Bilowgii 19:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo waxay noqotay, markii Ilaah baabbi'iyey magaalooyinkii Bannaanka, in Ilaah xusuustay Ibraahim, Luudna roggidda wuu ka bixiyey markuu rogay magaalooyinkii Luud dhex degganaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 9:5 : 5 Oo xaqnimadiinna iyo qummanaanta qalbigiinna midna kuma aydaan hantiyin dalkooda, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas sharkoodii aawadiis ayuu idinka hor eryayaa, iyo in Rabbigu sii adkeeyo eraygii uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.
  • Bil 8:1 : 1 ¶ Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;
  • Bil 12:2 : 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;
  • Bil 18:23-33 : 23 Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala? 24 Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood? 25 Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin? 26 Markaasaa Rabbigu yidhi, Haddaan Sodom ka helo konton qof oo xaq ah oo magaalada jooga, de markaas meeshaa oo dhan waxaan ugu tudhi doonaa iyaga daraaddood. 27 Oo Ibraahimna wuu jawaabay oo yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo, anoo ciid iyo dambas ah. 28 Mindhaa kontonka xaqa ah shan baa ka dhiman; miyaad magaalada oo dhan u baabbi'in hadday shanu ka dhiman tahay? Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan meeshaas shan iyo afartan ka helo. 29 Kolkaasuu mar kale la hadlay, oo yidhi, Mindhaa waxaa halkaas laga heli afartan. Markaasuu yidhi, Afartanka aawadood ayaanan u baabbi'inayn. 30 Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, waan la hadlayaaye. Mindhaa waxaa halkaas laga heli soddon. Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan soddon halkaas ka helo. 31 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo: mindhaa waxaa halkaas laga heli labaatan. Markaasuu yidhi, Labaatanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn. 32 Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, oo weli waan la hadlayaaye, waase markan keliya. Mindhaa waxaa halkaas laga heli toban. Wuxuuna yidhi, Tobanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn. 33 Rabbiguna wuu iska tegey markuu Ibraahim la dhammeeyey hadalkii, Ibraahimna meeshiisii buu ku noqday.
  • Bil 30:22 : 22 Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.
  • Nex 13:14 : 14 Ilaahayow, haddaba bal taas daraaddeed ii xusuuso, oo ha tirtirin falimahaygii wanaagsanaa oo aan u qabtay gurigaaga iyo waxyaalihii la dhawri lahaa.
  • Nex 13:22 : 22 Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.
  • Sab 25:7 : 7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
  • Sab 105:8 : 8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
  • Sab 105:42 : 42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
  • Sab 106:4 : 4 Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,
  • Sab 136:23 : 23 Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
  • Sab 145:20 : 20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
  • Yex 36:31-32 : 31 Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan. 32 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.
  • Hos 11:8 : 8 Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa.
  • 2 But 2:7 : 7 oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 19:21-28
    8 aayado
    84%

    21Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal eeg, waxanna waan kaa aqbalay inaanan rogi doonin magaaladii aad ka hadashay.

    22Dhaqso, oo halkaas u baxso; waayo, waxba ma aan samayn karo ilaa aad halkaas tagto. Sidaas daraaddeed magaalada magaceeda waxaa loo bixiyey Socar.

    23Markii Luud Socar yimid ayaa qorraxdu dhulka u soo baxday.

    24Markaasaa Rabbigu wuxuu Sodom iyo Gomora ku soo daayay baruud iyo dab ka yimid xagga Rabbiga oo samada ka soo daatay;

    25wuuna rogay magaalooyinkaas, iyo Bannaankii oo dhan, iyo dadkii degganaa magaalooyinkaas oo dhan, iyo wixii dhulka ka soo baxay oo dhan.

    26Laakiinse naagtiisii oo daba socotay ayaa dib u eegtay, waxayna noqotay tiir cusbo ah.

    27Ibraahimna aroortii hore ayuu u kacay meeshii uu Rabbiga hor istaagay:

    28oo wuxuu eegay xagga Sodom iyo Gomora, iyo dhulkii Bannaanka oo dhan, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, qiiqii dhulka ayaa kor u baxay sidii qiiqa foornada oo kale.

