Bilowgii 25:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Carruurtiina uurkeeday isku dhex riixriixeen; markaasay tidhi, Hadday saas tahay, maxaan sidan u ahay? Kolkaasay u tagtay inay Rabbiga wax weyddiiso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 9:9 : 9 (Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.)
  • 1 Sam 10:22 : 22 Sidaas daraaddeed Rabbiga wax kalay sii weyddiiyeen, Weli ma waxaa jira nin kaloo halkan imanaya? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Bal eega, alaabta dhexdeeda ayuu ku dhuuntaye.
  • 1 Sam 22:15 : 15 Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.
  • 1 Sam 28:6 : 6 Oo Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.
  • 1 Sam 30:8 : 8 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.
  • Yex 20:31 : 31 Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan.
  • Yex 36:37 : 37 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 25:23-24
    2 aayado
    81%

    23Rabbiguna wuxuu ku yidhi iyada, Laba quruumood baa maxalkaaga ku jirta, Oo laba dad oo kala duwan ayaa uurkaaga ka soo bixi doona; Oo labada dad midkood baa ka xoog badnaan doona dadka kale; Kan weynuna wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

    24Oo markii wakhtigii ay umuli lahayd dhammaaday, bal eeg, waxaa maxalkeedii ku jiray mataano.

  • 21Isxaaqna naagtiisuu Rabbiga u baryay, maxaa yeelay, madhalays bay ahayd, Rabbiguna waa ka aqbalay, markaasay naagtiisii Rebeqah uuraysatay.

  • 27Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda.

  • Bil 30:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Raaxeelna markay aragtay inaanay Yacquub carruur u dhalin, ayay walaasheed ka masayrtay; oo waxay Yacquub ku tidhi, Carruur i sii, haddii kalese waan dhiman.

    2Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?

    3Markaasay tidhi, Bal eeg addoontayda Bilhah, u tag iyada, inay jilbahayga ku dul dhasho, oo aan anna carruur ku helo iyada.

  • 10Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq.

  • 35Kuwaasuna Isxaaq iyo Rebeqah ayay caloolxumo geliyeen.

  • 2Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.

  • 27Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,

  • Bil 29:31-32
    2 aayado
    71%

    31¶ Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays.

    32Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa.

  • 12waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

  • 46¶ Rebeqahna waxay Isxaaq ku tidhi, Naftaydu waa rafaadsan tahay gabdhaha reer Xeed dartood. Haddii Yacquub naag ka guursado gabdhaha reer Xeed oo kuwan oo kale ah, kuwaas oo ah gabdhaha waddanka, noloshaydu maxay igu taraysaa?

  • Bil 30:22-23
    2 aayado
    70%

    22Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.

    23Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.

  • 51Bal eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.

  • 13Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay?

  • 7Oo waxay tidhi, Yaa Ibraahim ku odhan lahaa, Saarah carruur bay nuujin doontaa? Waayo, wiil baan u dhalay isaga oo da' weyn.

  • 26Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, gacantiisuna waxay ku dhegganayd cedhibta Ceesaw; magiciisiina waxaa loo bixiyey Yacquub; Isxaaqna lixdan sannadood buu jiray markay iyaga dhashay.

  • 19¶ Kuwanuna waa farcankii Isxaaq ina Ibraahim. Ibraahim Isxaaq buu dhalay:

  • 34Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.

  • 57Markaasay yidhaahdeen, Gabadha waannu u yeedhi doonnaa oo weyddiin doonnaa.

  • 27Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.

  • 12Ilaahna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Yaanay kula xumaan wiilka dartiis, iyo naagta addoonta ah toona. Wax alla wixii Saarah kugu tidhaahdo, hadalkeeda maqal; waayo, farcankaaga Isxaaq baa loogu yeedhi doonaa.

  • 17Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatan waxaad dhalaysaa wiil kale.

  • 3Yacquub markuu uurka ku jiray walaalkiis buu cedhibta ku dhegay, oo markuu nin noqdayna Ilaah buu la dagaallamay.

  • 13Oo waxay magicii Rabbigii la hadlay iyada u bixisay, Waxaad tahay Ilaaha wax arka, waayo, waxay tidhi, Weliba miyaan halkan ka arkay kan i arka?

  • 15Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis.

  • 45Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.

  • 17Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.

  • 2Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.

  • 14Markaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal?

  • 34¶ Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.