Cesraa 3:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa waxaa istaagay Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, iyo walaalihiisii wadaaddada ahaa, iyo Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo walaalihiis, oo waxay dhiseen meeshii allabariga Ilaaha reer binu Israa'iil inay ku dul bixiyaan qurbaanno la gubo, sida ay ugu qoran tahay sharcigii Muuse oo ahaa ninka Ilaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 3:17 : 17 ¶ Oo maxbuuskii Yekonyaah ahaa wiilashiisii waxay ahaayeen:
  • Cesr 2:2 : 2 oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
  • Xag 1:1 : 1 ¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,
  • Luuk 3:27 : 27 kan ahaa ina Yo'anna, kan ahaa ina Reesa, kan ahaa ina Serubaabel, kan ahaa ina Salaatii'eel, kan ahaa ina Neeri,
  • Mat 1:12-13 : 12 ¶ Goortii Baabuloon loo kaxeeyey dabadeed, Yekonyaah wuxuu dhalay Salaatii'eel, Salaatii'eelna wuxuu dhalay Serubaabel, 13 Serubaabelna wuxuu dhalay Abihuud, Abihuudna wuxuu dhalay Eliyaaqiim, Eliyaaqiimna wuxuu dhalay Asoor,
  • Xag 1:12 : 12 ¶ Markaasaa Serubaabel ina Salaatii'eel, iyo wadaadkii sare oo ahaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq, iyo dadka intiisii hadhay oo dhammu waxay addeeceen codkii Rabbiga Ilaahooda ah, iyo erayadii Nebi Xaggay, waayo, Rabbiga Ilaahooda ah ayaa isaga soo diray, oo dadkiina Rabbiga hortiisa ayaa cabsi ku gashay.
  • Xag 1:14 : 14 Kolkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,
  • Xag 2:2-4 : 2 Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa, 3 Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka? 4 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,
  • Xag 2:21 : 21 La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba,
  • Xag 2:23 : 23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.
  • Sak 3:1 : 1 ¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo.
  • Sak 3:8 : 8 Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah.
  • Sak 4:6-9 : 6 Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga. 7 Buurtan weynay, kumaad tahay? Serubaabel hortiisa waxaad ku noqon doontaa bannaan. Oo isna wuxuu soo bixin doonaa dhagaxa madaxa ah isagoo dhawaaqaya oo leh, Ammaan ha u ahaato, ammaan ha u ahaato. 8 Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi, 9 Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray. 10 Waayo, bal yaa quudhsaday maalinta waxyaalaha yaryar? Waayo, iyagu way rayrayn doonaan, oo waxay arki doonaan xadhigga miisaanka oo ku jira gacanta Serubaabel, waana toddobadan oo ah indhihii Rabbiga. Iyagu dhulka oo dhan ayay hore iyo dibba u fiiriyaan.
  • Sak 6:11 : 11 Oo waxaad iyaga ka qaaddaa lacag iyo dahab, oo waxaad ka samaysaa taaj, oo waxaad madaxa u saartaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare.
  • Nex 12:1 : 1 ¶ Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,
  • Nex 12:8 : 8 Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.
  • Sab 78:68 : 68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
  • 1 Taar 3:19 : 19 Wiilashii Fedaayaahna waxay ahaayeen Serubaabel, iyo Shimcii, oo wiilashii Serubaabelna waxay ahaayeen Meshullaam, iyo Xananyaah, oo Shelomiidna waxay ahayd walaashood,
  • 2 Taar 6:6 : 6 Laakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.
  • Bax 20:24-25 : 24 ¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa. 25 Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.
  • Tir 28:3-9 : 3 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kanu waa qurbaanka dabka lagu sameeyo oo aad Rabbiga u bixisaan laba wan oo gu jir ah oo aan iin lahayn oo aad maalin kasta qurbaan la gubo oo joogto ah u bixisaan. 4 Waa inaad wan bixisaa aroortii, wanka kalena makhribkii. 5 Oo waxaad la bixisaa oo qurbaan hadhuudh ka dhigtaa eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo lagu daray hiin rubuceed oo ah saliid saafi ah. 6 Kaasu waa qurbaan la gubo oo joogto ah oo Buur Siinay laga amray inuu ahaado qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga oo caraf udgoon u ah. 7 Oo wan qurbaankiisa cabniinku waa inuu ahaadaa hiin rubuceed, oo meesha quduuska ah waa inaad Rabbiga ugu shubtaa qurbaan cabniin oo ah khamri culus. 8 Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo qurbaankiisii hadhuudhka iyo qurbaankiisii cabniinka waa inaad isaga la bixisaa sida kii aroortii oo kale, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon. 9 ¶ Oo maalinta sabtidana waxaad bixisaa laba wan oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, iyo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood ee qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray iyo qurbaankiisii cabniinka. 10 Kaasu waa qurbaanka la gubo oo sabtida, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin. 11 ¶ Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, 12 oo eefaah bur ah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan dibi kasta, oo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan wanka weyn. 13 Oo wan kasta oo yarna waxaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo saliid lagu daray, kaasoo wada ah qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah oo Rabbiga dab loogu sameeyo. 14 Oo qurbaannadooda cabniinkuna waa inay ahaadaan hiin nuskeed khamri ah dibigiiba, iyo hiin saddex daloolkeed oo wanka weyn la socdaa, iyo hiin rubuceed oo wanka yar la socdaa. Intaasu waa qurbaanka la gubo oo ay tahay inaad bixisaan bil kasta bilaha sannaddii oo dhan. 15 Oo waa inaad orgi Rabbiga ugu bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin. 16 ¶ Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga. 17 Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa. 18 Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, 19 laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn. 20 Oo qurbaankooda hadhuudhkuna wuxuu ahaan doonaa bur saliid lagu daray. Burka toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood waa inaad dibiba la bixisaan, labadiis meeloodna wanka weyn, 21 iyo meeshiisna toddobada wan oo yaryar midkood kasta. 22 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo. 23 Kuwaas waa inaad bixisaan iyadoo uusan ku jirin qurbaanka la gubo oo subaxnimada, kaasoo ah qurbaan la gubo oo joogto ah. 24 Sidan waa inaad maalin kasta intii toddoba maalmood ah u bixisaan cuntada ah qurbaanka dabka lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. Taas waa in la bixiyaa iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 25 Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn. 26 ¶ Oo weliba maalinta midhaha hore la goosto, markaad qurbaan hadhuudh oo cusub Rabbiga ugu bixisaan iidda toddobaadyada waa inaad shir quduus ah yeelataan; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn. 27 Laakiinse waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, 28 oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood dibigii kasta saddex meelood la bixi, oo wankana laba meelood la bixi, 29 oo toddobada wan oo yaryarna midkood kasta meel la bixi. 30 Oo waa inaad bixisaan orgi laydiinku kafaaro gudo. 31 Oo iyaga iyo qurbaannadooda cabniinka waa inaad bixisaan iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ahu ku jirin (oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn).
  • Sharc 12:5-7 : 5 Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan. 6 Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna. 7 Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cesr 5:1-3
    3 aayado
    81%

