Bilowgii 29:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Raaxeelna wuu u tegey, oo isna Raaxeel aad buu uga jeclaa Lee'ah, toddoba sannadood oo kalena wuu u shaqeeyey isaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 31:41 : 41 Labaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor.
  • Bil 29:18 : 18 Yacquubna wuxuu jeclaa Raaxeel; markaasuu yidhi, Toddoba sannadood baan kuugu shaqayn gabadhaada yar oo Raaxeel ah.
  • Bil 29:20 : 20 Yacquubna toddoba sannadood buu u shaqaynayay Raaxeel aawadeed; waxayna la ahaayeen maalmo yar, waana jacaylkii uu iyada u qabay aawadiis.
  • Bil 29:31 : 31 ¶ Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays.
  • Bil 30:25-26 : 25 ¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii. 26 I sii naagahayga iyo carruurtayda aan daraaddood kuugu adeegay, oo aan iska tago; waayo waad og tahay adeegiddii aan kuu adeegi jiray.
  • Bil 31:15 : 15 Miyaannan xaggiisa ka xisaabnayn shisheeye? Waayo, wuu na iibiyey, oo weliba lacagtayadiina wuu cunay.
  • Bil 44:20 : 20 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, Sayidkaygiiyow, waxaannu leennahay aabbe duq ah, iyo wiil yar oo uu dhalay markuu gaboobay, oo walaalkiisna waa dhintay, oo keligiis baa ka hadhay bahdoodii, aabbihiisna waa jecel yahay isaga.
  • Bil 44:27 : 27 Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil;
  • Sharc 21:15 : 15 ¶ Haddii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay,
  • 1 Sam 18:17-27 : 17 ¶ Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo. 18 Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa? 19 Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa. 20 Oo gabadhii Saa'uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa'uud jeclaatay. Markaasaa Saa'uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay. 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa. 22 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo. 23 Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar? 24 Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay. 25 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin. 26 Oo addoommadiisiina markay Daa'uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa'uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan; 27 markaasaa Daa'uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa'uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa'uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa'uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto.
  • Hos 12:12 : 12 Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.
  • Mat 6:24 : 24 ¶ Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
  • Mat 10:37 : 37 Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.
  • Luuk 14:26 : 26 Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.
  • Yoox 12:25 : 25 Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 29:16-25
    10 aayado
    86%

    16Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.

    17Lee'ahna way indha darnayd, laakiinse Raaxeel way quruxsanayd, suurad wanaagsanna way lahayd.

    18Yacquubna wuxuu jeclaa Raaxeel; markaasuu yidhi, Toddoba sannadood baan kuugu shaqayn gabadhaada yar oo Raaxeel ah.

    19Laabaanna wuxuu yidhi, Waa wanaagsan tahay inaan adiga ku siiyo intii aan iyada nin kale siin lahaa, ee ila joog.

    20Yacquubna toddoba sannadood buu u shaqaynayay Raaxeel aawadeed; waxayna la ahaayeen maalmo yar, waana jacaylkii uu iyada u qabay aawadiis.

    21Yacquubna wuxuu Laabaan ku yidhi, Maalmahaygii way dhammaystirmeen; ee naagtayda i sii, si aan ugu tago iyada.

    22Markaasuu Laabaan soo ururiyey nimankii meeshaas joogay oo dhan, oo wuxuu sameeyey diyaafad.

    23Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.

    24Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

    25Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay?

  • Bil 29:27-29
    3 aayado
    81%

    27Bal tan toddobaadkeeda dhammee, tan kalena waxaannu kugu siin doonnaa shuqulka aad toddoba sannadood oo kale ii shaqayn doontid.

    28Yacquubna sidii buu yeelay, toddobaadkeediina wuu dhammeeyey. Markaasuu Laabaan Yacquub siiyey gabadhiisii Raaxeel inay naag u noqoto.

    29Laabaanna wuxuu gabadhiisii Raaxeel siiyey Bilhah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

  • 31¶ Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays.

  • 33Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

  • Bil 30:3-4
    2 aayado
    73%

    3Markaasay tidhi, Bal eeg addoontayda Bilhah, u tag iyada, inay jilbahayga ku dul dhasho, oo aan anna carruur ku helo iyada.

    4Markaasay isagii siisay addoonteedii Bilhah inuu naag ka dhigto; Yacquubna wuu u tegey iyadii.

  • Bil 29:9-12
    4 aayado
    73%

    9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

    10Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

    11Markaasuu Yacquub Raaxeel dhunkaday, wuuna qayliyey oo ooyay.

    12Yacquubna wuxuu Raaxeel u sheegay inuu yahay aabbeheed xigaalkiis, oo uu yahay wiilkii Rebeqah; kolkaasay orodday oo u sheegtay aabbeheed.

  • 7Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad.

  • 9Lee'ahna markay aragtay inay dhalmo daysay ayay kaxaysay addoonteedii Silfah, oo waxay siisay Yacquub inuu naag ka dhigto.

  • 4Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

  • Bil 30:16-17
    2 aayado
    71%

    16Yacquubna fiidkii buu beertii ka yimid, markaasay Lee'ah ka hor tagtay oo waxay tidhi, Waa inaad ii timaadaa, waayo, hubaal waxaan kugu kiraystay ubaxii wiilkayga. Habeenkaasna iyadii buu la seexday.

    17Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.

  • 14¶ Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Hubaal waxaad tahay laftayda iyo jidhkayga. Wuxuuna la joogay isagii intii bil ah.

  • 19Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.

  • 25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.