Bilowgii 38:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 21:9 : 9 Oo wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.
  • Xaak 19:2 : 2 Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.
  • 2 Sam 12:5 : 5 Markaasaa Daa'uud aad ugu cadhooday ninkii; oo wuxuu Naataan ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartay, ninkii waxakan sameeyey wuxuu istaahilaa dhimasho,
  • 2 Sam 12:7 : 7 ¶ Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey,
  • Wacd 7:26 : 26 Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.
  • Yer 2:20 : 20 Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.
  • Yer 3:1 : 1 ¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 3:6 : 6 ¶ Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday.
  • Yer 3:8 : 8 Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.
  • Yer 29:22-23 : 22 Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale, 23 maxaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yex 16:15 : 15 ¶ Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.
  • Yex 16:28 : 28 Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.
  • Yex 16:41 : 41 Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.
  • Yex 23:5 : 5 Aaholaah waxay dhillaysatay iyadoo taydii ah, oo waxay caashaqday kuwii iyada jeclaa ee reer Ashuur oo deriska la ahaa,
  • Yex 23:19 : 19 Laakiinse waxay sii badisay dhillanimadeedii iyadoo wakhtigii yaraanteeda soo xusuusanaysa markay dalkii Masar ku dhillowday.
  • Yex 23:44 : 44 Laakiinse iyadii waxay ugu galeen sidii naag dhillo ah loogu galo oo kale, oo sidaasay ugu galeen naagihii sharka ahaa oo ahaa Aaholaah iyo Aaholiibaah.
  • Hos 2:5 : 5 Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.
  • Hos 3:3 : 3 Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa.
  • Hos 4:15 : 15 Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.
  • Mat 7:1-5 : 1 ¶ Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. 2 Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa. 3 Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? 4 Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree? 5 Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.
  • Room 2:1-2 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii. 2 Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.
  • Room 14:22 : 22 Rumaysadka aad leedahay, Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga.
  • Sharc 22:21-27 : 21 markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan. 22 ¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan. 23 ¶ Oo haddii nin magaalada dhexdeeda ka helo gabadh bikrad ah oo nin kale u doonan, oo uu iyada la jiifsado, 24 markaas labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin, ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan. 25 ¶ Laakiinse haddii nin duurka ka helo gabadh nin u doonan, oo uu ninku gabadhaas xoogo oo la jiifsado, markaas ninka iyada la jiifsaday keliyahu waa inuu dhintaa, 26 laakiinse gabadha waxba ha yeelin, maxaa yeelay, gabadha dembi dhimasho istaahilaa kuma jiro, waayo, xaalkanu wuxuu la mid yahay markii nin deriskiisa ku kaco oo dilo, 27 waayo, iyada wuxuu ka helay duurka, oo gabadha ninka u doonanuna way qaylisay oo cid iyada badbaadisana la ma arag.
  • Sharc 24:16 : 16 ¶ Aabbayaasha waa inaan loo dilin carruurtooda, carruurtana waa inaan loo dilin aabbayaashood, laakiinse nin kasta waa in loo dilaa dembigiisa uu isagu falay.
  • Bil 20:3 : 3 Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.
  • Bil 20:7 : 7 Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.
  • Bil 20:9 : 9 Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.
  • Bil 34:31 : 31 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, De miyey ku habboonayd inuu walaashayo sidii dhillo ula macaamiloodo?
  • Laaw 20:10 : 10 Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 38:18-23
    6 aayado
    85%

    18Isna wuxuu yidhi, Maxaan rahaamad kuu siiyaa? Kolkaasay tidhi, I sii kaatunkaaga iyo xadhiggaaga, iyo ushaada aad gacanta ku haysatid. Kolkaasuu siiyey, oo uu u tegey iyadii, oo iyana xaggiisay ka uuraysatay.

    19Kolkaasay kacday oo tagtay, oo intay indhashareerteedii iska dhigtay, ayay xidhatay dharkii carmalinimadeedii.

    20Markaasaa Yahuudah waxar adhiga ka soo diray oo wuxuu ugu soo dhiibay gacanta saaxiibkiis kii reer Cadullaam, inuu rahaamaddii ka soo qaado gacantii naagta, laakiinse iyadii wuu waayay.

