Bilowgii 49:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Simecoon iyo Laawi waa walaalo, Seefahoodu waa hub dirireed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 34:25-31 : 25 Oo maalintii saddexaad, markay dhaawaca wada ahaayeen, waxay noqotay in laba ka mid ahaa wiilashii Yacquub oo ahaa Simecoon iyo Laawi, Diinah walaalaheed, uu midkood kastaa seeftiisii qaatay, oo waxay yimaadeen magaaladii, iyagoo aan la ogayn, waxayna wada laayeen intii labka ahayd oo dhan. 26 Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen. 27 Wiilashii Yacquubna waxay yimaadeen raqdii kuwii la laayay, oo magaaladiina way dhaceen, maxaa yeelay, walaashood bay ka nijaaseeyeen. 28 Waxayna la tageen adhigoodii iyo lo'doodii iyo dameerradoodii, iyo wax alla wixii magaalada u yiil, iyo wax alla wixii duurka u joogay, 29 iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan. 30 Yacquubna wuxuu Simecoon iyo Laawi ku yidhi, Dhib baad igu riddeen, maxaa yeelay, waxaad i nacsiiseen dadka dhulka deggan, oo ah reer Kancaan, iyo reer Feris. Haddaba anigoo dadkaygu yar yahay, ayay isu kay wada urursan doonaan oo ay i dili doonaan; markaasna aniga iyo reerkaygaba waa la baabbi'in doonaa. 31 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, De miyey ku habboonayd inuu walaashayo sidii dhillo ula macaamiloodo?
  • Bil 29:33-34 : 33 Oo haddana way uuraysatay mar labaad, waxayna dhashay wiil, oo waxay tidhi, Rabbigu waa maqlay in lay nebcaaday, oo haddaba taas aawadeed ayuu ii siiyey wiilkanna; magiciisiina waxay u bixisay Simecoon. 34 Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.
  • Bil 46:10-11 : 10 Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay. 11 Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
  • Maah 18:9 : 9 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 34:29-30
    2 aayado
    76%

    29iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan.

    30Yacquubna wuxuu Simecoon iyo Laawi ku yidhi, Dhib baad igu riddeen, maxaa yeelay, waxaad i nacsiiseen dadka dhulka deggan, oo ah reer Kancaan, iyo reer Feris. Haddaba anigoo dadkaygu yar yahay, ayay isu kay wada urursan doonaan oo ay i dili doonaan; markaasna aniga iyo reerkaygaba waa la baabbi'in doonaa.

  • Bil 34:25-27
    3 aayado
    75%

    25Oo maalintii saddexaad, markay dhaawaca wada ahaayeen, waxay noqotay in laba ka mid ahaa wiilashii Yacquub oo ahaa Simecoon iyo Laawi, Diinah walaalaheed, uu midkood kastaa seeftiisii qaatay, oo waxay yimaadeen magaaladii, iyagoo aan la ogayn, waxayna wada laayeen intii labka ahayd oo dhan.

    26Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen.

    27Wiilashii Yacquubna waxay yimaadeen raqdii kuwii la laayay, oo magaaladiina way dhaceen, maxaa yeelay, walaashood bay ka nijaaseeyeen.

  • Bil 49:6-7
    2 aayado
    75%

    6Naftaydiiyey, ha gelin guddigooda, Oo ururkoodana ha la midoobin, ammaantaydiiyey; Waayo, cadhadoodii nin bay ku dileen, Oo qushigooday dibi ku boqno jareen.

    7Habaar ha ku dhaco cadhadooda, waayo, xoog bay lahayd, Habaar ha ku dhaco ciilkooda, waayo, naxariis ma uu lahayn. Reer Yacquub baan ku kala qaybin, oo reer binu Israa'iil baan ku kala firdhin.

  • 23¶ Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

  • 2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

  • 4Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid, Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa; Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii.

  • 16Gabooyahoodu waa sida qabri af bannaan, oo kulligoodna waa wada rag xoog leh.

  • 1¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

  • 9Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.

  • Miik 2:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh.

    2Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.

  • Sab 37:14-15
    2 aayado
    67%

    14Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.

    15Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.

  • 15Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;

  • 3Markaasaa reer Yahuudah waxay ku yidhaahdeen walaalahood reer Simecoon, Kaalaya oo markayaga na raaca aynu la dagaallanno reer Kancaane; oo annana sidaas oo kale markiinnaan idin raaci doonnaaye. Markaasay reer Simecoon raaceen.

  • 13Wiilashii Yacquubna khiyaanay ugu jawaabeen Shekem iyo aabbihiis Xamoor, wayna la hadleen, maxaa yeelay, walaashood Diinah ayuu nijaaseeyey,

  • 9Oo sidii guutooyin shufta ahu ay nin ugu gabbadaan ayaa guuto wadaaddo ahu dhiig ku daadisaa jidka u baxa Shekem, oo wasakhnimo bay sameeyeen.