Bilowgii 7:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 2:19 : 19 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday.
  • Bil 7:16 : 16 Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii.
  • Ish 11:6-9 : 6 Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar. 7 Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa. 8 Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada. 9 Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan.
  • Ish 65:25 : 25 Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.
  • Yer 8:7 : 7 Sida xaqiiqada ah xuurta samadu xilligeeda way taqaan, oo qoolleyda, iyo dabfallaadha, iyo saratoosiyuhuba way dhawraan xilliga imaatinkooda, laakiinse dadkaygu Rabbiga xukunkiisa ma ay yaqaaniin.
  • Fal 10:11-12 : 11 wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka; 12 oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka.
  • Gal 3:28 : 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.
  • Kol 3:11 : 11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 7:12-18
    7 aayado
    88%

    12Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

    13Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;

    14iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

    15Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii.

    16Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii.

    17Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka.

    18Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii.

  • Bil 7:1-8
    8 aayado
    86%

    1¶ Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.

    2Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis;

    3haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.

    4Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.

    5Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.

    6¶ Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay.

    7Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.

    8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba

  • Bil 6:18-22
    5 aayado
    83%

    18Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    19Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.

    20Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.

    21Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba.

    22Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

  • Bil 8:15-19
    5 aayado
    78%

    15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

    16Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

    18Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.

    19Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

  • 10Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

  • Bil 9:7-8
    2 aayado
    75%

    7Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa.

    8¶ Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,

  • 10iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.

  • 23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.

  • 1¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

  • Bil 8:6-7
    2 aayado
    71%

    6Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey;

    7oo wuxuu dibadda u diray tuke, hor iyo dib buuna u duulayay, ilaa intay biyihii ka engegeen dhulka dushiisa.

  • 10Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; markaasuu mar kale qoolleydii doonnidii ka diray;

  • Bil 8:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;

    2ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;

  • 14Doonni ka samayso qoryo gofer ah; qowladana ka dhex samee doonnida, daamurna ka mari dusha iyo hoostaba.