Yexesqeel 39:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 22:12 : 12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
  • Yer 51:40 : 40 Oo waxaan iyaga u soo kaxayn doonaa sida baraar la gowracayo iyo sida wanan iyo orgiyo oo kale.
  • Yex 29:5 : 5 Oo adiga iyo kalluunka webiyaashaada oo dhanba cidladaan ku tuuri doonaa. Waxaad ku dhici doontaa berrin bannaan, oo innaba layskuma soo kaa ururin doono, lagumana aasi doono, oo waxaan cunto kaaga dhigay dugaagga dhulka iyo haadka samada.
  • Yer 50:27 : 27 Dibiyadeeda oo dhan wada gowraca, oo kulligood in la gowraco ha u dhaadheceen. Iyagaa iska hoogay, waayo, waxaa haatan yimid maalintoodii iyo wakhtigii ciqaabiddooda!
  • Aam 4:1 : 1 ¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
  • Muj 19:17-18 : 17 ¶ Oo markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah, 18 aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.
  • Muj 19:21 : 21 oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.
  • Sharc 32:14 : 14 Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad, Iyo baraarro baruurtood, Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha, Iyo sarreenka ugu wanaagsan. Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.
  • Yex 34:8 : 8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, idahaygii waxay noqdeen wax la dhaco, oo idahaygii waxay cunto u noqdeen dugaagga duurka oo dhan, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo adhijirradayduna ma ay doondoonin, laakiinse adhijirradii way isquudiyeen, adhigaygana ma ay daajin.
  • Yex 34:17 : 17 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.
  • Sab 68:30 : 30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
  • Ish 34:7 : 7 Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa.
  • Yer 50:11 : 11 Kuwiinna dhaxalkayga dhacayow, in kastoo aad faraxdaan oo aad rayraysaan, iyo in kastoo aad u cayishaan sida qaalin lo'aad oo daaqsin fiican dhex joogta, amase aad danantaan sida fardo xoog badan oo kale,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 39:19-20
    2 aayado
    90%

    19Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan.

    20Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miiskayga ayaad waxaad kaga dhergi doontaan fardo iyo fardooley, iyo rag xoog badan, iyo kuwa dagaalyahanka ah oo dhanba.

  • 17¶ Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed.

  • 14Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad, Iyo baraarro baruurtood, Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha, Iyo sarreenka ugu wanaagsan. Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.

  • 18aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.

  • Ish 34:6-7
    2 aayado
    77%

    6Waayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn.

    7Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa.

  • 17Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.

  • 4Laakiin waa inaydnaan cunin hilibka noloshiisu la jirto, taasoo ah dhiiggiisa.

  • 32Oo dadkiina wixii ay dhaceen ayay ku boodeen, oo waxay qaateen ido iyo dibi iyo weylo, oo dhulkay ku qasheen, markaasaa dadkii waxay cuneen hilibkii oo dhiig leh.

  • 25Haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hilib dhiig leh baad cuntaan, oo sanamyadiinna ayaad indhaha kor ugu taagtaan, oo dhiig baad daadisaan, haddaba ma idinkaa dalka dhaxlaya?

  • 3Idinku baruurtaad iska cuntaan, oo dhogortana waad xidhataan, oo jarkaad qalataan, laakiinse adhiga ma aad daajisaan.

  • 13Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?

  • 75%

    15Laakiinse waa idiin bannaan tahay inaad wax qalataan oo aad irdihiinna gudahooda hilib ku cuntaan in alla intii naftiinnu doonayso sida ay tahay barakadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba way u cuni karaan, sida cawsha iyo deerada loo cuno.

    16Laakiinse waa inaydaan dhiigga cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaan sida biyo oo kale.

  • 27oo waa inaad qurbaannadiinna la gubo, hilibka iyo dhiiggaba ku kor bixisaan meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, oo allabarigiinna dhiiggiisana waa in lagu shubo meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, hilibkase waa inaad cuntaan.

  • 75%

    22Oo waxaad iyaga u cuntaan sida loo cuno cawsha iyo deerada, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen.

    23Laakiinse waxaa keliyahood hubsataan inaydaan dhiigga cunin, waayo, dhiiggu waa nolosha, haddaba waa inaydaan cunin hilibka noloshiisu la jirto.

  • 74%

    10¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.

    11Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.

    12Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.

    13¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa.

    14Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa.

  • 4Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da, iyo idaha, iyo riyaha,

  • 18Oo hilibkoodana waa inuu kaaga ahaadaa, oo sidii sakaarkii la ruxruxo iyo bowdadii midig adigaa iska leh.

  • Yex 34:17-19
    3 aayado
    74%

    17Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.

    18Ma wax yar bay idinla tahay inaad daaq wanaagsan daaqdaan, laakiinse aad daaqa idiin hadha cagaha kula tumataan? iyo inaad biyo saafi ah iska cabtaan, laakiinse aad inta idiin hadha cagaha ku qastaan?

    19Bal eega, adhigaygu wuxuu daaqaa wixii aad cagaha kula tumateen, oo wuxuu cabbaa wixii aad cagaha ku qasteen.

  • 23Laakiinse waa inaadan dhiiggiisa cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaa sida biyo oo kale.

  • 29Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna.

  • Laaw 7:24-26
    3 aayado
    73%

    24Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa.

    25Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

    26Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona.

  • 21¶ Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.

  • 17Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.

  • 4Waxaad ku kor le'an doontaa buuraha reer binu Israa'iil, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan iyo dadka kula jiraaba, oo haadka adag ee cayn kasta ah iyo dugaagga duurka ayaan cunto ahaan kuu siin doonaa inay ku cunaan.

  • 18Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 26Oo kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.

  • 37Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,

  • 2Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.

  • 34Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Dadka dhex gala, oo waxaad ku tidhaahdaan, Nin waluba halkan ha iigu keeno dibigiisa, nin walubana laxdiisa, oo halkan ku gowraca oo cuna; oo Rabbiga ha ku dembaabina intaad hilib dhiig leh cuntaan. Habeenkaas dadkii oo dhammu nin waluba wuxuu keenay dibigiisii, kolkaasay halkaas ku gowraceen.

  • 19Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.

  • 3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,

  • 4¶ Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.

  • 5Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.

  • 17Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.

  • 31Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.

  • 38Oo cunay baruurtii allabaryadooda, Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa? Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen, Oo iyagu ha idin daafaceen.

  • 19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.