Yexesqeel 34:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan iyaga daajin doonaa meelo daaqsin wanaagsan, oo xeradooduna waxay ahaan doontaa buuraha dhaadheer oo reer binu Israa'iil. Halkaasay xero wanaagsan dhex fadhiisan doonaan, oo waxay daaqsin wanaagsan ka daaqi doonaan buuraha reer binu Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 10:9 : 9 Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa.
  • Yer 31:12-14 : 12 Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan. 13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan. 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.
  • Yer 31:25 : 25 Waayo, naf kasta oo daallan ayaan wabxiyey, oo naf kasta oo murugaysanna waan dhergiyey.
  • Yer 33:12-13 : 12 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya. 13 Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yex 34:27 : 27 Dhirta duurku midhay dhali doontaa, oo dhulkuna wax badan buu soo bixin doonaa, oo iyaguna ammaan bay dalkooda ku dhex joogi doonaan, oo markaan xadhkaha harqoodkooda kala gooyo, oo aan gacanta kuwii iyaga addoonsan jiray ka soo samatabbixiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 36:29-30 : 29 Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono. 30 Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.
  • Sab 23:1-2 : 1 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo. 2 Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
  • Sab 31:8-9 : 8 Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga, Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan. 9 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan. 10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
  • Ish 25:6 : 6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.
  • Ish 30:23-24 : 23 Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan. 24 Oo dibida iyo dameeraha dhulka qodaana waxay cuni doonaan cunto dhanaan oo gacaf iyo fargeeto weyn lagu haadiyey.
  • Ish 40:11 : 11 Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.
  • Muj 7:16 : 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 34:15-20
    6 aayado
    89%

    15Aniga qudhaydu adhigayga waan daajin doonaa oo dhereg baan la fadhiisin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    16Kii baadiyoobay baan raadin doonaa, oo kii baxsadayna waan soo celin doonaa, kii jabayna waan kabi doonaa, oo kii bukayna waan xoogayn doonaa, laakiinse ka buuran iyo ka xoogga leh waan wada baabbi'in doonaa, oo caddaalad baan ku daajin doonaa.

    17Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.

    18Ma wax yar bay idinla tahay inaad daaq wanaagsan daaqdaan, laakiinse aad daaqa idiin hadha cagaha kula tumataan? iyo inaad biyo saafi ah iska cabtaan, laakiinse aad inta idiin hadha cagaha ku qastaan?

    19Bal eega, adhigaygu wuxuu daaqaa wixii aad cagaha kula tumateen, oo wuxuu cabbaa wixii aad cagaha ku qasteen.

    20¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu iyaga ku leeyahay, Aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idaha buurbuuran iyo idaha caatada ah kala xukumi doona.

  • Yex 34:5-13
    9 aayado
    87%

    5Oo wax kala firdheen, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo waxay cunto u noqdeen dugaaggii duurka oo dhan markay kala firidhsanaayeen.

    6Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta.

    7Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla,

    8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, idahaygii waxay noqdeen wax la dhaco, oo idahaygii waxay cunto u noqdeen dugaagga duurka oo dhan, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo adhijirradayduna ma ay doondoonin, laakiinse adhijirradii way isquudiyeen, adhigaygana ma ay daajin.

    9Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla.

    10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu adhijirradaan col ku ahaye, oo adhigaygiina gacantoodaan weyddiin doonaa, oo waxaan iyaga ka joojin doonaa inay idaha daajiyaan, oo adhijirraduna mar dambe isma quudin doonaan. Adhigaygaan afkooda ka samatabbixin doonaa, si uusan cunto ugu noqonin.

    11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idahayga raadin doona oo doondooni doona.

    12Sida adhijir adhigiisa u doondoono maalintii uu dhex joogo idihiisa kala firidhsan, sidaas oo kalaan idahayga u doondooni doonaa, oo waxaan ka soo samatabbixin doonaa meelihii ay maalintii cadarka iyo gudcurka ahayd ku kala firdheen oo dhan.

    13Oo iyagaan dadyowga ka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadaan ka soo wada ururin doonaa, oo dalkoodaan keeni doonaa, oo waxaan daajin doonaa buuraha reer binu Israa'iil, iyo webiyaasha dhinacooda, iyo dalka meelihiisa la deggan yahay, oo dhan.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • Yex 34:22-23
    2 aayado
    79%

    22Sidaas daraaddeed adhigayga waan badbaadin doonaa, oo mar dambena wax la dhaco siima uu ahaan doono, oo waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo.

    23Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa.

  • 14¶ Dadkaaga oo ah adhigii dhaxalkaaga oo kaynta Karmel ku dhex taal keli ahaantood deggan ushaada ku daaji. Iyagu ha daaqeen Baashaan iyo Gilecaad sidii waagii hore.

  • Yer 23:2-4
    3 aayado
    78%

    2Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.

    3Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.

    4Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.

  • 4¶ Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.

  • Yex 34:25-31
    7 aayado
    76%

    25Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan.

    26Oo iyaga iyo meelaha buurtayda ku wareegsanba barako baan ka dhigi doonaa, oo roobkana xilligiisaan u soo di'in doonaa, oo waxaa jiri doona tiixo barakee.

    27Dhirta duurku midhay dhali doontaa, oo dhulkuna wax badan buu soo bixin doonaa, oo iyaguna ammaan bay dalkooda ku dhex joogi doonaan, oo markaan xadhkaha harqoodkooda kala gooyo, oo aan gacanta kuwii iyaga addoonsan jiray ka soo samatabbixiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    28Oo iyagu mar dambe wax la dhaco quruumaha uma ay ahaan doonaan, oo dugaagga dalku ma ay cuni doonaan, laakiinse ammaan bay ku degganaan doonaan, oo ciduna innaba kama cabsiin doonto.

    29Oo waxaan iyaga u soo bixin doonaa geed caan ah, oo mar dambena dalka dhexdiisa abaar uguma ay baabbi'i doonaan, oo kol dambe ceebtii quruumaha ma ay sidan doonaan.

    30Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay markaas ogaan doonaan in anigoo Rabbiga Ilaahooda ah aan iyaga la jiro, iyo in iyagoo reer binu Israa'iil ah ay dadkaygii yihiin.

    31Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idahaygiiyow, idihii daaqsintaydow, waxaad tihiin binu-aadmi, oo aniguna waxaan ahay Ilaahiinna.

  • Yex 34:2-3
    2 aayado
    76%

    2Wiilka Aadamow, adhijirrada reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg. Wax ka sii sheeg, oo waxaad adhijirrada ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada reer binu Israa'iil oo iyagu isquudiya! Miyaanay adhijirrada ku habboonayn inay adhiga daajiyaan?

    3Idinku baruurtaad iska cuntaan, oo dhogortana waad xidhataan, oo jarkaad qalataan, laakiinse adhiga ma aad daajisaan.

  • 17Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.

  • 16Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.

  • 7Markaasaan daajiyey idaha la qalayo, oo sida xaqiiqada ah waxay ahaayeen idaha ugu miskiinsan. Oo waxaan soo qaatay laba ulood, oo mid waxaan u bixiyey Raallinimo, middii kalena waxaan u bixiyey Xidhiidh, oo idihii waan daajiyey.

  • 11Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.

  • 15Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho.

  • 12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.

  • 3Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.

  • 15Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

  • 10¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.

  • Yex 36:37-38
    2 aayado
    72%

    37¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.

    38Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.

  • 2Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.

  • 13Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 16Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?

  • 4Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.

  • 71Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.