Bilowgii 35:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 30:22-24 : 22 Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay. 23 Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday. 24 Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.
  • Bil 35:16-18 : 16 ¶ Wayna ka sodcaaleen Beytel; oo intaanay Efrad weli soo gaadhin ayaa Raaxeel foolatay, fooshiina way ku rafaadday. 17 Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatan waxaad dhalaysaa wiil kale. 18 Oo waxay noqotay in, markii ay naftu ka sii baxaysay, ay magiciisii u bixisay Benooni, waayo, way dhimatay, laakiinse aabbihiis wuxuu u bixiyey Benyaamiin.
  • Bil 46:19-22 : 19 Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin. 20 Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa. 21 Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared. 22 Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 19Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

  • Bil 35:25-26
    2 aayado
    81%

    25Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.

    26Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.

  • 1 Taar 2:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

    2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • Bil 35:22-23
    2 aayado
    80%

    22Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.

    23¶ Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

  • Bil 46:21-22
    2 aayado
    79%

    21Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.

    22Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.

  • Bil 30:24-25
    2 aayado
    77%

    24Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.

    25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

  • 7Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad.

  • 2Markaasuu addoommihii iyo carruurtoodii ugu hor mariyey, Lee'ah iyo carruurteediina wuu ku xigsiiyey, Raaxeel iyo Yuusufna wuu ugu dambaysiiyey.

  • 25Kuwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba.

  • Bax 1:2-4
    3 aayado
    75%

    2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

    3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

    4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

  • 5Bilhahna way uuraysatay, oo Yacquub wiil bay u dhashay.

  • Bil 35:17-19
    3 aayado
    74%

    17Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatan waxaad dhalaysaa wiil kale.

    18Oo waxay noqotay in, markii ay naftu ka sii baxaysay, ay magiciisii u bixisay Benooni, waayo, way dhimatay, laakiinse aabbihiis wuxuu u bixiyey Benyaamiin.

    19Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam.

  • 28¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.

  • 16Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.

  • 7Lee'ah iyo carruurteediina way u soo dhowaadeen, wayna wada sujuudeen; dabadeedna waxaa u soo dhowaaday Yuusuf iyo Raaxeel, wayna sujuudeen.

  • 37Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.

  • 2Kuwanuna waa farcankii Yacquub. Yuusuf, isagoo jira toddoba iyo toban sannadood, ayuu idaha la daajinayay walaalihiis, wuxuuna ahaa wiil la jooga wiilashii Bilhah iyo Silfah oo ahaa naagihii aabbihiis. Markaasuu Yuusuf xaggooda war xun uga keenay aabbahood.

  • 8Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo?