Bilowgii 2:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ceedenna webi baa ka baxay inuu beerta waraabiyo; halkaasuuna ku kala qaybsamay, wuxuuna noqday afar madax.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 46:4 : 4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
  • Muj 22:1 : 1 ¶ Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 2:11-16
    6 aayado
    82%

    11Kan kowaad magiciisu wuxuu ahaa Fiishoon: kaasu waa kan ku wareegsan dhulka Xawiilaah oo dhan, meeshaas oo dahab leh;

    12oo dahabka dhulkaasu waa wanaagsan yahay: oo meeshaasuna waxay leedahay beduliyum iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo.

    13Webiga labaad magiciisuna waa Giixoon: kaasuna waa kan ku wareegsan dhulka Kuush oo dhan.

    14Webiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel: kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad.

    15Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.

    16Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:

  • Bil 2:8-9
    2 aayado
    78%

    8Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.

    9Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

  • Bil 2:4-6
    3 aayado
    74%

    4¶ Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.

    5Dhirta duurkuna weli kuma ay oollin dhulka, geedaha yaryar oo duurkuna weli sooma ay bixin: waayo, Rabbiga Ilaah ahu dhulka roob kuma soo dayn, nin dhulka beeraana ma jirin;

    6laakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan.

  • Bil 3:22-24
    3 aayado
    72%

    22¶ Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa:

    23sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday.

    24Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.

  • 4Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan.

  • 15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

  • Yex 47:7-8
    2 aayado
    69%

    7Haddaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal.

    8Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.

  • 10Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,

  • 2ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;

  • Muj 22:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,

    2iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin.

  • Bil 1:9-11
    3 aayado
    68%

    9¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay.

    10Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    11Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna ahaatay.

  • 6Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin, Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal, Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray, Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.

  • 16Qaabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.

  • 11Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.

  • 16Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?

  • 15Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.

  • 16Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.

  • 7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

  • Bil 1:6-7
    2 aayado
    67%

    6Ilaahna wuxuu yidhi, Meel bannaani ha noqoto biyaha dhexdooda, oo iyadu biyaha ha ka soocdo biyaha.

    7Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka sarreeyey; sidaasayna ahaatay.

  • 6Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo.

  • 8Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda.

  • 4Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo labaatanaad, anoo taagan webiga weyn oo Xiddeqel ah agtiisa,

  • 10Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

  • 2Markaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay.

  • Bil 11:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.

    2Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.

  • 11Geedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa.

  • 4Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.

  • 7Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan.

  • 12Oo webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo.