Tirintii 26:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 1:22-23 : 22 ¶ Oo reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 23 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Simecoon waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.
  • Tir 2:12-13 : 12 Oo kuwa ku xigaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Simecoon. Oo amiirka reer Simecoonna waa inuu ahaadaa Shelumii'eel ina Suuriishadday. 13 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 26:12-13
    2 aayado
    79%

    12¶ Wiilashii Simecoon iyo qabiilooyinkoodii ka soo farcamay waa kuwan: Nemuu'eel oo dhalay qabiilka reer Nemuu'eel, iyo Yaamiin oo dhalay qabiilka reer Yaamiin, iyo Yaakiin oo dhalay qabiilkii reer Yaakiin,

    13iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.

  • 79%

    25Oo kuwii reer Simecoon ee xoogga badnaa, dagaalkana u darbanaa waxay ahaayeen toddoba kun iyo boqol.

    26Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol.

  • Tir 1:22-23
    2 aayado
    79%

    22¶ Oo reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    23intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Simecoon waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.

  • 22Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.

  • 15Reer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon.

  • Tir 26:24-27
    4 aayado
    76%

    24iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon.

    25Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.

    26¶ Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel.

    27Intaasu waa qabiilooyinkii reer Sebulun, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lixdan kun iyo shan boqol.

  • Tir 26:41-43
    3 aayado
    75%

    41Intaasu waa wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodii, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol.

    42¶ Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen.

    43Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.

  • 24¶ Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Nemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Yaariib, iyo Serax, iyo Shaa'uul

  • 6Reer Simecoonna waxaa ka iman Shelumii'eel ina Suuriishadday.

  • Tir 2:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.

    12Oo kuwa ku xigaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Simecoon. Oo amiirka reer Simecoonna waa inuu ahaadaa Shelumii'eel ina Suuriishadday.

  • 15¶ Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii,

  • 34Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.

  • Tir 26:37-39
    3 aayado
    73%

    37Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.

    38¶ Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam,

    39iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam.

  • 1 Taar 2:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

    2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • Tir 26:49-51
    3 aayado
    72%

    49iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.

    50Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.

    51¶ Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.

  • 12Oo raggii xoogga badnaa, oo ahaa madaxdii qolooyinka oo dhan tiradoodu waxay ahayd laba kun iyo lix boqol oo nin.

  • 1¶ Oo saamigii labaadna wuxuu u soo baxay reer Simecoon, oo waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Simecoon u heleen siday reerahoodu ahaayeen. Oo dhaxalkooduna wuxuu ku dhex jiray dhaxalkii reer Yahuudah.

  • 20Qabiilka reer Simecoonna, Shemuu'eel ina Cammiihuud.

  • 21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

  • 10Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.

  • 31iyo Asrii'eel oo dhalay qabiilka reer Asrii'eel, iyo Shekem oo dhalay qabiilka reer Shekem,

  • 7Intaasu waa qabiilooyinkii reer Ruubeen, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo soddon.

  • 19Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday.

  • 8iyo tuulooyinkii ku wareegsanaa magaalooyinkaas oo dhan ee ku yiil tan iyo Bacalad Bi'ir, iyo Raamaahda Koonfureed. Intaasu waa dhaxalkii qabiilkii reer Simecoon sidii ay reerahoodii ahaayeen.

  • 40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.

  • 18Intaasu waa qabiilooyinkii reer Gaad, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

  • 42Oo iyaga qaarkood oo ahaa reer Simecoon oo tiradoodu ahayd shan boqol oo nin waxay tageen Buur Seciir, oo waxaa saraakiil u ahaa Felatyaah, iyo Necaryaah, iyo Refaayaah, iyo Cusii'eel oo wada ahaa wiilashii Yishcii.

  • 9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

  • 26reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,

  • 26¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 4Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.

  • 26Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.

  • 21¶ Oo Gershoon waxaa ka soo farcamay reer Libnii iyo reer Shimcii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Gershoon.

  • 15Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.

  • 44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.

  • 35intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.