Yexesqeel 46:17
Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.
Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
16¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirku hadduu wiilashiisa midkood hadiyad siiyo, taasu waa dhaxalkiisa, oo wiilashiisaa lahaan doona, oo waa hantidooda ay dhaxal ahaan u leeyihiin.
18Oo weliba amiirku waa inuusan dadka dhaxalkooda wax uga qaadan si uu iyaga hantidooda uga bixiyo, laakiinse amiirkii waa inuu hantidiisa wiilashiisa ka dhaxalsiiyaa, si aan dadkaygu nin kastaba hantidiisa uga firdhin.
40laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,
41oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.
48markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa,
49ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.
50Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.
51Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday.
52Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.
53Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.
54Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.
9Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.
10Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.
11Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.
27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.
28Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.
4Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo.
23markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.
24Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.
13Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.
14Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.
33Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.
10Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.
2¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.
17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.
18Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.
46Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.
8Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.
7Oo meesha qurbaanka quduuska ah iyo meesha ay hantida magaaladu ku dhex taal dhinacoodan iyo dhinacoodaasba waxaa iska lahaan doona amiirka, meesha qurbaanka quduuska ah horteeda iyo meesha ay hantida magaaladu ku taal horteeda, dhinaca galbeed xaggiisa galbeed iyo dhinaca bari xaggiisa bariba, oo dhererkoodu waa inuu la mid noqdaa qaybaha middood soohdinteeda galbeed iyo soohdinteeda bari inta ka dhex leh.
8Oo taasu waxay amiirka u ahaan doontaa hantida uu reer binu Israa'iil ku dhex leeyahay, oo amiirradayduna waa inayan mar dambe dadkayga dulmin, laakiinse dalka waa inay reer binu Israa'iil u siiyaan siday qabiilooyinkoodu kala yihiin.
12¶ Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.
54Kuwii badan waa inaad siisaa dhaxal badan oo kuwii yarna waa inaad siisaa dhaxal yar. Oo mid kasta sida kuwii laga tiriyey ay ahaayeen dhaxalka ha loo siiyo.
30Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.
23Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.
21laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.
16Oo dadka dalka deggan oo dhammu waa inay qurbaankaas amiirka reer binu Israa'iil siiyaan.
17Oo amiirka qaybtiisu waxay ahaan doontaa inuu qurbaannada la gubo, iyo qurbaannada hadhuudhka, iyo qurbaannada cabniinka bixiyo ayaamaha iidaha iyo wakhtiga ay biluhu dhashaan, iyo maalmaha sabtiyada, iyo iidaha reer binu Israa'iil oo dhan. Isagu waa inuu qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinada, diyaariyaa, si reer binu Israa'iil loogu kafaaraggudo.
14Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.
2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.
54Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.
4Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.
9in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.
2Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.
1¶ Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.
2Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.
9Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.
10Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.
28Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.
22Oo weliba xagga hantida reer Laawi iyo xagga hantida magaalada oo ku dhex yaal meesha amiirka oo u dhaxaysa soohdinta reer Yahuudah iyo soohdinta reer Benyaamiinba waxaa iska lahaan doona amiirka.
14Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.