Bilowgii 35:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 29:32-35 : 32 Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa. 33 Oo haddana way uuraysatay mar labaad, waxayna dhashay wiil, oo waxay tidhi, Rabbigu waa maqlay in lay nebcaaday, oo haddaba taas aawadeed ayuu ii siiyey wiilkanna; magiciisiina waxay u bixisay Simecoon. 34 Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi. 35 Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.
  • Bil 30:18-20 : 18 Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah waa i siiyey kiradaydii, maxaa yeelay, addoontaydii waxaan siiyey ninkayga. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Isaakaar. 19 Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad. 20 Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.
  • Bil 46:8-9 : 8 ¶ Kuwanu waa magacyadii reer binu Israa'iil oo Masar yimid, Yacquub iyo wiilashiisii: Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Yacquub. 9 Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii. 10 Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay. 11 Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. 12 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul. 13 Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon. 14 Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel. 15 Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.
  • Bax 1:2-4 : 2 Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah, 3 Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin, 4 Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.
  • Bil 33:2 : 2 Markaasuu addoommihii iyo carruurtoodii ugu hor mariyey, Lee'ah iyo carruurteediina wuu ku xigsiiyey, Raaxeel iyo Yuusufna wuu ugu dambaysiiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Taar 2:1-2
    2 aayado
    90%

    1¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

    2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • Bax 1:2-4
    3 aayado
    88%

    2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

    3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

    4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

  • Bil 35:24-26
    3 aayado
    80%

    24Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

    25Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.

    26Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.

  • 22Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.

  • Bil 46:8-11
    4 aayado
    78%

    8¶ Kuwanu waa magacyadii reer binu Israa'iil oo Masar yimid, Yacquub iyo wiilashiisii: Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Yacquub.

    9Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.

    10Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.

    11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • Bil 46:14-15
    2 aayado
    77%

    14Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

    15Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.

  • Bil 30:19-20
    2 aayado
    77%

    19Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.

    20Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.

  • 3oo wiilashii Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.

  • 1¶ Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii.

  • 12Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.

  • Bil 46:18-19
    2 aayado
    75%

    18Kuwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban.

    19Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

  • 10Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay.

  • 34Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.

  • Bax 6:14-15
    2 aayado
    75%

    14Kuwanu waa madaxdii reerihii awowayaashood, kuwanu waa reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil, Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii; kuwanu waa qolooyinkii reer Ruubeen.

    15Reer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon.

  • 12Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna wiil labaad bay u dhashay Yacquub.

  • 5¶ Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Israa'iil, oo waxaa reer Ruubeen ka soo farcamay Xanoog oo dhalay qabiilka reer Xanoog, iyo Falluu oo dhalay qabiilka reer Falluu,

  • 35¶ Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

  • 2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

  • 17Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.

  • 32Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa.