Yexesqeel 36:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Titus 3:3-6 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay. 4 Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen, 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah, 6 oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix;
  • Yex 39:29 : 29 Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
  • Yex 37:14 : 14 Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Cib 13:21 : 21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
  • Titus 2:11-14 : 11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan, 12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, 13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
  • Yex 37:24 : 24 Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.
  • Yoel 2:28-29 : 28 ¶ Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, 29 oo weliba maalmahaas addoommada rag iyo dumarba ruuxaygaan ku shubi doonaa.
  • Sak 12:10 : 10 ¶ Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.
  • Luuk 11:13 : 13 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
  • Maah 1:23 : 23 Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
  • Ish 44:3-4 : 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. 4 Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
  • Ish 59:21 : 21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 31:33 : 33 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
  • 1 Kor 3:16 : 16 ¶ Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?
  • Gal 5:22-23 : 22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, 23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.
  • 1 But 1:22 : 22 Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada.
  • 2 Yoox 1:6 : 6 Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan.
  • 1 Yoox 1:6-7 : 6 Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno. 7 Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.
  • 1 Yoox 3:24 : 24 Oo kii xajiya qaynuunnadiisa, wuu ku sii jiraa isaga, isaguna wuu ku sii jiraa. Oo saasaynu ku garanaynaa inuu isagu inagu sii jiro xagga Ruuxa uu ina siiyey.
  • Room 8:14-16 : 14 ¶ In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah. 15 Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow. 16 Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah.
  • 1 But 1:2 : 2 oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.
  • Ef 1:13-14 : 13 Oo weliba idinku isagaad ku maqasheen ereyga runta ah, kaas oo ah injiilka badbaadadiinna, oo weliba idinku markii aad rumaysateen ayaa laydinku shaabadeeyey Ruuxa Quduuska ah oo uu ballanqaaday, 14 oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.
  • Fil 2:12-13 : 12 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir, 13 waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.
  • Kol 2:6 : 6 ¶ Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,
  • 2 Tes 2:13 : 13 ¶ Laakiin waxaa nagu waajib ah inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, walaalayaasha Rabbigu jecel yahayow, waayo, waxaa Ilaah bilowgii idiin doortay badbaado ka timaada Ruuxa quduus idinka dhigaya, iyo rumaysadka runta,
  • Gal 5:5 : 5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.
  • Gal 5:16 : 16 ¶ Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.
  • Room 8:9 : 9 Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 36:24-26
    3 aayado
    85%

    24Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.

    25Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.

    26Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah.

  • Yex 37:14-15
    2 aayado
    83%

    14Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.

    15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 28Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.

  • Yex 11:19-20
    2 aayado
    81%

    19Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,

    20si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.

  • Laaw 26:2-3
    2 aayado
    76%

    2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

    3¶ Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan,

  • 33Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

  • 10Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;

  • Yex 37:5-6
    2 aayado
    75%

    5Sayidka Rabbiga ahu wuxuu lafahan ku leeyahay, Bal eega, neef baan idin gelin doonaa, oo idinku waad noolaan doontaan.

    6Oo seedaan idin kor saari doonaa, oo hilib baan idiin yeeli doonaa, oo harag baan idinku dabooli doonaa, oo neef baan idin gelin doonaa, oo waad noolaan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 74%

    11Oo anna taambuuggaygaan idinka dhex dhisan doonaa, oo naftayduna idinma karhi doonto.

    12Oo dhexdiinnaan ku socon doonaa, oo Ilaahiinnaan ahaan doonaa, oo idinkuna dadkaygaad ahaan doontaan.

  • 22Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.

  • 31Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?

  • 19Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,

  • 16Kanu waa axdiga aan la dhigan doono iyaga Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda, Maankoodana waan ku qori doonaa; markaasuu wuxuu ku daray;

  • Laaw 18:4-5
    2 aayado
    73%

    4Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    5Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 37Oo waxaan idin soo marin doonaa usha hoosteeda, oo axdigaan idinku xidhi doonaa.

  • Yex 37:26-27
    2 aayado
    72%

    26Oo weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa.

    27Oo taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

  • 12Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.

  • 37Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • Yex 37:23-24
    2 aayado
    72%

    23Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.

    24Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.

  • 11Oo waxaan iyaga siiyey qaynuunnadaydii, xukummadaydiina waan tusay, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo.

  • 7Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.

  • 29Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.

  • 38Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa.

  • 1¶ Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan,

  • 18Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan, oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan doontaan.

  • 17Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo dhan, oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

  • 5sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.

  • 23laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.

  • 11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 2Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.

  • 7de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 23Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan,

  • 11Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 9Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa.

  • 33Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.

  • 4ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,

  • 12Sidaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil.