Bilowgii 23:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaasaa berrinkii Cefroon, oo Makfelah ku yiil, oo Mamre ku hor yiil, berrinkii iyo godkii ku dhex yiil, iyo geedihii ku yiil berrinkii, iyo xuduudkii ku wareegsanaa oo dhanba waxaa lagu xaqiijiyey

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 50:13 : 13 maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.
  • Bil 25:9 : 9 Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre;
  • Bil 23:20 : 20 Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.
  • Fal 7:16 : 16 waxaana la geeyey Shekem oo la dhigay xabaashii Ibraahim qiimaha lacagta ah kaga iibsaday wiilashii Xamoor oo Shekem joogay.
  • Ef 5:15 : 15 ¶ Haddaba ka digtoonaada sidaad u socotaan, oo ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh.
  • Kol 4:5 : 5 Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.
  • Bil 49:29-32 : 29 ¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah. 31 Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas 32 oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed.
  • Ruud 4:7-9 : 7 Oo haddaba waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda caadadii ku saabsanayd kala iibsashada iyo kala beddelashada waxay ahayd in nin kabtiisa iska siibo oo uu deriskiisa u dhiibo in wax walba la sii adkeeyo aawadeed. Taasu waxay reer binu Israa'iil u ahayd sida loo markhaati furo. 8 Sidaas daraaddeed ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu Bocas ku yidhi, Adigu soo iibso. Markaasuu kabtiisii iska siibay. 9 Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi odayaashii iyo dadkii oo dhanba, Bal idinku maanta markhaatiyaal baad ka tihiin inaan Nimco gacanteeda ka iibsaday kulli wixii Eliimeleg lahaa oo dhan, iyo kulli wixii Kilyoon iyo Maxloon lahaayeen oo dhan. 10 Oo weliba Ruud tii reer Moo'aab oo ahayd naagtii Maxloonna waxaan u iibsaday inay naagtaydii ahaato ee aan kii dhintay magiciisii u soo celiyo dhulkii uu dhaxalka u lahaa, si uusan kii dhintay magiciisii uga go'in walaalihiis dhexdooda iyo iriddii meeshiisa; idinku markhaatiyaal baad ka tihiin.
  • Sab 112:5 : 5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
  • Yer 32:7-9 : 7 Bal eeg, waxaa kuu iman doona ina-adeerkaa Xanameel ina Shalluum, oo wuxuu kugu odhan doonaa, Beertayda Canaatood ku taal iga iibso, waayo, adigaa furashada xaq u leh inaad iga iibsatid. 8 Markaasaa ina-adeerkay Xanameel iigu yimid barxaddii xabsiga sidii erayga Rabbigu ahaa, oo wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye beertayda ku taal Canaatood oo dalka reer Benyaamiin ku dhex taal iga iibso, waayo, inaad dhaxasho adigaa xaq u leh, oo furashadeedana adigaa leh, haddaba soo iibso, oo markaasaan ogaaday in kaasu Eraygii Rabbiga yahay. 9 Markaasaan iibsaday ina-adeerkay Xanameel beertiisii Canaatood ku tiil, oo isagaan lacagtii u miisaamay taasoo ahayd toddoba iyo toban sheqel oo lacag ah. 10 Oo intaan warqaddii heshiiska qoray ayaan shaabadeeyey, oo markaasaan markhaatiyaal u yeedhay oo isagaan lacagtii kafado ugu miisaamay. 11 Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada. 12 Oo markaasaan warqaddii heshiiska waxiibsashada u dhiibay Baaruug ina Neeriiyaah oo ka sii ahaa ina Maseeyaah, iyadoo uu u jeedo ina-adeerkay Xanameel, oo waxaan ugu hor dhiibay markhaatiyaashii warqadda heshiiska saxeexay, iyo Yuhuuddii xabsiga barxaddiisa fadhiday oo dhan. 13 Oo waxaan Baaruug ku amray hortooda, oo ku idhi, 14 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Qaad warqadahan heshiiska waxiibsashada, midda shaabadaysan, iyo tan furanba, oo waxaad ku dhex riddaa jalxad dhooba ah, si ay wakhti dheer u sii raagaan.
  • Mat 10:16 : 16 ¶ Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 23:18-20
    3 aayado
    87%

    18reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhan hortooda, in Ibraahim hanti ahaan u lahaado.

