Bilowgii 1:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 8:17 : 17 Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.
  • Bil 9:1 : 1 ¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.
  • Bil 1:28 : 28 Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.
  • Ayuub 42:12 : 12 Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood.
  • Sab 107:38 : 38 Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan, Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.
  • Ayuub 40:15 : 15 Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
  • Sab 107:31 : 31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
  • Bil 30:27 : 27 Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.
  • Bil 30:30 : 30 Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?
  • Bil 35:11 : 11 Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;
  • Laaw 26:9 : 9 Oo anigu waan idiin soo jeesan doonaa, waanan idin badin doonaa oo idin tarmin doonaa, oo axdigaygii aan idinla dhigtayna waan sii adkayn doonaa.
  • Sab 128:3 : 3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
  • Sab 144:13-14 : 13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah, Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga, 14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan, Markaan la arag weerarid iyo qaxid, Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
  • Maah 10:22 : 22 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 1:23-31
    9 aayado
    89%

    23Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad.

    24¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay.

    25Ilaahna wuxuu sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    26Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan.

    27Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.

    28Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.

    29Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;

    30oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay.

    31Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad.

  • Bil 1:17-21
    5 aayado
    87%

    17Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan,

    18oo ay u xukumaan maalinta iyo habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    19Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii afraad.

    20¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd.

    21Oo Ilaah wuxuu abuuray nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa, ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala, iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

  • Bil 9:1-2
    2 aayado
    86%

    1¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

    2Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.

  • 17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

  • Bil 9:7-8
    2 aayado
    79%

    7Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa.

    8¶ Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,

  • Bil 1:6-12
    7 aayado
    76%

    6Ilaahna wuxuu yidhi, Meel bannaani ha noqoto biyaha dhexdooda, oo iyadu biyaha ha ka soocdo biyaha.

    7Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka sarreeyey; sidaasayna ahaatay.

    8Ilaahna bannaankii wuxuu u bixiyey Samo. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii labaad.

    9¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay.

    10Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    11Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna ahaatay.

    12Dhulkiina wuxuu soo bixiyey doog, iyo geedo yaryar oo leh iniino caynkooda ah, iyo geedo waaweyn oo midho dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, iyagoo caynkooda ah, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

  • Bil 1:14-15
    2 aayado
    76%

    14¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado;

    15oo iftiimmo ha u noqdeen meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay.

  • 19Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday.

  • 3haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.

  • 14iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

  • 2wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.

  • 10Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

  • 8Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.

  • 10iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.

  • Bil 6:19-20
    2 aayado
    72%

    19Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.

    20Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.

  • Bil 1:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.

    2Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha.

    3Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday.

  • 19Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

  • 3Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,

  • 15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

  • 17ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,

  • 14isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa.

  • 7Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.

  • 4¶ Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.