Aamos 1:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Gaasa, oo wuxuu laasan doonaa daaraheeda waaweyn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 18:8 : 8 Oo reer Falastiinna wuxuu ku laayay Gaasa iyo soohdimaheeda, iyo tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
  • Yer 47:1 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor.
  • Aam 1:4 : 4 Laakiinse dab baan u soo diri doonaa guriga Xasaa'eel, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Benhadad.
  • Saf 2:4 : 4 ¶ Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa.
  • Sak 9:5-7 : 5 Ashqeloon way arki doontaa, wayna cabsan doontaa, oo Gaasana way arki doontaa oo aad bay u xanuunsan doontaa, Ceqroonna way cabsan doontaa, waayo, waxfilashadeedii way dhammaan doontaa, oo Gaasana boqorku wuu ka baabbi'i doonaa, Ashqeloonna lama degganaan doono. 6 Ashdoodna reer garac baa dhex degganaan doona, oo kibirka reer Falastiinna waan baabbi'in doonaa. 7 Waxaan afkooda ka soo bixin doonaa dhiiggooda, oo ilkahooda dhexdoodana karaahiyadoodaan ka soo bixin doonaa, oo iyaguna Ilaahayagay dad hadhay u ahaan doonaan, oo sida ugaas dalka Yahuudah dhex jooga oo kale ayay ahaan doonaan, oo Ceqroonna waxay noqon doontaa sida reer Yebuus.
  • Room 12:19 : 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • 2 Taar 26:6 : 6 Markaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba.
  • Sab 75:7-8 : 7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa. 8 Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
  • Sab 94:1-5 : 1 Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin. 2 Xaakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray abaalkooda mari. 3 Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan? 4 Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan. 5 Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga, Oo dhaxalkaagay silciyaan.
  • Yer 25:18-20 : 18 Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay, 19 iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan, 20 iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,
  • Sharc 32:35 : 35 Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh, Markay cagtoodu simbiriirixan doonto, Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay, Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.
  • Sharc 32:41-43 : 41 Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa. 42 Fallaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda, Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga. 43 Quruumahow, dadkiisa la reyreeya, Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa, Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa, Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan Ashdood ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ashqeloon ka gooyn doonaa, oo waxaan gacantayda ku soo jeedin doonaa reer Ceqroon, oo kuwa reer Falastiin ka hadhayna way wada baabbi'i doonaan.

  • Aam 1:4-6
    3 aayado
    82%

    4Laakiinse dab baan u soo diri doonaa guriga Xasaa'eel, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Benhadad.

    5Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii albaabka Dimishaq waan jebin doonaa, oo waxaan dooxada Aawen ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doona Qiir.

    6¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Gaasa sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay maxaabiis ahaan u kaxaysteen si ay ugu gacangeliyaan reer Edom.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 10Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Turos, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn.

  • 14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • Sak 9:4-5
    2 aayado
    76%

    4Bal eeg, Sayidku iyada wuu hantiyi doonaa, oo xooggeedana badduu ku tuuri doonaa, oo dab baa dhammayn doona.

    5Ashqeloon way arki doontaa, wayna cabsan doontaa, oo Gaasana way arki doontaa oo aad bay u xanuunsan doontaa, Ceqroonna way cabsan doontaa, waayo, waxfilashadeedii way dhammaan doontaa, oo Gaasana boqorku wuu ka baabbi'i doonaa, Ashqeloonna lama degganaan doono.

  • 12Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Bosraah.

  • 1¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor.

  • 4¶ Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa.

  • 27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.

  • Yex 15:6-8
    3 aayado
    74%

    6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.

    7Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.

    8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.

  • 14Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.

  • 7Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 18Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 27Oo derbiga Dimishaq dab baan ku dayn doonaa, oo daaraha waaweyn ee Benhadad oo dhanna baabba' buu ka dhigi doonaa.

  • 8Oo reer Falastiinna wuxuu ku laayay Gaasa iyo soohdimaheeda, iyo tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 31Iriddow, barooro. Magaaladaay, ooy! Reer Falastiin oo dhammow, kulligaa cabsi la dhalaal, waayo, waxaa woqooyi ka iman doona qiiq, oo midna saaxiibbadiis kama hadhi doono.

  • 14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • 8¶ Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 20Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.

  • 11Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.

  • 4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 2Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.

  • 6Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.

  • Saf 1:2-3
    2 aayado
    70%

    2¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu wax kasta waan ka baabbi'in doonaa dhulka korkiisa.

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.

  • 21Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan.

  • 15¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan,

  • 14Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.

  • 5Baroorashaa Gaasa heshay, Ashqeloonna waa lala baabbi'iyey kuwii dooxadooda ku hadhay; ilaa goormaad isgoogooynaysaa?

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 19Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 6Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 48Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.

  • 15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.

  • 4¶ Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu amray in dab lagu diriro, oo dabku wuxuu laastay moolkii weynaa, oo wuxuu cuni lahaa dhulka.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 16¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.

  • 7Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.