Bilowgii 3:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 3:20 : 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.
  • Bil 4:10 : 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.
  • Sab 50:21 : 21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 3:12-14
    3 aayado
    87%

    12Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay.

    13Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.

    14¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan:

  • Bil 3:1-10
    10 aayado
    87%

    1¶ Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?

    2Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa;

    3laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine.

    4Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan;

    5waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta.

    6Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.

    7Oo labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen.

    8Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda.

    9Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?

    10Isagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey.

  • Bil 3:17-19
    3 aayado
    79%

    17Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa.

    18Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka.

    19Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.

  • Bil 3:21-24
    4 aayado
    79%

    21Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii.

    22¶ Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa:

    23sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday.

    24Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.

  • Bil 2:15-17
    3 aayado
    77%

    15Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.

    16Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:

    17laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.

  • 25Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.

  • Bil 2:8-9
    2 aayado
    72%

    8Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.

    9Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

  • Bil 4:9-11
    3 aayado
    70%

    9Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa?

    10Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.

    11Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.

  • 17Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan.

  • 14Aadanna lama khiyaanayn, laakiin naagtii baa inta la khiyaaneeyey waxay noqotay mid xadgudubtay.

  • Ayuub 15:7-8
    2 aayado
    68%

    7War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay? Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?

    8War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay? Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?

  • 33Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale, Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,

  • 18Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?

  • 29Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;

  • 6Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday?

  • 1¶ Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.