Tirintii 26:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 1:32-33 : 32 ¶ Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 33 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
  • Tir 2:18-19 : 18 ¶ Oo dhanka galbeedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Efrayim siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Efrayimna waa inuu ahaadaa Eliishaamaac ina Cammiihuud. 19 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 26:27-28
    2 aayado
    87%

    27Intaasu waa qabiilooyinkii reer Sebulun, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lixdan kun iyo shan boqol.

    28¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.

  • Tir 1:30-37
    8 aayado
    83%

    30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    31intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

    32¶ Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    33intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

    34¶ Oo reer Manasehna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    35intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

    36¶ Oo reer Benyaamiinna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    37intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • Tir 26:34-36
    3 aayado
    79%

    34Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.

    35¶ Oo wiilashii Efrayim iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Shuutelax oo dhalay qabiilka reer Shuutelax, iyo Beker oo dhalay qabiilka reer Beker, iyo Tahan oo dhalay qabiilka reer Tahan.

    36Intanuna waa wiilashii Shuutelax: Ceeraan oo dhalay qabiilka reer Ceeraan.

  • Tir 26:38-39
    2 aayado
    78%

    38¶ Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam,

    39iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam.

  • Tir 26:41-42
    2 aayado
    77%

    41Intaasu waa wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodii, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol.

    42¶ Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen.

  • 22Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.

  • 30Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.

  • 18Intaasu waa qabiilooyinkii reer Gaad, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

  • 36Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.

  • 32¶ Kuwaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil siday reerahoodu ahaayeen. Kulli intii xerooyinka laga tiriyey sidii ciidammadoodii ahaayeen waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun iyo shan boqol iyo konton.

  • Tir 26:50-51
    2 aayado
    75%

    50Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.

    51¶ Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.

  • 7Intaasu waa qabiilooyinkii reer Ruubeen, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo soddon.

  • 57¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.

  • 27Wiilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.

  • 2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • Yash 16:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.

    5Oo reer Efrayim sidii ay reerahoodu ahaayeen soohdintoodii sidan bay ahayd; dalkii ay dhaxalka u heleen dhinaca bari waxaa u xigay Cataarood Addaar, iyo Beytxooroonta sare;

  • 26¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.

  • Tir 26:14-16
    3 aayado
    73%

    14Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol.

    15¶ Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii,

    16iyo Aasnii oo dhalay qabiilka reer Aasnii, iyo Ceerii oo dhalay qabiilka reer Ceerii,

  • Tir 2:23-24
    2 aayado
    73%

    23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

    24Oo kulli intii xerada reer Efrayim laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo siddeed kun iyo boqol, siday ciidammadoodii ahaayeen. Oo iyana waa inay marka saddexaad baxaan.

  • 19Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

  • 2Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 24Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

  • 21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

  • 47Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 19Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

  • 5Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.

  • 10Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

  • 44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.

  • 25Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.

  • 32iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer.

  • 11Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.