Bilowgii 31:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 13:8 : 8 Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.
  • Bil 24:27 : 27 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.
  • Bax 2:11 : 11 ¶ Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah.
  • Bax 2:13 : 13 Markaasuu haddana maalintii labaad soo baxay, oo wuxuu arkay laba nin oo Cibraaniyo ah oo isla diriraya; oo kii gardarnaa buu wuxuu ku yidhi, War maxaad u dilaysaa wadaygaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 31:24-27
    4 aayado
    86%

    24Markaasaa Ilaah riyo habeennimo ugu yimid Laabaankii reer Suuriya, oo ku yidhi, Iska jir oo Yacquub xumaan iyo wanaag toona ha kula hadlin.

    25Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.

    26Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay?

    27Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad?

  • Bil 31:20-22
    3 aayado
    81%

    20Markaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo.

    21Oo sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad.

    22¶ Maalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay.

  • 36Yacquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay?

  • 13Oo Laabaan markuu maqlay warkii Yacquub oo ahaa wiilkii walaashiis ayuu ku orday inuu ka hor tago, markaasuu isku duubay, oo dhunkaday, oo uu gurigiisii keenay. Isna wuxuu Laabaan u sheegay waxyaalahan oo dhan.

  • 18wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

  • 47Laabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed.

  • 33Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

  • 36Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.

  • Bil 31:3-4
    2 aayado
    72%

    3Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

    4Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

  • 1¶ Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen.

  • 23Wuuna kaxeeyey iyagii oo wuxuu u diray durdurka shishadiisa, wixii uu haystayna wuu gudbiyey.

  • 44oo dhawr maalmood isaga la joog, ilaa walaalkaa ciilku ka ba'ayo, iyo ilaa walaalkaa cadhaduu kuu qabo ka ba'ayso,

  • 55Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.

  • 1¶ Yacquubna sodcaalkiisii buu iska sii watay, oo wuxuu yimid dalkii reer bari.

  • 17Markaasaa ninkii ku yidhi, Halkan way ka tageen, waayo, waxaan maqlay iyagoo isku leh, Ina keena aynu Dotaan tagnee. Markaasuu Yuusuf walaalihiis ka daba tegey, oo wuxuu iyagii ka helay Dotaan.