Bilowgii 46:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 7:14 : 14 Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof.
  • Sharc 10:22 : 22 ¶ Awowayaashiin markay Masar u dhaadhaceen waxay ahaayeen toddobaatan qof, haatanse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu tiradiinna ka dhigay sida xiddigaha samada oo kale.
  • Bax 1:5 : 5 Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.
  • Bax 24:1 : 1 ¶ Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 46:25-26
    2 aayado
    87%

    25Kuwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba.

    26Intii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan.

  • Bax 1:4-6
    3 aayado
    87%

    4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

    5Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.

    6Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen.

  • Fal 7:13-15
    3 aayado
    81%

    13Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii.

    14Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof.

    15Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;

  • 22Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.

  • Bil 46:6-7
    2 aayado
    75%

    6Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba;

    7kuwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.

  • 37Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.

  • Bil 46:18-20
    3 aayado
    73%

    18Kuwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban.

    19Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

    20Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa.

  • 8iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.

  • 28¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.

  • 22¶ Oo Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood.

  • Bil 47:27-28
    2 aayado
    72%

    27Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.

    28¶ Yacquubna wuxuu dalka Masar ku noolaa toddoba iyo toban sannadood, oo Yacquub cimrigiisu wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo afartan sannadood.

  • 28¶ Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.

  • 15Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.

  • 2Kuwanuna waa farcankii Yacquub. Yuusuf, isagoo jira toddoba iyo toban sannadood, ayuu idaha la daajinayay walaalihiis, wuxuuna ahaa wiil la jooga wiilashii Bilhah iyo Silfah oo ahaa naagihii aabbihiis. Markaasuu Yuusuf xaggooda war xun uga keenay aabbahood.

  • 50Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon.

  • 3Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.

  • 1¶ Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub.

  • Bil 48:8-9
    2 aayado
    70%

    8Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo?

    9Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa.

  • 26Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.

  • 32¶ Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 46Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan.

  • 31Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

  • 5Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon.

  • 13Iyana waxay yidhaahdeen, Annagoo ah addoommadaada waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo waxaannu nahay nin jooga dalka Kancaan wiilashiisii; oo bal eeg, kii noogu yaraa wuxuu maanta la joogaa aabbahayo, midna maba joogo.

  • 27Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil;

  • 12Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.