Galatiya 5:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 18:10 : 10 Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,
  • 1 Sam 15:23 : 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid.
  • Fal 8:9-9 : 9 ¶ Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn. 10 Isagay dhammaantood, yar iyo weynba, wada dhegaysan jireen oo odhan jireen, Ninkanu waa xooggii Ilaah oo la odhan jiray Weyne. 11 Sababtii ay u dhegaysteenna waxay ahayd inuu wakhti dheer iyaga sixirkiisa kaga yaabiyey.
  • Fal 16:16-19 : 16 ¶ Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda. 17 Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada. 18 Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay. 19 ¶ Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,
  • 1 Kor 11:19 : 19 Waayo, dhexdiinna waa inay jiraan waxyaalo idinkala sooco in kuwa loo bogay ay idinka dhex muuqdaan.
  • Muj 21:8 : 8 Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.
  • 2 Kor 11:19 : 19 Waayo, idinku si farxadleh ayaad doqonnada ugu dulqaadataan idinkoo caqli leh.
  • Titus 3:10 : 10 Haddaad nin bidci ah mar iyo laba waanisid dabadeed ka leexo,
  • 2 But 2:1 : 1 ¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.
  • 1 Taar 10:13-14 : 13 Haddaba Saa'uul wuxuu u dhintay xadgudubkiisii uu isagu Rabbiga ku xadgudbay, maxaa yeelay, isagu Eraygii Rabbiga ma uu dhawrin, oo weliba isagu wuxuu talo weyddiistay mid ruuxaan lahayd, si uu iyada wax u weyddiisto, 14 oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.
  • 2 Taar 33:6 : 6 Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.
  • Yex 22:18 : 18 Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil wasakh bay ii noqdeen, oo kulligood waa naxaas iyo qasacad iyo bir iyo laxaamad foornada ku dhex jira, oo xataa waa wasakhda lacagta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Gal 5:21-22
    2 aayado
    79%

    21xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.

    22Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo,

  • 19Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo,

  • 22iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada.

  • Room 1:29-31
    3 aayado
    72%

    29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,

    30iyo kuwa wax xanta, iyo kuwa Ilaah neceb, iyo kuwa wax caaya, iyo kuwa kibirka badan, iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa, iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah,

    31iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn.

  • Kol 3:5-6
    2 aayado
    71%

    5¶ Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,

    6waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada.

  • 20Waayo, waxaan ka cabsanayaa in, kolkaan imaado, aan idinka waayo sidaan doonayo inaad ahaataan, idinna aad iga weydaan sidaad doonaysaan inaan ahaado, waaba intaasoo ay jiraan dirir, iyo masayr, iyo xanaaq, iyo iskala qaybqaybin, iyo cay, iyo xan, iyo qabweynaan, iyo rabshooyin;

  • Ef 5:5-7
    3 aayado
    70%

    5Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah.

    6Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.

    7Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur,

  • Yac 3:14-16
    3 aayado
    70%

    14Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina.

    15Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada.

    16Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh.

  • 3Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.

  • Gal 5:15-17
    3 aayado
    69%

    15Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.

    16¶ Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.

    17Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.

  • 26Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.

  • 10iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,

  • 2 Tim 3:2-5
    4 aayado
    68%

    2Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn,

    3iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,

    4iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen.

    5Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.

  • 68%

    10Ulama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma, iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan.

    11Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaahdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco, ama sanam caabudo, ama wax caayo, ama sakhraamo, ama wax dulmo. Waa inaydnaan kaasoo kale xataa wax la cunin.

  • 1 But 4:3-4
    2 aayado
    68%

    3Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah.

    4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • 20Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadqeeyaan, waxay u sadqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan.

  • 19Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.

  • 31Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba;

  • 3Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?

  • 67%

    3Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,

  • 14¶ Sidaa daraaddeed, gacaliyayaalow, sanamcaabudidda ka carara.

  • 19Waayo, dhexdiinna waa inay jiraan waxyaalo idinkala sooco in kuwa loo bogay ay idinka dhex muuqdaan.

  • 5Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra?

  • 20laakiin inaynu u qorno iyagii inay ka fogaadaan wasakhnimada sanamyada, iyo sinada, iyo waxa la ceejiyo, iyo dhiigga.

  • 17¶ Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.

  • 13Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso.

  • 10Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,

  • 1¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,

  • 15Runtii waxaa jira qaar Masiixa ku naadiya xaasidnimo iyo dirir, qaarna waxay ku naadiyaan niyo wanaagsan.

  • 19Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.

  • 8Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa.

  • 8laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,

  • 11Waa u hoog iyaga, waayo, waxay raaceen jidkii Qaabiil, oo faa'iido aawadeed ayay Balcaam qaladkiisii ugu yaaceen, oo waxay ku halligmeen fallaagadii Qorax.

  • 15Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.

  • 4kaasu waa kibirsan yahay, oo waxba garan maayo. Wuxuuna u jeellan yahay su'aalo iyo hadal-iskuqabasho, waxaana ka yimaada hinaaso iyo dirir iyo cay iyo tuhun xun,