Bilowgii 46:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 38:7 : 7 Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii.
  • Bil 38:10 : 10 Wixii uu sameeyeyna Rabbiga hortiisa aad buu ugu xumaa; oo markaasuu isagiina dilay.
  • 1 Taar 4:21 : 21 Sheelaah ina Yahuudah wiilashiisiina waxay ahaayeen Ceer oo ahaa Leekaah aabbihiis, iyo Lacadaah oo ahaa Maareeshaah aabbihiis, iyo qolooyinka reerka kuwa dhar wanaagsan samayn jiray oo ka soo farcamay reer Ashbeeca,
  • Bil 29:35 : 35 Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.
  • Bil 38:1-3 : 1 ¶ Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah. 2 Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey. 3 Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.
  • 1 Taar 5:2 : 2 Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)
  • Sab 78:68 : 68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
  • Mat 1:1-3 : 1 ¶ Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim. 2 ¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis, 3 Yahuudahna wuxuu Tamar ka dhalay Feres iyo Serah, Feresna wuxuu dhalay Esroom, Esroomna wuxuu dhalay Araam,
  • Cib 7:14 : 14 Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan.
  • Muj 5:5 : 5 Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba.
  • Bil 38:24-30 : 24 Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo. 25 Kolkaasay markii la soo bixiyey farriin u dirtay soddoggeed, oo waxay tidhi, Ninka alaabtan leh ayaa i uureeyey; oo waxay kaloo tidhi, Waan ku baryayaaye, bal hubso ninka leh kuwan ah kaatunka iyo xadhkaha, iyo usha. 26 Markaasaa Yahuudah qirtay iyagii, oo wuxuu yidhi, Iyadu way iga xaqsan tahay, waayo, waxaan iyada siin waayay wiilkayga Sheelaah ah. Mar dambena uma uu tegin iyadii. 27 Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda. 28 Oo waxay noqotay, in markii ay foolatay uu midkood gacan soo bixiyey; markaasay umulisadii qaadatay dun guduudan oo ay gacantiisii ku xidhay, oo waxay tidhi, Kanaa soo hor baxay. 29 Oo waxay noqotay, markuu gacanta dib u ceshaday, inuu walaalkiis soo baxay; oo iyana waxay tidhi, De maxaad u soo dustay? Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Feres. 30 Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, kii ay dunta guduudanu gacanta ugu xidhnayd; magiciisiina waxaa loo bixiyey Serax.
  • Bil 49:8-9 : 8 Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan. Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda, Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan, 9 Yahuudah waa libaax dhashiis. Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay. Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar, Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona? 10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan. 11 Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah, Dameerkiisa yarna canabka la doorto, Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri, Lebiskiisana dhiig canab. 12 Indhihiisu waxay la guduudan doonaan khamri, Ilkihiisuna waxay la caddaan doonaan caano.
  • Tir 1:7 : 7 Reer Yahuudahna waxaa ka iman Naxshoon ina Cammiinaadaab.
  • Tir 1:26-27 : 26 ¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 27 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
  • Tir 26:19-21 : 19 ¶ Oo wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer iyo Oonaan; oo Ceer iyo Oonaanna waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. 20 Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax. 21 Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul.
  • Sharc 33:7 : 7 Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
  • Xaak 1:2 : 2 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
  • 1 Taar 2:1 : 1 ¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,
  • 1 Taar 2:3-5 : 3 ¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay. 4 Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan. 5 Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.
  • 1 Taar 3:1-4:1 : 1 ¶ Haddaba kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Daa'uud, oo isaga ugu dhashay Xebroon, oo curadkiisu wuxuu ahaa Amnoon, oo ay dhashay Axiinocam tii reer Yesreceel, oo kii labaadna wuxuu ahaa Daanyeel, oo ay dhashay Abiigayil tii reer Karmel, 2 oo kii saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo ay dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii, oo kii afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay, 3 kii shanaadna wuxuu ahaa Shefatyaah oo ay Abiital dhashay, kii lixaadna, wuxuu ahaa Yitrecaam oo uu ka dhalay naagtiisii Ceglaah. 4 Lix waxay ugu dhasheen Xebroon, oo Xebroon wuxuu boqor ka ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa saddex iyo soddon sannadood. 5 Oo kuwanuna waxay isaga ugu dhasheen Yeruusaalem: Shimcaa, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan, afartaas oo ay dhashay Batshuuca oo ahayd ina Cammii'eel, 6 iyo Yibxaar, iyo Eliishaamaac, iyo Eliifeled, 7 iyo Nogah, iyo Nefeg, iyo Yaafiica, 8 iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled, oo iyana waxay ahaayeen sagaal. 9 Oo kuwaas oo dhammu waxay ahaayeen ilmaha Daa'uud, oo wiilashiisii uu addoommaha ka dhalayna kuma ay jirin, oo Taamaarna waxay ahayd walaashood. 10 ¶ Oo Sulaymaan wiilkiisiina wuxuu ahaa Rexabcaam, Rexabcaam wiilkiisiina wuxuu ahaa Abiiyaah, Abiiyaah wiilkiisiina wuxuu ahaa Aasaa, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yehooshaafaad, 11 wiilkiisiina wuxuu ahaa Yooraam, wiilkiisiina wuxuu ahaa Axasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoo'aash, 12 wiilkiisiina wuxuu ahaa Amasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Casaryaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yootam, 13 wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh, 14 wiilkiisiina wuxuu ahaa Aamoon, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoosiyaah. 15 Wiilashii Yoosiyaahna waa kuwan: curadkiisii Yooxaanaan, kii labaadna Yehooyaaqiim, kii saddexaadna Sidqiyaah, kii afraadna Shalluum. 16 Wiilashii Yehooyaaqiimna waxay ahaayeen: wiilkiisii Yekonyaah, iyo wiilkiisii Sidqiyaah. 17 ¶ Oo maxbuuskii Yekonyaah ahaa wiilashiisii waxay ahaayeen: 18 wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah. 19 Wiilashii Fedaayaahna waxay ahaayeen Serubaabel, iyo Shimcii, oo wiilashii Serubaabelna waxay ahaayeen Meshullaam, iyo Xananyaah, oo Shelomiidna waxay ahayd walaashood, 20 iyo Xashubaah, iyo Ohel, iyo Berekyaah, iyo Xasadyaah, iyo Yuushabxesed, oo iyana waxay ahaayeen shan. 21 Wiilashii Xananyaahna waxay ahaayeen Felatyaah, iyo Yeshaacyaah, oo waxaa kaloo jiray wiilashii Refaayaah, iyo wiilashii Arnaan, iyo wiilashii Cobadyaah, iyo wiilashii Shekaanyaah. 22 Wiilashii Shekaanyaahna waxay ahaayeen Shemacyaah, wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Xatuush, iyo Yigaal, iyo Baarii'ax, iyo Necaryaah, iyo Shaafaad, oo waxay ahaayeen lix. 23 Wiilashii Necaryaahna waxay ahaayeen Eliyooceenay, iyo Xisqiyaah, iyo Casriiqaam, oo waxay ahaayeen saddex. 24 Wiilashii Eliyooceenayna waxay ahaayeen, Hoodawyaah, iyo Eliyaashiib, iyo Felaayaah, iyo Caquub, iyo Yooxaanaan, iyo Delaayaah, iyo Canaanii, waxayna ahaayeen toddoba. 1 ¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 26:19-21
    3 aayado
    86%