    21Markaasuu weyddiiyey dadkii degganaa meesheedii, oo wuxuu ku yidhi, Meeday dhilladii joogi jirtay Cenayim jidka dhinaciisa? Kolkaasay iyana ku yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

    22Markaasuu ku noqday Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Iyadii waan waayay, dadkii meeshaa degganaana waxay igu yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

    23Markaasaa Yahuudah yidhi, Ha iska qaadato, waaba intaasoo aynu ku ceebownaaye; waayo, bal eeg, anigu waxaan u diray waxarkan, waana aad soo weyday iyadii.

  • Bil 38:25-27
    3 aayado
    83%

    25Kolkaasay markii la soo bixiyey farriin u dirtay soddoggeed, oo waxay tidhi, Ninka alaabtan leh ayaa i uureeyey; oo waxay kaloo tidhi, Waan ku baryayaaye, bal hubso ninka leh kuwan ah kaatunka iyo xadhkaha, iyo usha.

    26Markaasaa Yahuudah qirtay iyagii, oo wuxuu yidhi, Iyadu way iga xaqsan tahay, waayo, waxaan iyada siin waayay wiilkayga Sheelaah ah. Mar dambena uma uu tegin iyadii.

    27Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda.

  • Bil 38:10-16
    7 aayado
    81%

    10Wixii uu sameeyeyna Rabbiga hortiisa aad buu ugu xumaa; oo markaasuu isagiina dilay.

    11Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay.

    12Wakhti dheer ka dib waxaa dhimatay Shuuca gabadhiisii oo ahayd naagtii Yahuudah. Markaasaa Yahuudah loo tacsiyeeyey, oo wuxuu tegey xagga kuwii idihiisa dhogorta ka xiiri jiray oo joogay Timnaad, isaga iyo saaxiibkiis Xiirah kii reer Cadullaamba.

    13Markaasaa Taamaar loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Bal eeg, soddoggaa wuxuu tegayaa xagga Timnaad inuu idihiisii dhogorta ka soo xiirto.

    14Markaasay iska dhigtay dharkii carmalinimadeeda, oo waxay hagoogatay indhashareerteedii, oo intay isdedday ayay waxay fadhiisatay iriddii Cenayim, oo ku ag tiil jidka loo maro Timnaad, waayo, waxay aragtay inuu Sheelaah weynaaday, oo aan loo guurin iyada.

    15Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay.

    16Kolkaasuu ku soo leexday iyadoo jidka ag fadhida, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay aan kuu tagee; waayo, ma uu ogayn inay tahay gabadhii uu soddogga u ahaa. Kolkaasay waxay ku tidhi, Maxaad i siinaysaa aad ii tagtide?

  • Bil 38:5-8
    4 aayado
    78%

    5Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga.

    6Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar.

    7Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii.

    8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi Oonaan, Naagta walaalkaa u tag oo dumaal, oo ku samee wixii ninkeeda walaalkiis ku samayn lahaa, oo farcan u reeb walaalkaa.

  • Bil 38:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah.

    2Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey.

    3Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.

  • 1 Taar 2:3-4
    2 aayado
    73%

    3¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay.

    4Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan.

  • Yer 3:7-9
    3 aayado
    72%

    7Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay.

    8Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.

    9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

  • 12Oo farcanka Rabbigu kaa siin doono naagtan dhallintayar reerkaagu ha ku noqdo sidii reerkii Feres, kaasoo ahaa kii Taamaar u dhashay Yahuudah.

  • 2Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.

  • 70%

    18Oo iyana waxay qabtay dhar midabyo kala duwan leh, waayo, dhar caynkaas ah ayay gabdhaha boqorka ee bikradaha ahu qabi jireen. Markaasaa addoonkiisii dibadda u soo saaray, oo albaabkiina ka soo daba xidhay.

    19Markaasaa Taamaar waxay madaxa ku shubatay dambas, oo ay jeexjeexday dharkii midabyada kala duwan lahaa oo ay qabtay; madaxayna gacmaha saartay, wayna iska tagtay iyadoo aad u ooyaysa.

  • 11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.