la diriri jiray Tocii. Oo Yooraamna wuxuu keenay weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah iyo weelal naxaas ah, 11 oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu quduuska ka dhigay oo uu ka soo dhacay quruumihii uu jebiyey oo dhan; 12 kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay. 13 Oo Daa'uudna magac buu isu yeelay markuu ka soo noqday layntii uu reer Suuriya Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo tobanka kun oo nin. 14 Oo wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed; oo Edom oo dhanna wuxuu dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba. 15 ¶ Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey; oo Daa'uud wuxuu dadkiisii oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad. 16 Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud, 17 oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani; 18 Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.
  • 1 Taar 7:21 : 21 oo isna dhalay Saabaad, oo isna dhalay Shuutelax, iyo weliba Ceser, iyo Elcaad oo ay dileen dadkii reer Gad oo dalka ku dhashay, maxaa yeelay, iyagu waxay u soo degeen inay xoolahooda dhacaan.
  • Yoel 3:4-9 : 4 Haddaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa. 5 Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna, 6 oo weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed. 7 Haddaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna, 8 oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay. 9 ¶ Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen. 10 Haddaba birtii marashiyadiinna seefo ka tunta, oo manjooyinkiinnana warmo ka tunta, oo kii itaal yaru ha yidhaahdo, Xoog baan leeyahay. 11 Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir. 12 Haddaba quruumuhu ha kaceen, oo ha yimaadeen dooxada Yehooshaafaad, waayo, halkaasaan u fadhiisan doonaa inaan xukumo quruumaha hareeraha ku wareegsan oo dhan. 13 Waxa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay. 14 Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka. 15 Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen. 16 Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag. 17 ¶ Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba. 18 Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim. 19 Dulmigii dadka Yahuudah lagu sameeyey aawadeed ayaa dalka Masar cidlo noqon doonaa, oo dalka reer Edomna wuxuu ahaan doonaa lamadegaan abaar ah, maxaa yeelay, iyagu dhiig aan xaq qabin ayay dalkooda ku dhex daadiyeen. 20 Laakiinse dadka Yahuudah weligiis wuu jiri doonaa, oo Yeruusaalemna way raagi doontaa ab ka ab. 21 Oo waxaan u aari doonaa dhiiggoodii aanan hore ugu aarin, waayo, Rabbigu Buur Siyoon buu deggan yahay.
  • Aam 1:6-8 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Gaasa sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay maxaabiis ahaan u kaxaysteen si ay ugu gacangeliyaan reer Edom. 7 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Gaasa, oo wuxuu laasan doonaa daaraheeda waaweyn. 8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan Ashdood ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ashqeloon ka gooyn doonaa, oo waxaan gacantayda ku soo jeedin doonaa reer Ceqroon, oo kuwa reer Falastiin ka hadhayna way wada baabbi'i doonaan.
  • Saf 2:4-7 : 4 ¶ Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa. 5 ¶ Waxaa iska hoogay dadka deggan badda xeebteeda, waana quruunta reer Kereetiim! Kancaan oo ah dalka reer Falastiinow, Rabbiga eraygiisu waa kaa gees. Waan ku baabbi'in doonaa si aan qof keliyuhuna kuu sii degganaan. 6 Badda xeebteedu waxay noqon doontaa berrimmo daaqsiin ah, oo leh rug adhijirro iyo xeryo adhi. 7 Oo xeebta waxaa yeelan doona kuwa dadka Yahuudah ka hadhay. Iyana adhyahooda ayay halkaas daaqsan doonaan, oo fiidkiina waxay jiifsan doonaan guryihii reer Ashqeloon, waayo, Ilaaha Rabbigooda ah ayaa iyaga soo booqan doona, oo maxaabiistoodiina wuu soo celin doonaa.
  • Sak 9:5-8 : 5 Ashqeloon way arki doontaa, wayna cabsan doontaa, oo Gaasana way arki doontaa oo aad bay u xanuunsan doontaa, Ceqroonna way cabsan doontaa, waayo, waxfilashadeedii way dhammaan doontaa, oo Gaasana boqorku wuu ka baabbi'i doonaa, Ashqeloonna lama degganaan doono. 6 Ashdoodna reer garac baa dhex degganaan doona, oo kibirka reer Falastiinna waan baabbi'in doonaa. 7 Waxaan afkooda ka soo bixin doonaa dhiiggooda, oo ilkahooda dhexdoodana karaahiyadoodaan ka soo bixin doonaa, oo iyaguna Ilaahayagay dad hadhay u ahaan doonaan, oo sida ugaas dalka Yahuudah dhex jooga oo kale ayay ahaan doonaan, oo Ceqroonna waxay noqon doontaa sida reer Yebuus. 8 Oo gurigayga hareerihiisa waan degi doonaa inaan ciidanka ka hor joogsado, inaan ninna ka dhex marin ama ku soo noqon, oo mar dambena mid wax dulma iyaga ma dhex mari doono, waayo, haatan indhahaygaan ku arkay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 25:16-17
    2 aayado
    85%

    16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa.

