Tirintii 26:22
Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.
Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
25intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Gaad waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.
26¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
27intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
23¶ Oo wiilashii Isaakaar iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Toolac oo dhalay qabiilka reer Toolac, iyo Fuwaah oo dhalay qabiilka reer Fuwaah,
24iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon.
25Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.
26¶ Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel.
27Intaasu waa qabiilooyinkii reer Sebulun, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lixdan kun iyo shan boqol.
41Intaasu waa wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodii, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol.
42¶ Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen.
43Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.
13iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.
14Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol.
15¶ Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii,
37Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.
12Oo raggii xoogga badnaa, oo ahaa madaxdii qolooyinka oo dhan tiradoodu waxay ahayd laba kun iyo lix boqol oo nin.
18Intaasu waa qabiilooyinkii reer Gaad, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
9Oo kulli intii xerada reer Yahuudah laga tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen boqol iyo lix iyo siddeetan kun iyo afar boqol, siday ciidammadoodu yihiin, oo iyagu waa inay marka hore baxaan.
4Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
26Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol.
49iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.
50Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.
51¶ Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.
40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.
34Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.
24Kuwii reer Yahuudah ee gaashaan iyo waran qaadayay waxay ahaayeen lix kun iyo siddeed boqol oo nin, oo dagaal hub u leh.
14Oo tanuna waa tiradoodii iyo sidii ay reerahoodu kala ahaayeen, saraakiishii kun kun u talin jiray ee dadkii Yahuudah waxaa ka joogay Cadnaah oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray rag xoog badan oo ah saddex boqol oo kun,
15oo waxaa isaga ku xigay Yehooxaanaan oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeetan kun oo nin,
4Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.
32¶ Kuwaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil siday reerahoodu ahaayeen. Kulli intii xerooyinka laga tiriyey sidii ciidammadoodii ahaayeen waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun iyo shan boqol iyo konton.
46xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.
7Intaasu waa qabiilooyinkii reer Ruubeen, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo soddon.
20Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax.
21Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul.
11Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.
26reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,
5Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.
46iyo lix iyo toban kun oo qof.)
15Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.
6Reer Seraxna waxaa ka joogay Yecuu'eel iyo walaalahood, oo waxay ahaayeen lix boqol iyo sagaashan.
36Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.
57¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.
9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.
26Intii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan.
8Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah.
6reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo laba iyo toban,
44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.
36Oo badhkii ahaa kuwii dagaalka u baxay qaybtoodii waxay ahayd saddex boqol iyo toddoba iyo soddon kun iyo shan boqol oo ido ah.
35reer Senaacaahna saddex kun iyo lix boqol iyo soddon.