    19¶ Oo wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer iyo Oonaan; oo Ceer iyo Oonaanna waxay ku dhinteen dalkii Kancaan.

    20Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax.

    21Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul.

  • 1 Taar 2:1-6
    6 aayado
    85%

    1¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

    2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

    3¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay.

    4Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan.

    5Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.

    6Wiilashii Seraxna waxay ahaayeen Simrii, iyo Eetaan, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Daarac, oo dhammaantoodna waxay ahaayeen shan.

  • 1¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal.

  • 18Haddaba kuwanu waa abtirsiinyadii Feres. Feres wuxuu dhalay Xesroon;

  • 3Yahuudahna wuxuu Tamar ka dhalay Feres iyo Serah, Feresna wuxuu dhalay Esroom, Esroomna wuxuu dhalay Araam,

  • 9Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.

  • Bil 46:9-11
    3 aayado
    75%

    9Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.

    10Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.

    11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 5Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga.

  • Bil 46:13-14
    2 aayado
    73%

    13Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.

    14Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

  • 4Cuutay oo ahaa ina Cammiihuud, ina Coomrii, ina Imrii, ina Baanii oo ahaa reer Feres oo ahaa wiilkii Yahuudah.

  • 33kan ahaa ina Caminadaab, kan ahaa ina Araam, kan ahaa ina Esroom, kan ahaa ina Feres, kan ahaa ina Yahuudah,

  • 23¶ Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

  • 3Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.

  • 25¶ Oo Yeraxme'eel oo ahaa curadkii Xesroon wiilashiisiina waxay ahaayeen Raam oo curadkiisii ahaa, iyo Buunaah, iyo Oren, iyo Osem, iyo Axiiyaah.

  • 41Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

  • 7Xelaah wiilasheediina waxay ahaayeen Sered, iyo Isehaar, iyo Etnaan.

  • 7Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii.

  • 71%

    20Wiilashii Shiimoonna waxay ahaayeen Cammoon, iyo Rinnaah, iyo Benxaanaan, iyo Tiiloon. Wiilashii Yishciina waxay ahaayeen Sooxeed iyo Bensooxeed.

    21Sheelaah ina Yahuudah wiilashiisiina waxay ahaayeen Ceer oo ahaa Leekaah aabbihiis, iyo Lacadaah oo ahaa Maareeshaah aabbihiis, iyo qolooyinka reerka kuwa dhar wanaagsan samayn jiray oo ka soo farcamay reer Ashbeeca,

  • 36Intanuna waa wiilashii Shuutelax: Ceeraan oo dhalay qabiilka reer Ceeraan.

  • 2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

  • 37Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.

  • 4Oo Yeruusaalemna waxaa degay kuwo reer Yahuudah ah, iyo kuwo reer Benyaamiin ah. Kuwii reer Yahuudah waxay ahaayeen: Cataayaah, oo ahaa ina Cusiyaah ina Sekaryaah, ina Amaryaah, ina Shefatyaah, ina Mahalaleel, oo ahaa reer Feres,

  • Bil 46:16-17
    2 aayado
    71%

    16Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii.

    17Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

  • 36Wiilashii Soofaxna waxay ahaayeen Suu'ax, iyo Xarnefer, iyo Shuucaal, iyo Beerii, iyo Yimraah,

  • 11Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.

  • 3oo wiilashii Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.

  • 32iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer.

  • 21Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.

  • 35¶ Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

  • 10Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.