Bilowgii 28:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yacquubna nidar buu nidray, oo wuxuu yidhi, Haddii Ilaah ila jiro, oo uu jidkan aan socdo igu dhawro, oo uu i siiyo wax aan cuno, iyo dhar aan xidho,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 15:8 : 8 Waayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa.
  • Bil 31:13 : 13 Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.
  • 1 Tim 6:8 : 8 Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.
  • Bil 28:15 : 15 Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay.
  • Laaw 27:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa. 3 Oo inta labka ah oo jirta labaatan sannadood iyo ilaa lixdan sannadood qiimayntooda aad qiimayso waa inay ahaataa konton sheqel oo lacag ah oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 4 Oo qofku hadduu dhaddig yahayna markaas qiimayntaadu ha ahaato soddon sheqel. 5 Oo qofku hadduu shan sannadood jiro iyo ilaa labaatan sannadood, markaas kii lab waxaad ku qiimaysaa labaatan sheqel, oo tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel. 6 Oo haddii qofku jiro bil iyo ilaa shan sannadood, markaas qofkii lab waxaad ku qiimaysaa shan sheqel oo lacag ah, tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa saddex sheqel oo lacag ah. 7 Oo haddii qofku lixdan jir yahay amase ka sii weyn yahay, hadduu lab yahay waxaad ku qiimaysaa shan iyo toban sheqel, hadduu dhaddig yahayna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel. 8 Laakiinse qofku hadduu ka miskiinsan yahay intaad ku qiimaysay, markaas waa in la soo taagaa wadaadka hortiisa, oo wadaadku waa inuu qiimeeyaa, oo qofkii nidarka galay intuu awoodo waa in wadaadku ku qiimeeyaa. 9 ¶ Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan. 10 Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan. 11 Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa, 12 oo wadaadku ha qiimeeyo, hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo adiga wadaadka ahu intii aad ku qiimayso waa inay ahaataa. 13 Laakiinse isagu hadduu doonayo inuu furto, waa inuu ku sii daraa intii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed. 14 ¶ Oo haddii qof doonayo inuu gurigiisa quduus uga dhigo Rabbiga, markaas wadaadku waa inuu qiimeeyaa hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo sidii wadaadku ku qiimeeyo ha ahaato. 15 Oo kii quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan doona. 16 ¶ Oo haddii nin doonayo inuu Rabbiga quduus uga dhigo qaar ka mid ah beertuu leeyahay, markaas waxaad ku qiimaysaa inta abuurkeedu dhan yahay; xomeer muggiis oo shaciir abuur ah waa in lagu qiimeeyaa konton sheqel oo lacag ah. 17 Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato. 18 Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa. 19 Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa. 20 Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan, 21 laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka. 22 Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah, 23 markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah. 24 Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh. 25 Oo waxa aad wax ku qiimayso oo dhammu waa inay waafaqsanaadaan sheqelka meesha quduuska ah, oo sheqelku waa inuu ahaadaa labaatan geeraah. 26 ¶ Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga. 27 Oo hadduu yahay neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso. 28 ¶ Habase yeeshee wixii gooni loo sooco, oo qof waxyaalihiisa oo dhan Rabbiga uga sooco, hadday waxaasu yihiin qof, ama neef, ama beerta hantidiisa ah, waa inaan innaba la iibin ama la furan, waayo, wax kasta oo gooni loo sooco waa wax Rabbiga ugu wada quduusan. 29 Oo qof alla qofkii gooni loo sooco oo dadka laga sooco oo dhan waa inaan innaba la soo furan, laakiinse hubaal waa in la dilaa. 30 ¶ Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah. 31 Oo haddii qof doonayo inuu wax meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood. 32 Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa. 33 Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan ee aan la soo furan. 34 ¶ Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.
  • Tir 6:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu galo nidar khaas ah, kaasoo ah nidarka Nadiirka, inuu Rabbiga gooni isugu sooco, 3 waa inuu ka fogaadaa khamri iyo wax lagu sakhraamoba. Waa inuusan cabbin khamri khalkiis ama wax lagu sakhraamo khalkood, oo waa inuusan cabbin dheecaanka canabka, uusanna cunin canab cusub ama sabiib toona. 4 Maalmaha isa-soociddiisa oo dhan waa inuusan cunin innaba wax laga sameeyey canab tan iyo inta hoose iyo diirka sare. 5 Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa. 6 Oo maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan. 7 Oo waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis ama hooyadiis ama walaalkiis ama walaashiis markay dhintaan; waayo, waxaa isaga saaran soociddii uu Ilaah isu soocay. 8 Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga. 9 Oo haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa. 10 Oo maalinta siddeedaad waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka. 11 Oo markaas wadaadku waa inuu mid u bixiyaa qurbaan dembi, midka kalena qurbaan la gubo, oo waa inuu isaga u kafaaro gudaa, waayo, wuu ku dembaabay meyd, oo isla maalintaas waa inuu madaxiisa quduus ka dhigaa. 12 Oo waa inuu Rabbiga gooni isugu soocaa maalmaha isa-soociddiisa oo dhan, oo waa inuu qurbaan xadgudub u keenaa wan gu jir ah, laakiinse waa inaan maalmihii hore loo tirin, maxaa yeelay, isa-soociddiisii way nijaasowday. 13 ¶ Oo kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka, 14 oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa, 15 iyo dambiil ah kibis aan khamiir lahayn taasoo ah moofo ah bur saliid lagu daray iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah. 16 Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo. 17 Oo waa inuu Rabbiga allabari ah qurbaanno nabaadiino ugu bixiyaa wanka iyo dambiisha kibista aan khamiirka lahayn. Oo weliba wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah. 18 Oo Nadiirku waa inuu madaxii isa-soociddiisa ku xiiraa iridda teendhada shirka agteeda oo markaas waa inuu qaadaa timihii madaxii isa-soociddiisa, oo waa inuu ku shubaa dabka ka hooseeya allabariga qurbaannada nabaadiinada ah. 19 Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa wanka garabkiisa karsan, oo dambiishana ha ka soo bixiyo xabbad moofo ah oo aan khamiir lahayn iyo xabbad canjeero ah oo aan khamiir lahayn, oo iyaga ha saaro gacanta Nadiirka markuu madaxii isa-soociddiisa xiiro dabadeed. 20 Oo wadaadku waa inuu ruxruxaa iyaga inay ahaadaan qurbaan lagu ruxruxo Rabbiga hortiisa. Intaasu waa u quduus wadaadka oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaadona way raacaan, oo markaas dabadeed Nadiirku khamri wuu cabbi karaa.
