Yexesqeel 48:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 19:10-16 : 10 ¶ Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid. 11 Oo soohdintoodu waxay u baxday xagga galbeed, iyo xataa ilaa Marcalaah, oo waxay gaadhay tan iyo Dabbaashed, oo haddana waxay gaadhay tan iyo durdurka ku yaal Yoqnecaam horteeda; 12 oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica, 13 oo halkaasna waxay uga gudubtay xagga bari oo martay Gad Heefer iyo tan iyo Citaah Qaasiin, oo waxay u baxday xagga Rimmon oo gaadhaa ilaa Neecaah, 14 soohdintu waxay xagga woqooyi ugu laabatay Xannaatoon, oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa dooxadii Yiftax'eel, 15 iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 16 Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
  • Bil 30:19-20 : 19 Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad. 20 Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 48:23-25
    3 aayado
    91%

    23¶ Oo qabiilooyinka kale oo hadhana tan iyo dhanka bari iyo ilaa dhanka galbeed reer Benyaamiin waa inay qayb ka helaan.

    24Oo waxaa soohdinta reer Benyaamiin dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Simecoon.

    25Oo waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar.

  • Yex 48:27-29
    3 aayado
    88%

    27Oo waxaa soohdinta reer Sebulun dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Gaad.

    28Oo xagga soohdinta reer Gaadna dhankeeda koonfureed soohdintu waa inay ahaataa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn.

    29Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Yex 48:1-8
    8 aayado
    80%

    1¶ Haddana kuwanu waa magacyadii qabiilooyinka. Xagga woqooyi tan iyo jidka Xetlon agtiisa iyo ilaa meesha Xamaad laga galo, iyo Xasar Eenaan iyo ilaa soohdinta Dimishaq xaggeeda woqooyi iyo ilaa xagga Xamaad, kuwaas oo ah dhinacyada bari iyo galbeed, waxaa jiri doonta qaybta reer Daan.

    2Oo waxaa soohdinta reer Daan dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Aasheer.

    3Oo waxaa soohdinta reer Aasheer dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Naftaali.

    4Oo waxaa soohdinta reer Naftaali dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Manaseh.

    5Oo waxaa soohdinta reer Manaseh dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Efrayim.

    6Oo waxaa soohdinta reer Efrayim dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Ruubeen.

    7Oo waxaa soohdinta reer Ruubeen dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Yahuudah.

    8¶ Oo soohdinta reer Yahuudah dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeedna waxaa ku xigi doonta meeshaad qurbaan ahaan u bixinaysaan oo ballaadhkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna ula mid yahay sida qaybaha kale middood tan iyo dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed inta ka dhex leh, oo meesha quduuska ahuna waxay ku oolli doontaa meeshaas dhexdeeda.

  • 18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.

  • Yex 48:33-34
    2 aayado
    77%

    33Oo xagga dhanka koonfureedna qiyaastiisu waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo dhanka koonfureed irid waa in reer Simecoon lagu magacaabaa, iridna reer Isaakaar, iridna reer Sebulun.

    34Oo xagga dhanka galbeedna waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddex irdood leh, oo irid waa in reer Gaad lagu magacaabaa, iridna reer Aasheer, iridna reer Naftaali.

  • 3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

  • 76%

    16Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

    17¶ Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen.

    18Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem,

  • Bil 49:13-14
    2 aayado
    75%

    13Sebulun wuxuu degganaan doonaa badda xeebteeda. Wuxuuna noqon doonaa marsada doonniyaha, Xuduudkiisuna wuxuu ahaan doonaa Siidoon agteeda.

    14Isaakaar waa dameer xoog weyn, Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.

  • 34Oo soohdintu waxay u leexatay xagga galbeed tan iyo Asnood Taaboor, oo halkaasna waxay ugu baxday xagga Xuqoq; oo waxay gaadhay ilaa xagga koonfureed oo Sebulun, oo haddana waxay gaadhay xagga galbeed oo Aasheer, iyo tan iyo reer Yahuudah oo Webi Urdun xagga qorraxdu ka soo baxdo ka xiga.

  • 10Dhanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari.

  • 10¶ Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid.

  • 73%

    22oo soohdintu waxay gaadhay ilaa Taaboor, iyo Shaxasimaah, iyo Beytshemesh, oo soohdintooda dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun, oo intaasuna waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

    23Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

  • 27oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul,

  • Yex 47:20-21
    2 aayado
    72%

    20Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed.

    21Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.

  • 18Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari.

  • Tir 34:10-11
    2 aayado
    72%

    10Oo soohdintiinna barina waxaad ka tilmaansataan Hasar Eenaan ilamaa tan iyo Shefaam.

    11Oo soohdintu waxay hoos uga dhaadhici doontaa Shefaam iyo ilamaa Riblaah oo ah Cayn xaggeeda bari, oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa oo gaadhi doontaa badda Kinnered dhinaceeda bari.

  • 28Oo waxay qabiilkii reer Isaakaarna ka heleen Qiishyoon iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,

  • 72Oo qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga siiyey Qedesh iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,

  • 5Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.

  • 8Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.

  • 5Oo kuwa ku xiga oo agtiisa ka dhistaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Isaakaar, oo amiirka reer Isaakaarna waa inuu ahaadaa Netaneel ina Suucaar.

  • 2iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed,

  • 13¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.

  • 14Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

  • 27iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.

  • 1¶ Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa.

  • 15Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad,

  • 78Oo Webi Urdun shishadiisa oo ah Yerixoo agteeda oo ah Webi Urdun xaggiisa bari waxaa qabiilka reer Ruubeenna laga siiyey Beser oo cidlada ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Yahsaah iyo agagaarkeedii,

  • 3waaxdiinna koonfureed waxay ahaan doontaa cidlada Sin iyo tan iyo dhinaca Edom, oo soohdintiinna koonfureedna waxay ka bilaaban doontaa Badda Cusbada leh darafkeeda bari,

  • 30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 12Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.