Cibraaniyiintii 12:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Idinkoo dembi la dagaallamaya weli iskama aydnaan celin ilaa dhiig idinka daato.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 10:32-34 : 32 ¶ Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh. 33 Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay. 34 Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan.
  • Cib 12:2 : 2 innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
  • Muj 2:13 : 13 ¶ Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.
  • Muj 6:9-9 : 9 ¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis, 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga? 11 Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.
  • Muj 12:11 : 11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.
  • Muj 17:6 : 6 Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.
  • Muj 18:24 : 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.
  • Mat 24:9 : 9 Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.
  • 1 Kor 10:13 : 13 Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.
  • 2 Tim 4:6-7 : 6 Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid. 7 Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 12:1-3
    3 aayado
    83%

    1¶ Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal,

    2innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.

    3¶ Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin.

  • Cib 12:5-9
    5 aayado
    78%

    5Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto.

    6Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo.

    7U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin?

    8Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin.

    9Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn?

  • 1 But 4:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Mar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga,

    2si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.

  • 9Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.

  • 7Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye.

  • 20Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran,

  • 6Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.

  • 12¶ Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.

  • 15Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

  • 71%

    12¶ Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.

    13Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.

  • 4Ma waxtarla'aan baad wax badan ugu xanuunsateen? hadday waxtarla'aan ahayd.

  • 32¶ Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh.

  • 4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • 36Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.

  • Cib 13:12-13
    2 aayado
    70%

    12Sidaas daraaddeed Ciisena si uu dadka quduus ugaga dhigo dhiiggiisa wuxuu ku xanuunsaday iridda dibaddeeda.

    13Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.

  • Cib 12:11-12
    2 aayado
    69%

    11Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.

    12¶ Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar.

  • Cib 12:17-18
    2 aayado
    69%

    17Waayo, waad og tihiin, xataa kolkuu dabadeedto jeclaaday inuu dhaxlo barakada, in loo diiday, in kastoo uu doondoonay, isagoo ilmo daadinaya, waayo, ma uu helin meel uu ka soo noqdo.

    18¶ Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii,

  • 69%

    20Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo.

    21Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.

  • 6Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.

  • 11Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.

  • 19¶ Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,

  • 12inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.

  • 3Dhibaato ka qayb qaado sida askari wanaagsan oo Ciise Masiix.

  • 12Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa.

  • Ef 6:12-13
    2 aayado
    68%

    12Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.

    13Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.

  • 11Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.

  • 8In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday;

  • 3Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin.

  • 5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

  • 12¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.

  • 13Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.

  • 22Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada.

  • 9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

  • 14¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.

  • 13Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga.

  • 10Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.

  • 17Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.