Bilowgii 30:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 30:11-13
    3 aayado
    95%

    11Oo Lee'ahna waxay tidhi, Ayaan weynaa! Magiciisiina waxay u bixisay Gaad.

    12Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna wiil labaad bay u dhashay Yacquub.

    13Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.

  • Bil 30:7-9
    3 aayado
    89%

    7Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad.

    8Oo Raaxeelna waxay tidhi, Legdan aad u weyn baan walaashay la legdamay, waanan ka adkaaday. Magiciisiina waxay u bixisay Naftaali.

    9Lee'ahna markay aragtay inay dhalmo daysay ayay kaxaysay addoonteedii Silfah, oo waxay siisay Yacquub inuu naag ka dhigto.

  • Bil 30:1-5
    5 aayado
    84%

    1¶ Raaxeelna markay aragtay inaanay Yacquub carruur u dhalin, ayay walaasheed ka masayrtay; oo waxay Yacquub ku tidhi, Carruur i sii, haddii kalese waan dhiman.

    2Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?

    3Markaasay tidhi, Bal eeg addoontayda Bilhah, u tag iyada, inay jilbahayga ku dul dhasho, oo aan anna carruur ku helo iyada.

    4Markaasay isagii siisay addoonteedii Bilhah inuu naag ka dhigto; Yacquubna wuu u tegey iyadii.

    5Bilhahna way uuraysatay, oo Yacquub wiil bay u dhashay.

  • Bil 30:16-21
    6 aayado
    83%

    16Yacquubna fiidkii buu beertii ka yimid, markaasay Lee'ah ka hor tagtay oo waxay tidhi, Waa inaad ii timaadaa, waayo, hubaal waxaan kugu kiraystay ubaxii wiilkayga. Habeenkaasna iyadii buu la seexday.

    17Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.

    18Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah waa i siiyey kiradaydii, maxaa yeelay, addoontaydii waxaan siiyey ninkayga. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Isaakaar.

    19Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.

    20Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.

    21Dabadeedna waxay dhashay gabadh, magaceediina waxay u bixisay Diinah.

  • Bil 29:23-24
    2 aayado
    83%

    23Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.

    24Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

  • Bil 35:25-26
    2 aayado
    81%

    25Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.

    26Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.

  • Bil 46:18-19
    2 aayado
    80%

    18Kuwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban.

    19Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

  • 29Laabaanna wuxuu gabadhiisii Raaxeel siiyey Bilhah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

  • 23¶ Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

  • Bil 30:23-25
    3 aayado
    75%

    23Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.

    24Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.

    25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

  • Bil 29:34-35
    2 aayado
    73%

    34Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.

    35Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.

  • 31¶ Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays.

  • 16Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.

  • 15Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.