Galatiya 3:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 9:7-8 : 7 Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 8 Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa.
  • Ef 3:6 : 6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
  • Gal 4:22-31 : 22 Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay. 23 Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay. 24 Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Haagaar. 25 Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba. 26 Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen. 27 Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda. 28 Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale. 29 Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale. 30 Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah. 31 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.
  • Room 8:17 : 17 Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.
  • Gal 5:24 : 24 Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.
  • Bil 21:10-12 : 10 Sidaas daraaddeed waxay Ibraahim ku tidhi, Eri addoontan iyo wiilkeedaba: maxaa yeelay, wiilka addoontanu wax la dhaxli maayo wiilkayga Isxaaq ah. 11 Waxaasuna Ibraahim aad buu ula xumaa xagga wiilkiisa. 12 Ilaahna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Yaanay kula xumaan wiilka dartiis, iyo naagta addoonta ah toona. Wax alla wixii Saarah kugu tidhaahdo, hadalkeeda maqal; waayo, farcankaaga Isxaaq baa loogu yeedhi doonaa.
  • Room 4:12-14 : 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa. 13 ¶ Waayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga, laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka. 14 Waayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey,
  • Room 4:16-21 : 16 ¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen, 17 (sida qoran, Quruumo badan baan aabbe kaaga dhigay) Ilaaha uu rumaystay hortiisa, kan nooleeya kuwii dhintay oo u yeedha waxyaalaha aan jirin sida iyagoo jira. 18 Ibraahim rajuu wax ku rumaystay iyadoo aan rajo jirin inuu aabbe u noqdo quruumo badan, sida waxyaalihii lagula hadlay leeyihiin, Farcankaagu sidaasuu noqon doonaa. 19 Isagoo aan rumaysadkii ku tabaryaraan wuxuu ka fikiray jidhkiisii sida meyd oo kale ahaa (isagoo boqol jir ku dhow) iyo meydnimadii maxalkii Saarah. 20 Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya 21 oo aad u huba in wixii uu u ballanqaaday uu samayn karo.
  • Titus 3:7 : 7 inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.
  • Cib 1:14 : 14 Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?
  • Cib 6:17 : 17 sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay;
  • Cib 11:7 : 7 Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada.
  • Cib 11:18 : 18 in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.
  • Yac 2:5 : 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?
  • Muj 21:7 : 7 Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil.
  • 1 Kor 3:22-23 : 22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh. 23 Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
  • 1 Kor 15:23 : 23 laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaatinkiisa.
  • 2 Kor 10:7 : 7 ¶ Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay.
  • Gal 3:7 : 7 Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim.
  • Gal 3:16 : 16 Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa.
  • Gal 3:28 : 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.
  • Gal 4:7 : 7 Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Gal 3:13-18
    6 aayado
    80%

    13Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay,

    14inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.

    15¶ Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro.

    16Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa.

    17Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo.

    18Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.

  • Gal 3:6-9
    4 aayado
    79%

    6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

    7Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim.

    8Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.

    9Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay.

  • 25Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.

  • Gal 3:26-28
    3 aayado
    79%

    26Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix.

    27In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix.

    28Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.

  • 7Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

  • 77%

    22ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.

    23Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.

  • 28Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale.

  • Room 9:7-9
    3 aayado
    76%

    7Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

    8Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa.

    9Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil.

  • 16¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen,

  • 74%

    6Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,

  • 9Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.

  • Room 4:13-14
    2 aayado
    74%

    13¶ Waayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga, laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka.

    14Waayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey,

  • 17Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.

  • 36Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.

  • Gal 4:30-31
    2 aayado
    73%

    30Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah.

    31Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.

  • 11Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.

  • Gal 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

    2¶ Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.

  • 39Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen.

  • 18in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

  • Room 9:4-5
    2 aayado
    71%

    4kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada,

    5kuwa awowayaasha leh, oo xagga jidhka Masiixu ka yimid iyaga, kan wax walba ka sarreeya oo ah Ilaah ammaanta leh weligiis. Aamiin.

  • Gal 4:22-23
    2 aayado
    71%

    22Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay.

    23Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay.

  • 18oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

  • 9Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

  • 22Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.

  • 4Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.

  • 7inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.

  • 1¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa inuu helay Ibraahim oo awowgeennii hore ahaa xagga jidhka?

  • 4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

  • 29Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena,

  • 5inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.

  • 14¶ In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah.

  • 30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,