Bilowgii 37:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 7:9-9 : 9 ¶ Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar; 10 laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan. 11 Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen. 12 Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray. 13 Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii. 14 Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof.
  • Fil 2:15 : 15 inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,
  • Bil 37:7 : 7 Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii.
  • Bil 37:10 : 10 Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?
  • Bil 41:25 : 25 Oo Yuusuf wuxuu ku yidhi Fircoon, Riyadaadu waa mid, oo waxa Ilaah samaynayo ayuu kuu sheegay, Fircoonow.
  • Bil 41:32 : 32 Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa.
  • Bil 43:28 : 28 Markaasay yidhaahdeen, Addoonkaagii aabbahayo ahaa waa ladan yahay, welina wuu nool yahay. Kolkaasay madaxa foororiyeen, oo ay u sujuudeen.
  • Bil 44:14 : 14 Markaasaa Yahuudah iyo walaalihiis waxay yimaadeen gurigii Yuusuf; oo isna weli halkaasuu joogay. Kolkaasay hortiisa dhulka isku tuureen.
  • Bil 44:19 : 19 Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin?
  • Bil 45:9 : 9 Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;
  • Bil 46:29 : 29 Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.
  • Bil 47:12 : 12 Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.
  • Bil 50:15-21 : 15 ¶ Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan. 16 Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi, 17 Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen. 18 Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada. 19 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga? 20 Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo. 21 Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.
  • Daan 8:10 : 10 Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 37:10-12
    3 aayado
    87%

    10Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?

    11Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.

    12¶ Markaasaa walaalihiis tageen, inay adhigii aabbahood soo daajiyaan Shekem.

  • Bil 37:3-8
    6 aayado
    83%

    3Israa'iilna Yuusuf wuu ka jeclaa carruurtiisa oo dhan, maxaa yeelay, wuxuu ahaa inankuu dhalay markuu gaboobay; oo wuxuuna u sameeyey shulug midabyo badan leh.

    4Markaasaa walaalihiis arkeen in aabbahood ka jecel yahay isaga walaalihiis oo dhan; kolkaasay nebcaadeen isagii, wayna kari waayeen inay isaga si nabad ah ula hadlaan.

    5Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.

    6Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.

    7Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii.

    8Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood.

  • Bil 37:18-20
    3 aayado
    78%

    18Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan.

    19Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.

    20Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.

  • Bil 41:11-12
    2 aayado
    74%

    11oo markaasaannu isku habeen riyoonnay, aniga iyo isagiiba; waxaannu ku riyoonnay midkayo kastaba sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

    12Oo halkaasna waxaa nala joogay nin dhallinyaro ah oo Cibraani ah, oo madaxa waardiyayaasha addoon u ahaa, markaasaannu isagii u sheegnay, oo isna wuu noo fasiray riyooyinkayagii, nin kastana sidii riyadiisu ahayd buu ugu fasiray.

  • Bil 40:8-9
    2 aayado
    71%

    8Markaasay waxay ku yidhaahdeen isagii, Riyaannu ku riyoonnay, mana jiro mid fasiri karaa. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan Ilaah fasirro lahayn? Haddaba waan idin baryayaaye, bal ii sheega.

    9Markaasaa madaxii kuwii khamriga keeni jiray riyadiisii Yuusuf u sheegay, oo wuxuu yidhi, Riyadaydii waxaan ku arkay geed canab ah oo i hor yaal.

  • 15Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Riyaan ku riyooday, mana jiro mid fasiri karaa; oo waxaan maqlay in markii aad riyo maqashid aad fasiri kartid.

  • 12Wuuna riyooday, oo riyadiisii wuxuu ku arkay sallaan dhulka qotoma oo caaraddiisiina samada gaadhay, wuxuuna arkay malaa'igihii Ilaah oo ku koraya, kuna soo degaya.

  • 9Markaasaa Yuusuf xusuustay riyooyinkii iyaga ku saabsanaa oo uu ku riyooday, oo wuxuu ku yidhi iyagii, Basaasyaad tihiin, oo waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

  • 5Markaasuu haddana seexday oo mar labaad riyooday, oo wuxuu arkay toddoba sabuul oo buurbuuran oo wanaagsan oo ka soo baxay isku jirid.

  • 5Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

  • 16Isna wuxuu yidhi, Waxaan doondoonayaa walaalahay. Waan ku baryayaaye, ii sheeg meesha ay adhigii daajinayaan.

  • 18Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.

  • Bil 31:10-11
    2 aayado
    69%

    10Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

    11Malaa'igtii Ilaahna waxay igu tidhi intaan riyoonayay, Yacquubow. Oo anna waxaan idhi, Waa i kan.

  • 17Markaasaa Fircoon Yuusuf la hadlay, oo yidhi, Waxaan riyadaydii ku arkay anigoo webiga qarkiisa taagan;

  • 19Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.

  • 6Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen.

  • 31Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

  • 13Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii.