Bilowgii 35:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 23:27 : 27 Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.
  • Yash 5:1 : 1 ¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.
  • 2 Taar 17:10 : 10 Oo boqortooyooyinkii dalalkii ku wareegsanaa dalka Yahuudah oo dhan waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo sidaas daraaddeed iyagu Yehooshaafaad lama ayan diririn.
  • Sab 14:5 : 5 Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
  • Bil 34:30 : 30 Yacquubna wuxuu Simecoon iyo Laawi ku yidhi, Dhib baad igu riddeen, maxaa yeelay, waxaad i nacsiiseen dadka dhulka deggan, oo ah reer Kancaan, iyo reer Feris. Haddaba anigoo dadkaygu yar yahay, ayay isu kay wada urursan doonaan oo ay i dili doonaan; markaasna aniga iyo reerkaygaba waa la baabbi'in doonaa.
  • Bax 15:15-16 : 15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen. 16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
  • Bax 34:24 : 24 Waayo, anigu quruumaan hortiinna ka eryi doonaa, oo soohdimihiinnana waan ballaadhin doonaa; oo ninnaba dalkiinna ma damci doono markii aad sannaddiiba saddex goor u baxdaan inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka hor tagtaan.
  • Sharc 11:25 : 25 Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.
  • Yash 2:9-9 : 9 oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen. 10 Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen. 11 Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga.
  • 1 Sam 11:7 : 7 Markaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha.
  • 1 Sam 14:15 : 15 ¶ Oo cabsi weyn bay la qadhqadheen kuwii xerada ku jiray, iyo kuwii duurka joogay iyo dadkii oo dhanba; oo xataa ciidankii, iyo waxdhacayaashuna way wada gariireen, oo dhulkuna waa gariiray, haddana waxaa jiray gariir aad iyo aad u weyn.
  • 2 Taar 14:14 : 14 Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 4Markaasay Yacquub wada siiyeen ilaahyadii qalaad oo gacantooda ku jiray, iyo hilqadihii dhegahooda ku jiray, Yacquubna wuxuu ku qariyey geed Shekem ku ag yiil hoostiisa.

  • 6Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba.

  • 29Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,

  • 14Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan.

  • 25Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.

  • 38Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.

  • 7Markaasaa Yacquub aad u cabsaday, cidhiidhi buuna galay; kolkaasuu kala qaybiyey dadkii la jiray, iyo adhigii, iyo lo'dii, iyo geelii, oo wuxuu ka dhigay laba kooxood,

  • 23Markaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad.

  • 1¶ Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

  • 29iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan.

  • 35Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen.

  • 10¶ Yacquubna waa ka tegey Bi'ir Shebac, oo wuxuu u kacay xagga Haaraan.

  • 25Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.