Bilowgii 19:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Luudna Socar wuu ka baxay, oo buurtuu degay, isaga iyo labadiisii gabdhood ee la joogayba; waayo, wuu ka cabsaday inuu Socar degganaado, wuxuuna degay bohol dhexdeed, isaga iyo labadiisii gabdhood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 19:19 : 19 Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa.
  • Bil 49:4 : 4 Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid, Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa; Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii.
  • Sharc 34:3 : 3 iyo xagga koonfureed, iyo bannaanka dooxada Yerixoo oo ah magaalada geedaha timireed, iyo tan iyo Socar.
  • Ish 15:5 : 5 Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.
  • Yer 2:36-37 : 36 Maxaad u warwareegtaa si aad jidadkaaga u beddesho? Ceeb baa dalka Masar kaaga iman doonta siday dalka Ashuur kaaga timid oo kale. 37 Oo weliba isagana waad ka soo bixi doontaa, adigoo gacmahu madaxa kuu saaran yihiin, waayo, Rabbigu waa diiday kuwa aad ku kalsoon tahay oo dhan, oo iyaga innaba ku dhex liibaani maysid.
  • Yer 48:34 : 34 Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.
  • Yac 1:8 : 8 Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.
  • Bil 13:10 : 10 Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
  • Bil 14:22 : 22 Laakiin Aabraam wuxuu boqorkii Sodom ku yidhi, Gacantaydaan kor u taagay oo waxaan ku dhaartay Rabbiga, kan ah Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulka,
  • Bil 19:17 : 17 Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 19:31-37
    7 aayado
    80%

    31Oo tii curadda ahayd waxay tii yarayd ku tidhi, Aabbeheen waa duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan tahay.

    32Kaalay, aynu aabbeheen khamri cabsiinnee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aynu aabbeheen farcan ugala hadhno.

    33Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona.

    34Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee.

    35Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona.

    36Oo sidaasay Luud labadiisii gabdhoodba aabbahood uurka ugu lahaayeen.

    37Oo tii curaddii ahayd waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Moo'aab, isna waa reer Moo'aabka maanta joogo aabbahood.

  • Bil 19:12-19
    8 aayado
    79%

    12Oo nimankii waxay Luud ku yidhaahdeen, Intan mooyaane wax kale ma ku leedahay meeshan? Wiil aad soddog u tahay iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo ku alla kaad magaalada ku leedahay kala soo bax meeshan;

    13waayo, meeshan waannu baabbi'in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi'inno.

    14Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi'in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya.

    15Oo markii waagii beryay ayaa malaa'igihii Luud deddejiyeen, iyagoo leh, Kac, oo la tag naagtaada iyo labadaada gabdhood oo halkan jooga; waaba intaasoo aad dembiga magaalada ku baabba'daane.

    16Laakiin markuu raagay ayay nimankii gacantiisa qabteen, iyo gacantii naagtiisa, iyo gacantii labadiisii gabdhood; Rabbiguna waa u naxariistay isaga, iyana way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen magaaladii dibaddeeda.

    17Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye.

    18Luudna wuxuu ku yidhi iyagii, Sayidkaygiiyow, saas yaanay noqon.

    19Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa.

  • Bil 19:6-10
    5 aayado
    78%

    6Oo Luudna dibadduu ugu baxay iyagoo albaabka jooga, albaabkiina wuu xidhay.

    7Oo wuxuu yidhi, Waan idin baryayaaye, walaalahayow, ee wax sidaas u xun ha samaynina.

    8Bal eega, waxaan leeyahay laba gabdhood oo aan weli nin u tegin; haddaba waan idin baryayaaye, aan idiin soo bixiyo iyaga, oo saad doontaan u gala, laakiin nimankan uun waxba ha ku samaynina, maxaa yeelay, waxay soo hoos galeen dugsiga saqafkayga.

    9Waxayna yidhaahdeen, Dib u joogso. Oo waxay kaloo yidhaahdeen, Ninkanu socdaal buu ku yimid, oo wuxuu doonayaa inuu xaakin noqdo. Haatan wax daran baannu kugu samayn, intaannu iyaga ku samayn lahayn in ka sii daran. Markaasay si xun ninkii Luud ahaa u riixeen. Waxayna ugu soo dhowaadeen inay albaabka jebiyaan.

    10Laakiinse nimankii baa gacmahoodii soo bixiyey, oo Luud bay gurigii soo gashadeen, markaasay albaabkii xidheen.

  • Bil 19:28-29
    2 aayado
    77%

    28oo wuxuu eegay xagga Sodom iyo Gomora, iyo dhulkii Bannaanka oo dhan, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, qiiqii dhulka ayaa kor u baxay sidii qiiqa foornada oo kale.

    29¶ Oo waxay noqotay, markii Ilaah baabbi'iyey magaalooyinkii Bannaanka, in Ilaah xusuustay Ibraahim, Luudna roggidda wuu ka bixiyey markuu rogay magaalooyinkii Luud dhex degganaa.

  • Bil 13:10-12
    3 aayado
    74%

    10Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.

    11Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.

    12Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.

  • Bil 19:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo labadii malaa'igood baa Sodom fiidkii yimid; Luudna wuxuu fadhiyey iridda Sodom. Oo markuu Luud iyagii arkay ayuu u kacay inuu ka hor tago; wuuna sujuuday oo wejigiisuu dhulka saaray;

    2oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, sayidyadaydiiyow, soo leexda, waan idin baryayaaye, oo gala guriga addoonkiinna, oo caawa oo dhan jooga, oo cagamaydha. Aroortii baanad kici doontaan oo iska tegi doontaane. Oo waxay ku yidhaahdeen, Maya; laakiin jidkaannu joogaynaa caawa oo dhan.

  • Bil 19:22-23
    2 aayado
    71%

    22Dhaqso, oo halkaas u baxso; waayo, waxba ma aan samayn karo ilaa aad halkaas tagto. Sidaas daraaddeed magaalada magaceeda waxaa loo bixiyey Socar.

    23Markii Luud Socar yimid ayaa qorraxdu dhulka u soo baxday.

  • 5Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.

  • 1¶ Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luudna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed.

  • 26Laakiinse naagtiisii oo daba socotay ayaa dib u eegtay, waxayna noqotay tiir cusbo ah.

  • 29Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.

  • 12Oo waxaa kaloo ay la tageen Luud, oo ahaa wiilkii Aabraam walaalkiis, oo Sodom degganaa, iyo alaabtiisii oo dhan, wayna iska tageen.