  • 29Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.

  • Bil 19:12-19
    8 aayado
    82%

    12Oo nimankii waxay Luud ku yidhaahdeen, Intan mooyaane wax kale ma ku leedahay meeshan? Wiil aad soddog u tahay iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo ku alla kaad magaalada ku leedahay kala soo bax meeshan;

    13waayo, meeshan waannu baabbi'in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi'inno.

    14Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi'in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya.

    15Oo markii waagii beryay ayaa malaa'igihii Luud deddejiyeen, iyagoo leh, Kac, oo la tag naagtaada iyo labadaada gabdhood oo halkan jooga; waaba intaasoo aad dembiga magaalada ku baabba'daane.

    16Laakiin markuu raagay ayay nimankii gacantiisa qabteen, iyo gacantii naagtiisa, iyo gacantii labadiisii gabdhood; Rabbiguna waa u naxariistay isaga, iyana way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen magaaladii dibaddeeda.

    17Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye.

    18Luudna wuxuu ku yidhi iyagii, Sayidkaygiiyow, saas yaanay noqon.

    19Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa.

  • 30¶ Luudna Socar wuu ka baxay, oo buurtuu degay, isaga iyo labadiisii gabdhood ee la joogayba; waayo, wuu ka cabsaday inuu Socar degganaado, wuxuuna degay bohol dhexdeed, isaga iyo labadiisii gabdhood.

  • Bil 13:10-12
    3 aayado
    77%

    10Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.

    11Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.

    12Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.

  • 1¶ Oo labadii malaa'igood baa Sodom fiidkii yimid; Luudna wuxuu fadhiyey iridda Sodom. Oo markuu Luud iyagii arkay ayuu u kacay inuu ka hor tago; wuuna sujuuday oo wejigiisuu dhulka saaray;

  • 2 But 2:6-7
    2 aayado
    76%

    6Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,

    7oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd.

  • 12Oo waxaa kaloo ay la tageen Luud, oo ahaa wiilkii Aabraam walaalkiis, oo Sodom degganaa, iyo alaabtiisii oo dhan, wayna iska tageen.

  • 20Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.

  • Bil 18:22-24
    3 aayado
    74%

    22Oo nimankii halkaasay ka noqdeen oo waxay tageen xagga Sodom: laakiinse Ibraahim weli wuxuu hor taagnaa Rabbiga.

    23Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala?

    24Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood?

  • 6Oo Luudna dibadduu ugu baxay iyagoo albaabka jooga, albaabkiina wuu xidhay.

  • 23iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa,

  • 32Naagtii Luud xusuusta.

  • 26Markaasaa Rabbigu yidhi, Haddaan Sodom ka helo konton qof oo xaq ah oo magaalada jooga, de markaas meeshaa oo dhan waxaan ugu tudhi doonaa iyaga daraaddood.

  • Bil 19:8-10
    3 aayado
    73%

    8Bal eega, waxaan leeyahay laba gabdhood oo aan weli nin u tegin; haddaba waan idin baryayaaye, aan idiin soo bixiyo iyaga, oo saad doontaan u gala, laakiin nimankan uun waxba ha ku samaynina, maxaa yeelay, waxay soo hoos galeen dugsiga saqafkayga.

    9Waxayna yidhaahdeen, Dib u joogso. Oo waxay kaloo yidhaahdeen, Ninkanu socdaal buu ku yimid, oo wuxuu doonayaa inuu xaakin noqdo. Haatan wax daran baannu kugu samayn, intaannu iyaga ku samayn lahayn in ka sii daran. Markaasay si xun ninkii Luud ahaa u riixeen. Waxayna ugu soo dhowaadeen inay albaabka jebiyaan.

    10Laakiinse nimankii baa gacmahoodii soo bixiyey, oo Luud bay gurigii soo gashadeen, markaasay albaabkii xidheen.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;

  • 10Haddaba Dooxo Siddiim waxaa ka buuxay boholo waaweyn oo dhoobo ah; oo boqorradii Gomora iyo Sodom way carareen, oo halkaasay ku dhaceen, intii kalena waxay u carareen xagga buurta.