1 Taariikhdii 2:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 38:2-9 : 2 Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey. 3 Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer. 4 Oo haddana mar kalay uuraysatay oo waxay dhashay wiil; magiciisiina waxay u bixisay Oonaan. 5 Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga. 6 Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar. 7 Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii. 8 Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi Oonaan, Naagta walaalkaa u tag oo dumaal, oo ku samee wixii ninkeeda walaalkiis ku samayn lahaa, oo farcan u reeb walaalkaa. 9 Oonaanna wuu ogaa inaan farcanku kiisii noqonayn, oo markuu u tegey naagtii walaalkiis ayuu shahwadiisii ku daadiyey dhulka, si uusan farcan u siin walaalkiis. 10 Wixii uu sameeyeyna Rabbiga hortiisa aad buu ugu xumaa; oo markaasuu isagiina dilay.
  • Bil 46:12 : 12 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.
  • Tir 26:19 : 19 ¶ Oo wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer iyo Oonaan; oo Ceer iyo Oonaanna waxay ku dhinteen dalkii Kancaan.
  • 1 Taar 9:5 : 5 Oo reer Shiilohna waxaa ka degganaa Casaayaah oo ahaa curadkii iyo wiilashiisii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 38:1-11
    11 aayado
    85%

    1¶ Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah.

    2Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey.

    3Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.

    4Oo haddana mar kalay uuraysatay oo waxay dhashay wiil; magiciisiina waxay u bixisay Oonaan.

    5Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga.

    6Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar.

    7Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii.

    8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi Oonaan, Naagta walaalkaa u tag oo dumaal, oo ku samee wixii ninkeeda walaalkiis ku samayn lahaa, oo farcan u reeb walaalkaa.

    9Oonaanna wuu ogaa inaan farcanku kiisii noqonayn, oo markuu u tegey naagtii walaalkiis ayuu shahwadiisii ku daadiyey dhulka, si uusan farcan u siin walaalkiis.

    10Wixii uu sameeyeyna Rabbiga hortiisa aad buu ugu xumaa; oo markaasuu isagiina dilay.

    11Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay.

  • Tir 26:19-20
    2 aayado
    84%

    19¶ Oo wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer iyo Oonaan; oo Ceer iyo Oonaanna waxay ku dhinteen dalkii Kancaan.

    20Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax.

  • 12Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.

  • 1 Taar 2:4-5
    2 aayado
    80%

    4Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan.

    5Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.

  • Mat 1:2-3
    2 aayado
    73%

    2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

    3Yahuudahna wuxuu Tamar ka dhalay Feres iyo Serah, Feresna wuxuu dhalay Esroom, Esroomna wuxuu dhalay Araam,

  • 2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

  • 33kan ahaa ina Caminadaab, kan ahaa ina Araam, kan ahaa ina Esroom, kan ahaa ina Feres, kan ahaa ina Yahuudah,

  • 2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • 24Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo.

  • 21Sheelaah ina Yahuudah wiilashiisiina waxay ahaayeen Ceer oo ahaa Leekaah aabbihiis, iyo Lacadaah oo ahaa Maareeshaah aabbihiis, iyo qolooyinka reerka kuwa dhar wanaagsan samayn jiray oo ka soo farcamay reer Ashbeeca,

  • 23¶ Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

  • 26Markaasaa Yahuudah qirtay iyagii, oo wuxuu yidhi, Iyadu way iga xaqsan tahay, waayo, waxaan iyada siin waayay wiilkayga Sheelaah ah. Mar dambena uma uu tegin iyadii.

  • 9Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.

  • 1¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal.

  • 10Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.

  • 2Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)

  • 41Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

  • 15Wiilashii Yoosiyaahna waa kuwan: curadkiisii Yooxaanaan, kii labaadna Yehooyaaqiim, kii saddexaadna Sidqiyaah, kii afraadna Shalluum.