Bilowgii 22:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 15:22 : 22 Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka.
  • Yac 2:21-22 : 21 Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey? 22 Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada.
  • Yac 2:18 : 18 ¶ Laakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa.
  • Bil 20:11 : 11 Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.
  • Bil 26:5 : 5 maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii.
  • Bil 42:18 : 18 Kolkaasaa maalintii saddexaad Yuusuf iyagii ku yidhi, Tan yeela, oo waad noolaan doontaan, waayo, anigu Ilaah baan ka cabsadaa.
  • Bax 20:20 : 20 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, Ilaah wuxuu u yimid inuu idin tijaabiyo, iyo in ka cabsashadiisu idinku jirto, si aydnaan u dembaabin.
  • 1 Sam 12:24-25 : 24 Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey. 25 Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.
  • Bil 22:2 : 2 Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono.
  • 1 Yoox 4:9-9 : 9 Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey. 10 Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo.
  • Muj 19:5 : 5 ¶ Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba.
  • Nex 5:15 : 15 Laakiinse taliyayaashii hore oo iga sii horreeyey dadka culays bay ku hayeen, oo waxay ka qaadan jireen cunto iyo khamri iyo weliba afartan sheqel oo lacag ah, oo xataa midiidinnadoodu dadka way xukumi jireen. Laakiinse anigu saas ma aan yeelin, maxaa yeelay, waxaan ka cabsadaa Ilaah.
  • Ayuub 5:19 : 19 Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.
  • Ayuub 28:28 : 28 Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
  • Sab 1:6 : 6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
  • Sab 2:11 : 11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
  • Sab 25:12 : 12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
  • Sab 25:14 : 14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
  • Sab 111:10-112:1 : 10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba. 1 Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
  • Sab 147:11 : 11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
  • Maah 1:7 : 7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
  • Wacd 8:12-13 : 12 In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan. 13 Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.
  • Wacd 12:13 : 13 ¶ Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.
  • Yer 19:5 : 5 Oo waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
  • Yer 32:40 : 40 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.
  • Miik 6:6-8 : 6 Bal maxaan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Oo sidee baan Ilaaha sare ugu hor sujuudaa? Ma qurbaanno la gubo baan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Ma weylo gu jira baan la imaadaa? 7 Rabbigu ma ku farxaa kumanyaal wanan, amase toban kun oo webi oo saliid ah? Xadgudubkayga aawadiis miyaan curadkayga u bixiyaa? Dembigii naftaydase ma midhaha jidhkaygaan u bixiyaa? 8 Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?
  • Mal 4:2 : 2 Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
  • Mat 5:16 : 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
  • Mat 10:37-38 : 37 Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo. 38 Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan i soo raacin, ima istaahilo.
  • Mat 16:24 : 24 ¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
  • Mat 19:29 : 29 Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.
  • Yoox 3:16 : 16 ¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Fal 9:31 : 31 ¶ Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
  • Room 5:8 : 8 Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.
  • Room 8:32 : 32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?
  • 1 Kor 10:13 : 13 Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.
  • 2 Kor 8:12 : 12 Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.
  • Cib 11:19 : 19 Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.
  • Cib 12:28 : 28 Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahadnaqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 22:5-11
    7 aayado
    84%

    5Ibraahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Idinku halkan dameerka la jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna waannu idinku soo noqonaynaa.

    6Ibraahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen.

    7Isxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa?

    8Ibraahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen.

    9Oo waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda.

    10Ibraahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo.

    11Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan.

  • Bil 22:13-16
    4 aayado
    83%

    13Markaasaa Ibraahim indhihiisii kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu dabadiisa ku arkay wan geesaha kayn kula jira. Markaasaa Ibraahim tegey oo wankii soo kaxeeyey, oo wuxuu u bixiyey allabari guban meeshii wiilkiisa.

    14Ibraahimna meeshaas wuxuu u bixiyey Yehowah Yireh; xataa ilaa maanta waxaa la yidhaahdaa, Buurta Rabbiga ayaa lagu arki doonaa.

    15Kolkaasaa mar labaad malaa'igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay,

    16oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

  • Bil 22:1-2
    2 aayado
    83%

    1¶ Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

    2Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono.

  • 17¶ Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha,

  • 6Ibraahimna wuxuu ku yidhi isagii, Iska jir oo wiilkayga meeshaas ha ku celin.

  • 12Ilaahna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Yaanay kula xumaan wiilka dartiis, iyo naagta addoonta ah toona. Wax alla wixii Saarah kugu tidhaahdo, hadalkeeda maqal; waayo, farcankaaga Isxaaq baa loogu yeedhi doonaa.

  • 6Oo Ilaah wuxuu ku yidhi isaga intuu riyoonayay, Haah, waan ogahay inaad waxan daacadnimada qalbigaaga ku samaysay, anna waan kaa celiyey inaad igu dembaabto: sidaas daraaddeed kuuma aan oggolaan inaad iyada taabato.

  • 13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

  • 11Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.

  • 23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.