Bilowgii 38:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu ku soo leexday iyadoo jidka ag fadhida, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay aan kuu tagee; waayo, ma uu ogayn inay tahay gabadhii uu soddogga u ahaa. Kolkaasay waxay ku tidhi, Maxaad i siinaysaa aad ii tagtide?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 13:11 : 11 Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!
  • Mat 26:15 : 15 oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.
  • 1 Tim 6:10 : 10 Waayo, jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.
  • Yex 16:33 : 33 Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.
  • Sharc 23:18 : 18 Dhillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahiinna ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 38:13-15
    3 aayado
    84%

    13Markaasaa Taamaar loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Bal eeg, soddoggaa wuxuu tegayaa xagga Timnaad inuu idihiisii dhogorta ka soo xiirto.

    14Markaasay iska dhigtay dharkii carmalinimadeeda, oo waxay hagoogatay indhashareerteedii, oo intay isdedday ayay waxay fadhiisatay iriddii Cenayim, oo ku ag tiil jidka loo maro Timnaad, waayo, waxay aragtay inuu Sheelaah weynaaday, oo aan loo guurin iyada.

    15Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay.

  • Bil 38:17-26
    10 aayado
    82%

    17Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan adhiga kaaga soo diri doonaa waxar. Iyana waxay tidhi, Rahaamad ma i siinaysaa intaad ii soo diraysid?

    18Isna wuxuu yidhi, Maxaan rahaamad kuu siiyaa? Kolkaasay tidhi, I sii kaatunkaaga iyo xadhiggaaga, iyo ushaada aad gacanta ku haysatid. Kolkaasuu siiyey, oo uu u tegey iyadii, oo iyana xaggiisay ka uuraysatay.

    19Kolkaasay kacday oo tagtay, oo intay indhashareerteedii iska dhigtay, ayay xidhatay dharkii carmalinimadeedii.

    20Markaasaa Yahuudah waxar adhiga ka soo diray oo wuxuu ugu soo dhiibay gacanta saaxiibkiis kii reer Cadullaam, inuu rahaamaddii ka soo qaado gacantii naagta, laakiinse iyadii wuu waayay.

    21Markaasuu weyddiiyey dadkii degganaa meesheedii, oo wuxuu ku yidhi, Meeday dhilladii joogi jirtay Cenayim jidka dhinaciisa? Kolkaasay iyana ku yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

    22Markaasuu ku noqday Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Iyadii waan waayay, dadkii meeshaa degganaana waxay igu yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

    23Markaasaa Yahuudah yidhi, Ha iska qaadato, waaba intaasoo aynu ku ceebownaaye; waayo, bal eeg, anigu waxaan u diray waxarkan, waana aad soo weyday iyadii.

    24Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo.

    25Kolkaasay markii la soo bixiyey farriin u dirtay soddoggeed, oo waxay tidhi, Ninka alaabtan leh ayaa i uureeyey; oo waxay kaloo tidhi, Waan ku baryayaaye, bal hubso ninka leh kuwan ah kaatunka iyo xadhkaha, iyo usha.

    26Markaasaa Yahuudah qirtay iyagii, oo wuxuu yidhi, Iyadu way iga xaqsan tahay, waayo, waxaan iyada siin waayay wiilkayga Sheelaah ah. Mar dambena uma uu tegin iyadii.

  • Bil 38:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah.

    2Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey.

  • 11Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay.

  • 16Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan.

  • Bil 34:11-12
    2 aayado
    74%

    11Shekemna wuxuu aabbeheed iyo walaalaheed ku yidhi, Raalli iga ahaada, oo anna wixii aad i weyddiisataan waan idin siin.

    12In alla intii aad meher iyo yarad doonaysaan i weyddiista, oo anna waan idin siin intii aad igu tidhaahdaan, laakiinse gabadha i siiya aan guursadee.

  • Bil 34:7-8
    2 aayado
    74%

    7Oo wiilashii Yacquub ayaa duurka ka yimid markay taas maqleen; nimankiina way caloolxumaayeen, aad bayna u cadhaysnaayeen, maxaa yeelay, nacasnimo buu ku sameeyey reer binu Israa'iil markuu la jiifsaday gabadhii Yacquub, taas oo aanay jid ahayn in la sameeyo.

    8Xamoorna wuu la hadlay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygii Shekem naftiisii aad bay u doonaysaa gabadhaada; haddaba waan ku baryayaaye, iyada sii ha guursadee.

  • 23Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay?

  • 38Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

  • 8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi Oonaan, Naagta walaalkaa u tag oo dumaal, oo ku samee wixii ninkeeda walaalkiis ku samayn lahaa, oo farcan u reeb walaalkaa.

  • Xaak 19:3-4
    2 aayado
    73%

    3Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.

    4Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.

  • 14Oo iyana cagihiisay jiifsatay ilaa subaxdii, markaasay waxay kacday intaan qof qof kale laga garan karin. Waayo, wuxuu yidhi, Yaan la ogaanin in naagu timid meesha hadhuudhka lagu tumo.

  • 35Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona.

  • 8Bal eega, waxaan leeyahay laba gabdhood oo aan weli nin u tegin; haddaba waan idin baryayaaye, aan idiin soo bixiyo iyaga, oo saad doontaan u gala, laakiin nimankan uun waxba ha ku samaynina, maxaa yeelay, waxay soo hoos galeen dugsiga saqafkayga.

  • 14oo uu waxyaalo ceeb ah ka sheego ee uu magac ceeb ah u soo jiido isagoo leh, Naagtan waan guursaday oo markaan u soo dhowaaday kama aanan helin calaamadihii bikradnimada,

  • 23Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.

  • 33Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona.

  • 72%

    11Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!

    12Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.

  • 24Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.

  • 31Oo tii curadda ahayd waxay tii yarayd ku tidhi, Aabbeheen waa duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan tahay.

  • 16Yacquubna fiidkii buu beertii ka yimid, markaasay Lee'ah ka hor tagtay oo waxay tidhi, Waa inaad ii timaadaa, waayo, hubaal waxaan kugu kiraystay ubaxii wiilkayga. Habeenkaasna iyadii buu la seexday.

  • 38Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.

  • 9Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.

  • 2Oo aabbeheedna wuxuu yidhi, Sida runta ah waxaan mooday inaad nacday iyada, sidaas daraaddeed waxaan siiyey saaxiibkaa. Walaasheeda ka yari sow kama qurux badna? Haddaba waan ku baryayaaye, meesheedii ka qaado iyada.

  • 4Markaasuu Shekem la hadlay aabbihiis Xamoor, oo yidhi, Gabadhan ii doon aan guursadee.

  • 36Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.

  • 15Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.