  • Tir 21:2-3 : 2 Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga nidar u nidreen oo waxay yidhaahdeen, Hubaal haddaad dadkan gacantayada soo gelisid markaas magaalooyinkooda oo dhan waannu wada baabbi'inaynaa. 3 Oo Rabbigu wuu dhegaystay codkii reer binu Israa'iil, oo gacantooda buu soo geliyey reer Kancaan, oo iyana iyagii iyo magaalooyinkoodiiba way wada baabbi'iyeen, oo meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Xormaah.
  • Xaak 11:30-31 : 30 Markaasaa Yeftaah wuxuu Rabbiga u nidray nidar, oo wuxuu yidhi, Hubaal haddaad reer Cammoon gacantayda soo geliso, 31 markaasaa wax alla wixii irdaha gurigayga ka soo baxo inuu ila kulmo markaan reer Cammoon nabad kaga soo noqdo, waxaa lahaan doona Rabbiga, oo waxaan u bixin doonaa allabari la gubo.
  • 1 Sam 1:11 : 11 Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.
  • 1 Sam 1:28 : 28 sidaas daraaddeed waxaan isaga siiyey Rabbiga, oo intuu nool yahay oo dhan waxaa leh oo la siiyey Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday.
  • 1 Sam 14:24 : 24 ¶ Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.
  • Nex 9:1-9 : 1 ¶ Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay. 2 Markaasaa farcankii reer binu Israa'iil waxay iska sooceen dad qalaad oo dhan, oo intay istaageen ayay qirteen dembiyadoodii iyo xumaatooyinkii awowayaashood. 3 Kolkaasay meeshoodii istaageen oo akhriyeen kitaabkii sharciga Rabbiga Ilaahooda ah intii maalin rubuceed ah; oo haddana rubuc kale ayay wax qirteen, wayna u sujuudeen Rabbiga Ilaahooda ah. 4 Markaasaa darajadii reer Laawi waxaa ku kor istaagay Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Qadmii'eel, iyo Shebanyaah, iyo Bunnii, iyo Sheereebyaah, iyo Baanii, iyo Kenaanii, oo cod weyn ayay ugu qayshadeen Rabbiga Ilaahooda ah. 5 Markaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa Yeeshuuca, iyo Qadmii'eel, iyo Baanii, iyo Xashabneyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Shebanyaah, iyo Fetaxyaah, waxay dadkii ku yidhaahdeen, War istaaga oo Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana weligiis iyo weligiis, oo waxay yidhaahdeen, Magacaaga ammaanta badan ha la ammaano, kaasoo ka wada sarreeya kulli mahad iyo ammaan oo dhan. 6 Adigaa Rabbiga ah oo keligaa baa ah. Waxaad samaysay samada, taasoo ah samada samooyinka, iyo ciidankooda oo dhan, iyo dhulka iyo waxa kor jooga oo dhan, iyo badaha iyo waxa ku jira oo dhan, dhammaantood adigaa sii nooleeya, oo ciidanka samaduna adigay kuu sujuudaan. 7 Adigaa ah Rabbiga Ilaaha ah oo Aabraam doortay, oo isaga ka soo bixiyey Uur tii reer Kaldayiin, oo u bixiyey magaca Ibraahim la yidhaahdo, 8 oo dabadeedna ogaaday in qalbigiisu hortaada aamin ku yahay, oo isagii axdi kula dhigtay inaad isaga siinaysid dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Girgaash, xataa inaad dalkaas siinaysid farcankiisa; oo erayadaadiina waad oofisay, maxaa yeelay, xaq baad tahay. 9 Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen; 10 oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay.
  • Sab 22:25 : 25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
  • Sab 56:12 : 12 Ilaahow, nidarradaada waan qabaa, Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.
  • Sab 61:5 : 5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
  • Sab 61:8 : 8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
  • Sab 66:13 : 13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
  • Sab 76:11 : 11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
  • Sab 116:14 : 14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
  • Sab 116:18 : 18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
  • Sab 119:106 : 106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
  • Sab 132:2 : 2 Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
  • Wacd 5:1-7 : 1 ¶ Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan. 2 Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisa wax kaga hadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa, adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado. 3 Waayo, riyo waxay ka dhalataa hawl badan, oo nacaska codkiisana waxaa lagu gartaa hadalkiisa badan. 4 Markaad Ilaah nidar u nidartid waa inaadan inaad bixisid dib uga dhicin, waayo, isagu nacasyada kuma farxo ee wixii aad u nidartay bixi. 5 Inaad nidar gasho oo aadan bixin waxaa ka wanaagsan inaadan waxba nidrin. 6 Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo? 7 Waayo, riyooyin iyo erayo fara badanba waxaa ku jira wax badan oo aan waxtar lahayn, laakiinse adigu Ilaah ka cabso.
  • Ish 19:21 : 21 Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan.
  • Yoox 1:16 : 16 Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.
  • Fal 18:18 : 18 ¶ Markaasaa Bawlos maalmo badan sii joogay, dabadeed ayuu walaalihii ka tegey, oo wuxuu u dhoofay Suuriya, isagoo ay la socdaan Bariskilla iyo Akula, wuxuuna Kenekhreya hore ugu xiirtay madaxa, maxaa yeelay, nidar buu galay.
  • Fal 23:12-15 : 12 ¶ Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan. 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno. 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 28:21-22
    2 aayado
    84%