    1¶ Haddaba nebiyadii ahaa Nebi Xaggay, iyo Sekaryaah ina Iddo ayaa wax u sii sheegay Yuhuuddii degganayd Yahuudah iyo Yeruusaalem, oo magaca Ilaaha reer binu Israa'iil ayay wax ugu sii sheegeen.

    2Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.

    3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

  • Cesr 3:3-4
    2 aayado
    81%

    3Oo meeshii allabariga waxay saareen saldhiggeedii, waayo, iyagu waxay ka cabsanayeen dadkii dalalka degganaa, oo waxay Rabbiga ugu dul bixiyeen qurbaanno la gubo oo ahaa kuwii subaxnimada iyo kuwii habeennimada.

    4Oo iiddii taambuugyadana waxay u iideen sidii ay u qornayd, oo maalin kastana waxay tiro ku bixinayeen qurbaannada la gubo, sidii amarku ahaa, iyo intii maalin kasta layska doonayay;

  • Cesr 3:8-10
    3 aayado
    80%

    8¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.

    9Markaasaa waxaa dhammaan istaagay Yeeshuuca, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis, iyo Qadmii'eel iyo wiilashiisii oo ahaa reer Yahuudah, inay u sarreeyaan shaqaalaha ku jira guriga Rabbiga, iyo weliba wiilashii Xeenaadaad iyo wiilashoodii iyo walaalahood oo ahaa reer Laawi.

    10Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.

  • Cesr 4:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

    2ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.

    3Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.

  • Cesr 1:5-6
    2 aayado
    75%

    5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

    6Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin.