    19Markaas ka dib ayaa Ibraahim naagtiisii Saarah ku aasay godkii berrinkii Makfelah oo ku hor yiil Mamre, taas oo ah Xebroon oo dalka Kancaan ku tiil.

    20Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.

  • Bil 49:29-32
    4 aayado
    82%

    29¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed,

    30kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah.

    31Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas

    32oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed.

  • Bil 23:3-16
    14 aayado
    81%

    3Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh,

    4Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso.

    5Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh,

    6Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.

    7Midkayana kaama lexejeclaysan doono qabrigiisa inaad ku aastid meydka naagtaada. Markaasaa Ibraahim sare kacay, oo uu u sujuuday dadkii waddanka lahaa, oo ahaa reer Xeed.

    8Wuuna la hadlay oo ku yidhi, Haddaad oggoshihiin inaan meydka naagtayda hortayda ka aaso, i maqla oo ii barya Cefroon ina Sohar,

    9inuu i siiyo godka la yidhaahdo Makfelah oo uu haysto, oo ku yaal berrinkiisa geestiisa. Qiimo dhan ha iga siiyo, inay dhexdiinna ii noqoto meel xabaaleed oo hanti ah.

    10Haddaba Cefroon wuxuu fadhiyey reer Xeed dhexdooda; oo Cefroon oo ahaa reer Xeed ayaa Ibraahim u jawaabay, iyadoo ay maqlayaan reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhammu, oo wuxuu ku yidhi,

    11Maya, sayidkaygiiyow, i maqal, berrinka waan ku siinayaa, godka ku dhex yaalna waan ku siinayaa; waxaan kugu siinayaa ragga reerkayga hortooda, ee meydka ku aaso.

    12Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka.

    13Markaasuu Cefroon la hadlay iyadoo ay dadkii waddanku maqlayaan, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, haddaad oggoshahay i maqal; waan ku siin qiimihii berrinka ee iga qaado, anna meydkaan meeshaas ku aasan.

    14Cefroonna Ibraahim buu u jawaabay, isagoo ku leh,

    15Sayidkaygiiyow, bal i maqal: meel dhul ah oo qiimihiisu yahay afar boqol oo sheqel oo lacag ah, waa maxay dhexdeenna? Haddaba meydka aaso.

    16Ibraahimna Cefroon buu maqlay; markaasaa Ibraahim u miisaamay Cefroon lacagtii uu u sheegay, iyadoo ay reer Xeed maqlayaan, oo waxay ahayd, afar boqol oo sheqel oo lacag ah, oo lacagtii baayacmushtarka ku socotay ah.

  • Bil 25:9-10
    2 aayado
    75%

    9Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre;

    10berrinkaas oo ahaa kii Ibraahim ka iibsaday reer Xeed. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo naagtiisii Saarahba.

  • 13maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.

  • 16waxaana la geeyey Shekem oo la dhigay xabaashii Ibraahim qiimaha lacagta ah kaga iibsaday wiilashii Xamoor oo Shekem joogay.

  • 24Waxba qaadan maayo wixii ay ragga dhallinyarada ahu cuneen mooyaane, iyo qaybtii raggii i raacay. Caaneer iyo Eshkol, iyo Mamre ha qaateen qaybtooda.

  • 19Jagadii uu teendhadiisii ka dhistayna wuxuu ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis, oo wuxuu siistay boqol xabbadood oo lacag ah.

  • Bil 13:17-18
    2 aayado
    70%

    17Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.

    18Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.

  • 15Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.

  • 22Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,

  • 30Markaasuu yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii noqoto inaan anigu ceelkan qoday.

  • 23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

  • 17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.

  • 6Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen.

  • 18Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:

  • 27Markaasaa Ibraahim ido iyo dibiyo kaxeeyey, oo wuxuu siiyey Abimeleg; labadoodiina axdi bay dhigteen.

  • 5Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq.