Cibraaniyiintii 2:3
sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?
sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan.
2Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah,
25Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya,
1¶ Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay.
2Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.
14Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta,
15inta la leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka.
2oo aadna ku badbaaddeen, haddaad xajisaan hadalkii aan idinku wacdiyey, haddaydnan micnela'aan u rumaysan.
7Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.
1¶ Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,
2laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey.
2inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen.
6Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed.
11Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
9¶ Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay.
3¶ Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan.
4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.
5¶ Hadda, in kastoo aad hore u tiqiineen wax kasta, waxaan jeclahay inaan idin xusuusiyo sidii Rabbigu dad uga badbaadiyey dalka Masar, dabadeedna u baabbi'iyey kuwii aan rumaysan isaga;
4Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.
5¶ Waayo, dunida iman doonta oo aynu ka hadalno malaa'igaha kama uu hoosaysiin.
29Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?
17Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa?
18Haddaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu?
12¶ Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya.
20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.
11¶ Waxaannu haysanna waxyaalo badan oo aannu kan kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis.
18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.
5oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona,
6oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya.
40Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.
14¶ Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.
5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.
3haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,
26¶ Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.
10Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.
11Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.
14Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? Oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? Oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin?
8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.
8Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado.
1¶ Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal,
17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.
40Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,
11Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.
10Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
9Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,
20waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.
10Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.
2siday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo Ereygii u shaqeeyey.
7¶ Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.