  • 6Oo maalintii kowaad oo bishii toddobaad ayay bilaabeen inay Rabbiga u bixiyaan qurbaanno la gubo, laakiinse macbudka aasaaskiisii weli lama dhigin.

  • 12¶ Markaasaa Serubaabel ina Salaatii'eel, iyo wadaadkii sare oo ahaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq, iyo dadka intiisii hadhay oo dhammu waxay addeeceen codkii Rabbiga Ilaahooda ah, iyo erayadii Nebi Xaggay, waayo, Rabbiga Ilaahooda ah ayaa isaga soo diray, oo dadkiina Rabbiga hortiisa ayaa cabsi ku gashay.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,

  • Nex 3:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Markaasaa Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare ayaa la kacay wadaaddadii walaalihiis ahaa, oo waxay dhiseen Iriddii Idaha, oo intay quduus ka dhigeen ayay albaabbadeedii qotomiyeen, oo waxay quduus ka dhigeen tan iyo Munaaraddii Mee'aah iyo ilaa Munaaraddii Xananeel.

    2Oo intii isaga ku xigtayna waxaa dhisay dadkii Yerixoo, oo intii iyaga ku xigtayna waxaa dhisay Sakuur ina Imrii.

  • Yash 8:30-31
    2 aayado
    73%

    30¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari,

    31sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino.

  • Xag 1:14-15
    2 aayado
    73%

    14Kolkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,

    15oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.

  • 18Oo sida kitaabkii Muuse ku qoran waxay wadaaddadii u qaybiyeen qaybahoodii, kuwii reer Laawina jagooyinkoodii, adeegidda Ilaah oo Yeruusaalem laga adeegayo aawadeed.

  • 4Markaasaa darajadii reer Laawi waxaa ku kor istaagay Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Qadmii'eel, iyo Shebanyaah, iyo Bunnii, iyo Sheereebyaah, iyo Baanii, iyo Kenaanii, oo cod weyn ayay ugu qayshadeen Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

  • 2Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 16Oo reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo dadkii maxaabiista ka soo noqday intoodii kaleba gurigan Ilaah gaar bay uga dhigeen iyagoo faraxsan.

  • 26Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.

  • 3Sannaddii kowaad oo Boqor Kuuros ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar ku saabsan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo wuxuu yidhi, Guriga ha la dhiso, kaasoo ah meeshii allabaryo lagu bixiyo, oo aasaaskiisana si adag ha loo dhigo, oo sarajooggiisu ha ahaado lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna lixdan dhudhun;

  • 7Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.

  • 11Oo iyana sidanay jawaab noogu soo celiyeen oo yidhaahdeen, Waxaannu nahay addoommadii Ilaaha samada iyo dhulka, oo waxaannu dhisaynaa gurigan oo sannado badan oo hore la dhisay, oo boqor weyn oo reer binu Israa'iil ahu uu dhisay oo dhammeeyey.

  • 14Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris.

  • 16Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi.

  • 12Oo wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen,

  • 7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

  • 15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

  • 26Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,

  • 11Oo waxaad iyaga ka qaaddaa lacag iyo dahab, oo waxaad ka samaysaa taaj, oo waxaad madaxa u saartaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare.

  • 1¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,

  • 2oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

  • 16Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 4Oo karraanigii Cesraa ahaa wuxuu kor taagnaa meel sare oo alwaax laga sameeyey oo sababtaas aawadeed loo dhisay; oo dhankiisa midigta waxaa taagnaa Matityaah, iyo Shemac, iyo Canaayaah, iyo Uuriyaah, iyo Xilqiyaah, iyo Macaseeyaah; oo dhankiisa bidixdana waxaa taagnaa Fedaayaah, iyo Miishaa'eel, iyo Malkiyaah, iyo Xaashum, iyo Xashbaddaanaah, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam.

  • 3Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.)

  • 9Oo waxaannu duqowdaas weyddiinnay oo ku nidhi, Yaa idin siiyey amar aad gurigan ku dhistaan, oo aad derbigan ku dhammaysaan?

  • 23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;

  • 40in had iyo goor subax iyo habeenba meeshii qurbaanka la gubo ay Rabbiga ugu dul bixiyaan qurbaanno la gubo kuwaasoo ahaa sidii dhammaan waxa ku qoran sharciga Rabbiga, oo uu reer binu Israa'iil ku amray.