Tirintii 2:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kuwa ku xiga oo agtiisa ka dhistaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Isaakaar, oo amiirka reer Isaakaarna waa inuu ahaadaa Netaneel ina Suucaar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 1:8 : 8 Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.
  • Tir 7:18 : 18 ¶ Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar.
  • Tir 7:23 : 23 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar.
  • Tir 10:15 : 15 Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar.
  • Tir 26:23-25 : 23 ¶ Oo wiilashii Isaakaar iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Toolac oo dhalay qabiilka reer Toolac, iyo Fuwaah oo dhalay qabiilka reer Fuwaah, 24 iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon. 25 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.
  • Tir 1:28-29 : 28 ¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 29 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 10:14-16
    3 aayado
    88%

    14Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab.

    15Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar.

    16Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon.

  • 8Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.

  • Tir 2:10-15
    6 aayado
    80%

    10¶ Oo xagga koonfureedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Ruubeen, siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Ruubeenna waa inuu ahaadaa Eliisuur ina Shedeeyuur.

    11Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.

    12Oo kuwa ku xigaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Simecoon. Oo amiirka reer Simecoonna waa inuu ahaadaa Shelumii'eel ina Suuriishadday.

    13Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.

    14Qabiilka reer Gaadna, oo amiirka reer Gaadna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Recuu'eel.

    15Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.

  • Tir 2:6-8
    3 aayado
    80%

    6Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

    7Qabiilka reer Sebulunna, oo amiirka reer Sebulunna waa inuu ahaadaa Elii'aab ina Xeelon.

    8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • Tir 2:25-30
    6 aayado
    79%

    25¶ Oo dhanka woqooyina waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Daan siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Daanna waa inuu ahaadaa Axiiceser ina Cammiishadday.

    26Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.

    27Oo qabiilka reer Aasheer waa inuu ku xigaa, oo amiirka reer Aasheerna waa inuu ahaadaa Fagcii'eel ina Cokraan.

    28Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.

    29Qabiilkii reer Naftaalina, oo amiirka reer Naftaalina waa inuu ahaadaa Axiirac ina Ceynaan.

    30Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

  • Tir 2:2-4
    3 aayado
    76%

    2Reer binu Israa'iil waa in nin waluba teendhadiisa ka ag dhistaa calankiisa, iyagoo ag jooga bandiiradihii reerka aabbahood, oo waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan meel teendhada shirka ka hor jeedda oo hareeraheeda ah.

    3Oo kuwa ka dhistaa xagga bari dhanka qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan kuwa calanka xerada reer Yahuudah sida ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Yahuudahna waa inuu ahaadaa Naxshoon ina Cammiinaadaab.

    4Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.

  • Tir 1:28-31
    4 aayado
    76%

    28¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    29intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

    30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    31intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • Tir 34:25-26
    2 aayado
    75%

    25Qabiilka reer Sebulunna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Eliisaafaan ina Farnaag.

    26Qabiilka reer Isaakaarna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Faltii'eel ina Casaan.

  • 32Oo reer Isaakaarna waxaa ka joogay rag garasho u leh wakhtiyada iyo waxa reer binu Israa'iil waajibka ku ah inay sameeyaan, oo iyaga madaxdoodu waxay ahaayeen laba boqol oo nin oo walaalahood oo dhanna iyagaa xukumay.

  • Tir 2:18-23
    6 aayado
    74%

    18¶ Oo dhanka galbeedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Efrayim siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Efrayimna waa inuu ahaadaa Eliishaamaac ina Cammiihuud.

    19Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

    20Oo qabiilka reer Manaseh waa inuu ku xigaa; oo amiirka reer Manasehna waa inuu ahaadaa Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

    21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

    22Qabiilkii reer Benyaamiinna, oo amiirka reer Benyaamiinna waa inuu ahaadaa Abiidaan ina Gidconii.

    23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • 27Oo qabiilkii reer Naftaali ciidankoodana waxaa u sarreeyey Axiirac ina Ceynaan.

  • 3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

  • 18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.

  • 18¶ Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar.

  • 52Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin.

  • 17¶ Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen.

  • 22Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Efrayim siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliishaamaac ina Cammiihuud.

  • 26Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.

  • 5Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.

  • 19Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday.

  • 42¶ Oo reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 7Oo qabiilkii reer Isaakaarna Yigaal ina Yuusuf.

  • 28Oo waxay qabiilkii reer Isaakaarna ka heleen Qiishyoon iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,

  • 25Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.

  • 72Oo qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga siiyey Qedesh iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,