    17Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yex 25:12-14
    3 aayado
    81%

    12¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay,

    13sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.

    14Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Aam 1:7-9
    3 aayado
    80%

    7Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Gaasa, oo wuxuu laasan doonaa daaraheeda waaweyn.

    8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan Ashdood ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ashqeloon ka gooyn doonaa, oo waxaan gacantayda ku soo jeedin doonaa reer Ceqroon, oo kuwa reer Falastiin ka hadhayna way wada baabbi'i doonaan.

    9¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Turos sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay u gacangeliyeen reer Edom, oo soo mana ay xusuusan axdigii walaalnimada.

  • 15Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.

  • 5Weligaa had iyo goorba nacayb baad reer binu Israa'iil u qabtay, oo waagii masiibadoodii iyo waagii ay xumaantu dhammaatay ayaad reer binu Israa'iil xooggii seefta u gacangelisay,

  • Yer 47:4-5
    2 aayado
    73%

    4waana maalinta u imanaysa inay reer Falastiin wada baabbi'iso, iyo inay kaalmeeye kasta oo hadhay Turos iyo Siidoon ka baabbi'iso, waayo, Rabbigu wuxuu baabbi'in doonaa reer Falastiin iyo kuwa hadhay ee gasiiradda Kaftoor oo dhan.

    5Baroorashaa Gaasa heshay, Ashqeloonna waa lala baabbi'iyey kuwii dooxadooda ku hadhay; ilaa goormaad isgoogooynaysaa?

  • Yex 25:6-7
    2 aayado
    73%

    6Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya,

    7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.

  • Saf 2:4-5
    2 aayado
    73%

    4¶ Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa.

    5¶ Waxaa iska hoogay dadka deggan badda xeebteeda, waana quruunta reer Kereetiim! Kancaan oo ah dalka reer Falastiinow, Rabbiga eraygiisu waa kaa gees. Waan ku baabbi'in doonaa si aan qof keliyuhuna kuu sii degganaan.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 5sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.

  • 7Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

  • 15Sidaad dhaxalka reer binu Israa'iil ugu rayraysay markuu cidlada noqday sidaas oo kalaan kaa dhigi doonaa. Buur Seciiray, cidla baad noqon doontaa, dhammaantiin adiga iyo reer Edom oo dhammuba, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 27Sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo cuntadaadii caadiga ahaydna waan kaa dhimay, oo waxaan gacanta kuu geliyey kuwa ku neceb doonistooda, kuwaasoo ah gabdhaha reer Falastiin oo jidkaaga sharka ah ka ceeboobay.

  • Yex 35:10-11
    2 aayado
    71%

    10In kastoo uu Rabbigu halkaas joogay waxaad tidhi, Labadan quruumood iyo labadan waddanba anigaa iska lahaan doona, oo waannu hantiyi doonnaa,

    11sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu waxaan wax kuugu samayn doonaa sidii xanaaqaagu ahaa iyo siduu ahaa masayrkii nacaybkaaga ka yimid oo aad iyaga u muujisay, oo markaan ku xukumo ayaan dhexdooda isku garansiin doonaa.

  • 3Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

  • 7Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,

  • 8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.

  • 11¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu walaalahood bay seef ku eryadeen, oo way iska xooreen naxariis oo dhan, oo xanaaqoodiina had iyo goorba bay la qarxeen, oo cadho bay la gubanayeen weligoodba.

  • 1¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor.

  • 4Haddaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa.

  • 13Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.

  • Sak 9:5-6
    2 aayado
    70%

    5Ashqeloon way arki doontaa, wayna cabsan doontaa, oo Gaasana way arki doontaa oo aad bay u xanuunsan doontaa, Ceqroonna way cabsan doontaa, waayo, waxfilashadeedii way dhammaan doontaa, oo Gaasana boqorku wuu ka baabbi'i doonaa, Ashqeloonna lama degganaan doono.

    6Ashdoodna reer garac baa dhex degganaan doona, oo kibirka reer Falastiinna waan baabbi'in doonaa.

  • 44Kii reer Falastiinna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ii kaalay oo hilibkaagaan siin doonaa haadka hawada iyo dugaagga duurka.

  • 46Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;

  • 35Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh, Markay cagtoodu simbiriirixan doonto, Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay, Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.

  • 15Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.

  • 41Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.

  • 12wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 3tan iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon,

  • 59Waayo, wuxuu Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, Waxaan kugu samayn doonaa sidaad samaysay oo kale, waayo, adigu dhaartii waad quudhsatay markaad axdigii jebisay.

  • 14Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.

  • 13Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.

  • 25laakiin, weli wakhti yar baa hadhay, dabadeedna dhirifkaygu wuu idlaan doonaa, oo cadhadayduna way ku dhammaan doontaa baabba'ooda.

  • 9Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.

  • 29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 20iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,

  • 57intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.