Yexesqeel 3:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 25:17 : 17 ¶ Markaasaan koobkii gacantii Rabbiga ka qaaday, oo waxaan cabsiiyey quruumihii Rabbigu ii diray oo dhan, kuwaas oo ahaa
  • Fal 26:19 : 19 ¶ Sidaas daraaddeed, boqor Agribbow, kuma aan caasiyoobin riyadii samada ka timid;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 3:3-4
    2 aayado
    93%

    3Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.

    4¶ Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.

  • 1¶ Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.

  • Yex 2:8-10
    3 aayado
    81%

    8Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun.

    9Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.

    10Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

  • Muj 10:8-11
    4 aayado
    79%

    8¶ Oo haddana waxaan mar kale maqlay codkii aan samada ka maqlay oo igu leh, Tag oo qaado buugga furan oo ku jira gacanta malaa'igta ku taagan badda iyo dhulka.

    9Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale.

    10Markaasaan buuggii yaraa ka qaatay malaa'igta gacanteedii, waanan cunay, oo intuu afkayga ku jiray wuxuu u macaanaa sida malab oo kale; oo markii aan cunay ayaa calooshaydii qadhaadh noqotay.

    11Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.

  • Sak 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo haddana indhaha baan kor u taagay oo wax fiiriyey, oo waxaan arkay qorniin la duubo oo duulaya.

    2Oo isna wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waxaan arkaa qorniin la duubo oo duulaya, oo dhererkiisu waa labaatan dhudhun, ballaadhkiisuna waa labaatan dhudhun.

  • Yex 2:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.

    2Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.

  • Yex 4:12-16
    5 aayado
    71%

    12Oo cuntadaadana waxaad u cuntaa sida kibis shaciireed oo kale, oo waxaad ku dubataa saxaro dad iyadoo ay indhaha ku hayaan.

    13Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Sidaas oo kale ayaa reer binu Israa'iil kibistooda nijaasowday ugu dhex cuni doonaan quruumihii aan iyaga u kaxayn doonoba.

    14Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, naftaydu weligeed ma ay nijaasoobin, waayo, tan iyo yaraantaydii iyo ilaa haddatan marnaba ma aan cunin wax bakhtiyey ama wax bahal bakhtiistay toona, oo hilib karaahiyo ahuna innaba afkayga ma gelin.

    15Markaasuu igu yidhi, Bal eeg, saxaro dad waxaan kuugu beddelay saalo lo', oo waa inaad cuntadaada ku diyaarsataa.

    16Oo weliba wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal ogow, usha kibista ayaan Yeruusaalem ku dhex jebin doonaa, oo iyagu waxay kibista ku cuni doonaan miisaan iyo digtoonaan, oo biyahana waxay ku cabbi doonaan qiyaas iyo yaab,

  • Yex 3:22-24
    3 aayado
    70%

    22¶ Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.

    23Markaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.

    24Markaasaa ruuxii i soo galay, oo cagaha igu taagay, wuuna ila hadlay isagoo leh, Tag oo gurigaaga isku xidh.

  • 3Oo haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,

  • 19Oo cuntadaydii aan ku siiyey, oo ahayd daqiiqda, iyo saliidda iyo malabka, oo aan kugu quudiyeyna iyagaad hor dhigtay oo aad caraf udgoon uga dhigtay, oo sidaasay ahayd, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Yex 33:22-23
    2 aayado
    70%

    22Oo kan soo cararay intuusan ii iman markay fiidkii ahayd gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Rabbigu afkayguu furay, oo ilaa uu aroortii dambe ii yimid ayaa afkaygii furnaa, oo aniguna mar dambe carrablaawe ma aan ahayn.

    23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 3:10-11
    2 aayado
    69%

    10Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.

    11Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.

  • Yex 3:16-17
    2 aayado
    69%

    16¶ Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,

    17Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.

  • Yex 37:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan,

    2oo hareerahooda ayuu igu wareejiyey, oo bal eega, waxaa dooxada bannaankeeda yiil lafo aad iyo aad u tiro badan, oo bal eega, aad iyo aad bay u qallalnaayeen.

  • 9Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.

  • 43Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.

  • 16Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.

  • Yex 4:9-10
    2 aayado
    68%

    9Oo weliba waxaad soo qaadataa sarreen, iyo shaciir, iyo digir, iyo misir, iyo hadhuudh, iyo heed, oo kulligood isku weel ku shub, oo kibis ka samayso, oo maalmaha aad dhinaca u jiifto intay tiradoodu tahay in le'eg, oo ah saddex boqol iyo sagaashan maalmood, waa inaad cuntaa.

    10Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.

  • 22Oo idinkuna sidaan yeelay oo kale ayaad yeeli doontaan. Bushimihiinna ma aad dabooli doontaan, oo kibista dadkana ma aad cuni doontaan.

  • 27Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 2Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 14Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.

  • 8Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

  • 16Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay.

  • 2Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 10Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.