Bilowgii 15:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuu u kaxeeyey kuwaas oo dhan, oo badhtankuu ka kala wada gooyay, oo badh kastaba kan kaluu hor dhigay: laakiinse shimbirrihii ma uu kala gooyn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 1:17 : 17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Yer 34:18-19 : 18 Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen, 19 kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,
  • 2 Tim 2:15 : 15 Ku dadaal inaad nafsaddaada loo bogay Ilaah siisid, adigoo ah shaqeeye aan dadka ka xishoonin, oo hadalka runta ah si hagaagsan u wada.
  • Bil 15:17 : 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Haad baana hilibkii ku soo degtay, laakiinse Aabraam baa ka eryay.

  • 9Oo wuxuu ku yidhi, Ii kaxee qaalin lo' ah oo saddex jir ah, iyo ceesaan saddex jir ah, iyo wan saddex jir ah, iyo qoolley, iyo xamaam yar.

  • Laaw 1:14-17
    4 aayado
    73%

    14¶ Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar.

    15Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda.

    16Oo waa inuu ka soo bixiyaa gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo ah meeshii dambaska.

    17Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 17Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii.

  • Bil 21:27-29
    3 aayado
    69%

    27Markaasaa Ibraahim ido iyo dibiyo kaxeeyey, oo wuxuu siiyey Abimeleg; labadoodiina axdi bay dhigteen.

    28Kolkaasaa Ibraahim idihii gooni ahaan uga bixiyey toddoba sabeenood.

    29Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Micnehoodu waa maxay toddobadan sabeenood oo aad gooni ahaantooda u bixisay?

  • 24Waxba qaadan maayo wixii ay ragga dhallinyarada ahu cuneen mooyaane, iyo qaybtii raggii i raacay. Caaneer iyo Eshkol, iyo Mamre ha qaateen qaybtooda.

  • 12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

  • 27oo boolida laba meelood u kala qaybi, oo kala sii ragga dagaalyahanka ah ee dagaalka u baxay, iyo intii kale ee shirka oo dhan;

  • 16Markaasuu xoolihii u dhiibay gacantii addoommadiisa, iyadoo goosan waluba goonidiisa yahay; oo wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Iga sii hor gudba, xoolahana goosan waluba goosanka kale cabbaar ha ka dambeeyo.

  • Bil 18:7-8
    2 aayado
    67%

    7Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey.

    8Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.

  • 20Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii,

  • 6Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.

  • 20Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.

  • 15Oo habeennimo ayuu raggiisii u kala qaybiyey, isaga iyo addoommadiisiiba, oo waxay laayeen colkii, oo ay raacdaysteen ilaa Xoobah, oo Dimishaq xagga bidixda ka ah.

  • 15oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi.

  • 10Ibraahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo.

  • 8Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin.

  • 17Oo markaas waa inaad wanka kala googooysaa, oo waxaad maydhaa uurkujirtiisa iyo lugihiisa, oo meel la dhig googo'iisa iyo madaxiisaba.

  • 50Oo shimbirraha middood waa inuu ku dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.

  • 6Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.

  • 6Ibraahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen.

  • 26Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono.

  • 22iyo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo.

  • 9Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.

  • 12oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka.

  • 16Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.

  • 5Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.

  • 15Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo, oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe.

  • 5Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq.

  • 25Markaasuu soo qaaday baruurtii, iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig.

  • 6Sidaas daraaddeed dhulkii way qaybsadeen inay soo wada dhex maraan; Axaab keligiis dhan buu u sahamiyey, Cobadyaahna dhankii kaluu keligiis u sahamiyey.

  • 15iyo cayn kasta oo tuke ah,

  • 46Oo waa in isku guri lagu cuno; oo waa inaadan hilibka waxba dibadda uga bixin; lafna waa inaydnaan ka jebin.