    21oo aan aniga oo nabad qaba ku soo noqdo gurigii aabbahay, markaas Rabbigu wuxuu ii noqon doonaa Ilaah,

    22oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.

  • Bil 32:8-9
    2 aayado
    78%

    8oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta.

    9Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow:

  • Bil 28:15-17
    3 aayado
    78%

    15Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay.

    16Markaasuu Yacquub ka toosay hurdadiisii, oo wuxuu yidhi, Hubaal Rabbigaa halkan jooga, mana aan ogayn.

    17Wuuna cabsaday, oo wuxuu yidhi, Meeshanu cabsi badanaa! Tanu meel kale ma aha, gurigii Ilaah mooyaane, tanuna waa iriddii samada.

  • 3Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • Bil 35:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

    2Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,

    3oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.

  • Bil 30:30-31
    2 aayado
    75%

    30Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

    31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

  • 20oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.

  • Bil 35:14-15
    2 aayado
    73%

    14Yacquubna meeshii uu kula hadlay isaga wuxuu ka taagay tiir, kaas oo ahaa tiir dhagax ah; wuxuuna ku dul shubay qurbaan cabniin ah, saliidna wuu ku dul shubay.

    15Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.

  • 13Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.

  • 42Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.

  • 19Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Beytel: laakiinse markii hore magaalada magaceedu wuxuu ahaa Luus.

  • 28Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

  • 3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

  • 53Kan ah Ilaaha Ibraahim, iyo Ilaaha Naaxoor, iyo Ilaaha aabbahood, ha ina kala xukumo innaga. Yacquubna wuxuu ku dhaartay Kan aabbihiis Isxaaq ka cabsado.

  • 2Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,

  • 2Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

  • 5oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray.

  • 9¶ Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey.

  • 6Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba.

  • 10Yacquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday.

  • 15Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta,

  • 11Malaa'igtii Ilaahna waxay igu tidhi intaan riyoonayay, Yacquubow. Oo anna waxaan idhi, Waa i kan.

  • 32Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.

  • 30Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.

  • 3Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey,

  • 13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

  • 27Mar kaasuu ku yidhi isagii, Magacaa? Isna wuxuu yidhi, Yacquub.

  • 28Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno,